Macangagnimada cusboonaatey ee Madaxweynaha & Magacaabista Xisaabiye guud oo Qaran waqti miisaaniyadeed macnahood?

Waqti looga fadhiyey in uu isaga oo ka duulaya, Mas’uuliyadda Xilgudashada Distooriga ah ee Dalkan Hoggaankiisa, garowsan lahaa, in aan Diktaytornimo ka socon kareyn Dalkan oo qaar horeba ku hafteen, rumeysan lahaa, in Ragga Afduubka Siyaasadeed ugu xidhani ay yihiin, Mujaahidiin sumcad iyo Karaamoba ku leh Dalka, una xidhan yihiin sharci darro. waafaqsan tahay arrintooda ay ku doodayaanna, Xeer lambar 14 oo dhaqan gal ah, Mucangagnimadan Cusub ee uu ka dhawaajiyey Madaxwenaha Dalku waa mid aan meesha qabanba.

Haddii aanu is-dhegeysan aynu ugu celinno’e, waxa uu yidhi”Aniga marka hore raggaasi iima Xidhna, Dambi bey galeen, Maxkamad sharciya ayaa xukuntay ee Cafis ha ii soo qortaan.” Madaxweynuhu waxa uu kala garan waayey malaha koox af-somaligii Ololaha wax ku soo baratey iyo Jaamiciyiin, midka ay yihiin raggan u xidhani. Waxa ay tahay in Madaxweynuhu ka jawaabo Xeer Lam. 14 sida uu Caddeynayo in uu Ummadda u sheego, Sababta uu arrin Distooriya oo Maxkamad aan xaq u lahayn inay ka garnaqdo, weliba iyada oo gobol awooddeedu ku egtahay, ka tallaowdey xuduudda oo Gobol kale iyo Madal aan Maxkamad ahayn ku buquujisay Caddaaladda, waxan uu Maxkamad Sharciya ugu sheegayo iyo xukun sharciya?

Waxaan qarsooneyn sababta tallaabo iyo Xaakim Siciid dhegoole loogu afduubay aqoon yahankan ay tahay haddii ay arrintu gaadhi lahayd Maxkamadda sare in loo diiwaan gelin lahaa ururkooda, sida uu dhigayo xeer lambar 14. Kalsoonida iyo aqoonta sharci ee ay u lahayeenn qaddiyaddooduna waa tan keentay in Guryahooda ay Aaminka u hurdeen laga soo qabqabto. Maamulkanu mid in uu yaqiinsado weeye, raggii u soo dib jirey, naf iyo Maalba u soo hurey iyaga in ay uga lexejeclo badan yihiin Dalka Mujaahidiintu. Wax kasta oo ay sameeyaanna, aanay rinjiyeyn karin karaamada iyo sharafta ay leeyihiin. In aanay u xidhnaaneyn ee Xeer lambar 14, oo imika Baarlamaanka horyaal iyo Maxkamadda Distooriga ahi Albaabka ka soo saarayaan, xuquuqda Distooriga ah ee ay leeyihiinna cid ka qaadi kartaana jirin iyada oo qofna aanu ka sarreyn karin sharciga, ciddii Mas’uulka ka ahayd xadhiggoodana aan Dalka iyo Taariikhda midna saamixi doonin, kaabuuska dabagalana, aanay ka shallaayin.

Waxba kama xishoonayo Maamulkaniye, waxa iyana yaab iyo fajiciso noqotey, wasiir Cawilkii Maaliyaddu fadeexaddan qaawan ee uu madasha keenay, waqti sannad Maaliyadeedkii dhammaadey oo xisab xidh iyo Miisaaniyaddii Cusbeyd ee 2008da laga sugayey ayuu xilkii ka qaadey Xisabiyihii Guud ee qaranka. warbaahinta Madaxa bannaanna u diidey inay galaan Madashii Xilka loogu kala wareejinayey, Xisaabiyihii Guud ee Qaranka ee hore  Maxamuud Axmed Duale (Dhagaxtuur) iyo kan uu Cawil keensadey oo ah Wiil uu adeer u yahay, oo uu xisaabaha tababare-xafiis ugu ahaan jirey, Mustafe Macallin Xuseen oo ilaa imikana jooga Xafiiska Xisaabaha Gobolka Togdheer, (on-site Trainee). Xasaasiyadda waqtiga, Culeyska miisaan ee Mas’uuliyadda Xafiiskanu haddaba,waa mid aan Mr Bile, Xisaabiyaha Guud ee Cusubi qaadi karin haddii aanay arrintu ahayn, Diyaar garow uu cawil wax ku meel marsanayo, shandadahiisuna xidhxidhneyn.

Iyada oo ay Dalka joogaan horyaalladii Xisaabaadka ee qarankii la odhan jirey Somalia, raggii magaca ku lahaa sida Cabdi xaaji Aadan iyo qaar kaleba, layligan lagu rarayo hantidii ummaddu ma inoo daadi baa? Haddiise uu shalay dhiishaa dhaansigii Marreexanku wax lagu cibro qaato ahaa, miyaaney arrin uu Wasiirku ka xishoodu ahayn? Bile wuxuu xaq u lahaa in uu tartan loo galo jagadan ka qayb galo, Wasiirkana waxa waajib ku ahayd in uu Warbaahinta jagada ku qoro, Dalkana loogu daneeyo aqoon yahan xul ah in uu helo, weynuse ognahay in uu kutalogalka kooxdani weji kale leeyahay.

Wasiirkuna isu soo jeedo, oo sababta uu warbaahinta ugu diideyba ahayd, dabool saarka arrin aan qarsoomeyn.

Waxa loo talinayaa waa hantidii ummadda, Awr layliyana qof war kala garanayaa, wiciyad iskama saareen, Inankanna xilka iyo Mas’uuliyadaha xafiiskan ma qaadi karo oo tababarihiisii Mustafaba weli Gobolka togdheer ayuu joogaa, waxaannu leenahay, wuu dhammaadey waqtigii Askartu, Maamulka Rayidka ahina kuma shaqeeyo “Marshaal order”ee qawaaniin iyo Talo wadaagaa distoorka waafaqsan ayuu ku shaqeeyaa. Waxaannu leenahay waar ma wadi kareysaan oo maaha mid aad isku lambar tihiine, si karaamo leh idinka oo wejigiinna dambe u tudhanaya, xilka iska dhiiba aad kolleyba ka sii socotaan, inta aan codka xorta ah ee Bulshadu Kaadhka cas idiin dhiibin. Waa dhawr bilood waxa uhadhey, waqti dheer maaha, haddii ay ku adkeysanayaan inay sii joogan, keliya waxanu ka codsanaynaa in aanay dhibaato kale ku soo kordhin kooxdan sharku.

Dr. Cali Cabdi Muxumed, Hargeysa.

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.