Xeer Lr. 14 ma wuxuu la mid noqdey, Cajaladihii Madaxweyne Richard Nixon, laga furfuri waayey, aakhirkiina sababay!!.

Xeer Lr: 14 oo ah xeerka diwaan-gelinta asxaabta iyo

ururada Siyaasada, waa Xeer dhaqan gal ah, sida kii

Saxaafadda, waana xeer si aan mugdi ku jirin u

waafaqsan , arrinta uu ku sameysmay Ururka siyaasiga

ah ee qaran , Xadhiggooda oo aynu wada ognahay in uu

ahaa Afduub siyaasadeedna uu yahay baadil. Maamulka

Somaliland haddaba , wax aan marnaba qarsoomeyn , la

masixi karin, la liqi karin oo sharci ah in uu indhaha

ka laliyo Maaha. Madaxweyne Richard Nixon , oo

Dawladda Adduunka ugu itaalka weyneyd ka ahaa

Madaxweyne , lahaana dhaw iyo labaatan nooc oo

Ciidammo qaran ah, laba iyo toban ka mid ahi ay

ahaayeen qaar arrimo Sirdoon ku shaqo leh, ayaa ku

talo-xumoobey Fadeexaddii la magac baxdey water-gate,

isaga oo Madax iyo Siyaasiin waaweyn oo Dalkaa

Mareykanka, u sameystey xarun hadalladooda

isgaadhsiineed lagu duubo cajalado iyaga oo aan ka

warqabin , taas oo aan distoorka iyo shuruucda

Waafaqsaneyn.

Baadhe Saxafi ah, ayaa markii uu ka yaabey, sida

awoodda Maamulka loogu tumanayo shuruucda Dalka,

baadhitaankiisana ku soo ogaadey, cajaladahan

qarsoodiga ah, ayuu xog urursi aad u hubaal ah oo si

joogto ah oo nidaamsan uga sheekaynaya, waxa socda ku

soo bandhigey “Fadeexaddii Water-gate ” War Baahinta.

Waxa xaqiiqo noqotey jiritaanka Cajaadahan iyo

Fadeexaddaba, waxa laysku deyey in laga fogeeyo

Madaxweynaha oo raggii ugu daacadsanaa, mas’uuliyadda

isu digaan, aqoon yahankii saxafiga ahaana, wuxuu si

aan leexleexad lahayn uga warramey mid waliba intii uu

ku lahaa, Mas’uuliyaddana dul dhigey Madaxweyne

Nixon!!.

Markii ay Maxkamaddii Sare iyo Dhaar tagtey, Nixon

wuxuu garowsadey in aan bur la qabsadaa hadhin,

Cajaladiina wuu bixiyey, waxaanu Ummadda kala hadley

T/vga isaga oo qirtey Mas’uuliyaddii fadeexadda, cudur

daar cuntami waayeyna ka bixiyey, sidaana weji gabax

Xilkii uga degey. Aqoontu wax la dhayalsado maaha,

Sharciguna wax lagu dhiirrado maaha, marka qaran dhan

laga Mas’uul yahay , kaana ag dhawyihiin, aqoon

yahankii Dalka oo haddii uu Mamulku ka faa’iideysnayo

aqoontooda aan lacag ku xidheen. Xeerkan haddaba

dhaqan galka ah ee dabool saaristiisa ay u xidhan

yihiin Mujaahidiintii Dalku, waxa uu la mid noqdey

cajaladahan Nixon , oo Maamulku isku dey in uu qariyo

, annaguna hadhiweyney oo Golihii Xildhibaannada

gaadhay arrintii wax la isla gurguurtaba !! Golahan oo

ah hay’addii sharci-dejineed ee uu ka soo fulay

Xeerkaasu , go’aanka ay ka soo saarto waa mid lagama

guuraan ah , kan qarqooska ah ee lagu sababeeyey

Xukunkooda Afduubka ah,kanaa aljumaya!!

Mudne Madaxweynaha Dalku haddaba, ha yiqiinsado in

aan Madaxda qaran dib ugu xidhnaanyn oo bur dambe oo

la qabsado u hadhin , Distoorka qaranka ayaa sii

deynayaa Mujaahidiinta oo Aqoonyahanku tan wuu kaga

badiyaye , waxa looga fadhiyaa, Arrinta Shuuro-net,

Xeerkan Cabudhinta Saxaafadda , Inanta Shaqaalohooda

ahayd ee “Ubax”, Inantiisana ahayd shaqaalihiisa ka

tirsan , haddii ay dambi gashay, Dalku Maxkamado ayuu

lahaaye, toddobaad in ay Saldhigyada Bileyska ee

Dalooldho iyo Ibraahim Koodbuur ku xidhnaato, mar

qudhana aan shakhsi ahaan loo horgeyn Maxkamad , miyey

tahay wax dhaqan u ahaa Bulshada Dalkan bahdilaadda

da’yartu , gaar ahaanna Dumarku?!!

Mudane Madaxweynaha waxaan xusuusinayaa in ay arrimuhu

sida ay u socdaan haddii uu ogyahay iyo haddii aanu

ogeynba, in hab dhaqanka Maamulkiisu uu ka tallaabey

khadkii Casaa!!. Dhaqanka aynu leenahay, ku tacaddiga

maxasta oo laga aamuso, naarta ku dhac ayaa ka fudud

!! Xogogaalna wuxuu u yahay , waqti aan fogeyn ,

Cawaaqib xumadii ay reebtay garaacidda Albaabadaasu.

Inantan mudane karaamadeeda degdeg iyo shuruud la’aan

ha loogu soo celiyo, ama Maxkamad la wada joogo ha

lagaga soo caddeeyo dembiga ay gashay!!

Waxa muuqata in sidii uu Dr. Cali Jawhar sheegay, uu

Maamulkanu ku joogo, budul qoom horeba ku jabey ee ay

la gudboon tahay in uu ka joogo.

Dr. Cali cabdi Muxumed

Hargeysa.

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.