Wariyaashii Muqdisho Ugu Caansanaa Oo U Cararaya Hargeysa Kadib Marki Khatar Noloshoda Kula Soo Daristay Muqdisho ‘Daawo Sawiradooda’

Tan iyo markii Dowlada KMG ah ee Somalia timid magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia, waxa aad usoo batay tacadiyada ay Wariyaasha ka howl gala magaalada Muqdisho kala kulmayaan Dowlada KMG ah ee Somalia.

Wariyaal badan ayaa lagu xir xiray magaalada Muqdisho, kuwo ayaa lagu dilay, kuwa ayaa lagu dhaawacay, taasina waxay sababtay inay wariyaasha iskaga soo qaxaan Muqdisho, waxeyna intooda badan hada soo gaareen magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Wariyaashaan ayaa nolol aad u xun ku nool, waxaana inta badan lagu arkaa goobaha lagu qaxweeyo iyagoo fadhiya iyo masaajidyada waa weyn ee magaalada Hargeysa.

C/wali Axmed Cabdulle oo kamid ah Ganacsatada reer Muqdisho ee waayadii ugu dambeeyay degnaa magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu aad ugu naxay kadib markii maalinimadii Jimcihii lasoo dhaafay Masaajid ku yaala bartamaha Hargeysa ay istaageen salaada kadib in ka badan 13 Wariye oo reer Muqdisho ah kuwaaso dadkii Masaajidka ku cibaadeysanayay ka codsadeen inay u kaalmeyaan isla markaana dhibaato xoogan oo dhinaca nolosha ah heysato.

C/wali waxa uu sheegay inuu aad ugu naxay arintaan Wariyaashii Muqdisho ugu caansanaa qabsatay waxuna sheegay inay u aruuriyeen lacago xoogaa buuran oo maalmo noloshooda kaafin karta.

“Markii hore aniga aad baan u wada aqaanay Wariyaashaan intooda badan, waan malaysan waayay waayo waxaa ka muuqday daruuf xoogan taasoo sababtay inaan fahmi waayo xitaa wajiyadooda, iyagoo wada watay Qamiisyo wada cad cad oo isku nooc ah” ayuu yiri C/wali Axmed Cabdulle.

Wariyaashaan qaarkood ayaa sheegaya inay magan galyo Siyaasadeed ka heleen Dowlada Uganda isla markaana ay dhawaan sida loo balan qaaday la geyn doono magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Wariyaashaan qaarkood ayaa eedeyn u jeedinaya Ururka sheegta inuu u dhaqdhaqaaqo Howlaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NOSUJ oo ay sheegeen inuu soo qalday isla markaana u sheegay in la dhoofin doono balse aysan ilaa hada wax war ah ka heyn arrimaha loo sheegay.

Wasiirka Warfaafinta Dowlada KMG ah ee Somalia Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa dhawaan ugu baaqay Saxafiyiinta isaga cararaya magaalada Muqdisho inaysan dalka ka bixin isla markaana ay waxii ay tabanayaan Wasaaradiisa hor keenaan.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya maalmihii ugu dambeeyay Wariyaasha kasoo cararaya kadib markii Warbaahinadii ay u shaqeyn jireen la xiray qaarkood handadaad loo geysay.

Waxaan idiin soo gudbineynaa Wariyaasha Hargeysa haatan ku sugan magacyadooda iyo goobaha ay ka shaqeyn jireen, iyadoo ay jiraan wariyaal kale oo saacad saacada ka dambeysa soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Maxamed Cismaan
New York
Idaacada HornAfrik Comming Soon
C/rashiid Cabdi Axmed Rashka Idaacada Shabelle
Jacfar Maxamed Kuukaay Idaacada Shabelle
C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala Idaacada Shabelle
Maxamed Faarax Talyaani Idaacada Simba
Caydiid C/raxmaan Idaacada Shabelle
Maxamed Bashiir Sh. C/raxmaan Idaacada Simba
Baabul Nuur Shabelle Web Master
C/qaadir Axmed Colaad Idaacada Shabelle
C/qaadir Akiila Idaacada Shabelle Comming Soon
C/xakiin Cilmi Xasan Dayniile.com
Bile Nuur Isaaq Idaacada GBC

Iyo Wariyaal kale oo aan magacyadooda helin, waloow kuwa kale wali ay kasoo qul qulayaan magaalada Muqdisho, waxii kusoo kordha xaaladood waan idiin soo gudbin doonaa.

Xigasho: Waagacusub

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.