Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Khamiis, 29 Nov.

 “Sool reer kuma duulin, arrintuna Geel iyo Adhi ma joogto”

Suldaan, horta Madaxweyne Rayaale maxaad isku seegteen?

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar…Waraysi gaar ah

Hargeysa (Ogaal)- Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar ayaa waraysi khaas ah oo uu shalay siiyay wargeyska Ogaal, kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku lug leh duruufaha siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo axwaasha guud ee marxalada dalka. Islamarkaana wuxu ku soo qaaday, arrimo kale oo la xidhiidha dhinac Killalka shanaad iyo dowlada Itoobiya.

Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Ogaal: Suldaan waxa soo baryahan danbe la isla dhexmarayay warar sheegaya in dadka qaar wadaan arrimo la xidhiidha shir beeleed, Islamarkaana waxa la leeyahay Salaadiinta laftooda qaarbaa ku  jira, arrintaa maxaad kala socotaa, maxaadse ka odhanaysaa?

Suldaan Cusmaan. Arrintaa waxaan ka odhanayaa, runtii annigu ma arag cid shir beeleed wadda ama ka shiraysa, arrinkaana waxaan u arkaa iska Borobagaando la samaynayo oo la abuuray, shikhsiyana Salaadiin iyo cid kale oo arrintaa wada ma arag. Laakiin, shakhsiyana markaan ka hadlayo shir beeleed horena umma aaminsanayn immikana ma aaminsani oo ma qabo in shirbeeleed maanta wakhtigiisii taaganyahay, waa xili la soo dhaafay. Markaa annigu fikirkaan ka qabaa waxa weeye, in xiligaa laga soo gudbay oo maanta loo soo gudbay, Qaran Dastuur, nidaam iyo xisbiyo leh, markaa cidda la badalayo ee xilka loo garan waayana in nidaamkaa lagu badalo ayaan qabaa, cidii lagu badalayo ee loo gartana inay nidaamkaa ku shaqayso ayaan qabaa. Laakiin ma qabo wax shirbeeleed la yidhaa.

Ogaal: Waxyaabaha hada socda ee la hadal hayo waxa ka mid ah, ganacsiga dhoofka xoolaha oo Xukuumadu heshiis kula gashay Ganacsade Sucuudiyaan ah,

Ganacsatada wadaniga ah qaarkoodna way ka cabanayaan oo waxay ku doodayaan in Xoolihii nin kaliya gaar loogu xidhay, taasina ay xanibtay horu socodkii suuqa ayna saamaysay Sayladihii xoolaha iyo noloshii bulshada, maxaad kala socotaa addigu  taa?

Suldaan Cismaan:  Arrinkaasi waa arrin aad iyo aad u miisaan leh, waa arrin noloshii dadka si dhab ah u taabtay, xoolaha nooli waa dhaq-dhaqaaqa qudha ee dalka ka jiray ee ummadu ku nooshahay 95% hadaanay ka badnayn, markaa xayiraadaa xoolaha la saaray waa arrin aad dadka dhibaato ugu haya, waana wax sharciyada dalka ka baxsan, oo aad arkayso xukuumada maanta jirtaa in maalinba maalinta ka danbaysa ay sharicigii dalkan loo dhigay ee ummadani dhigatay ay meel iska dhigtay oo iyagu ragan maanta xukuumada hogaamniyaa  nooc (Sharci) ay iska samaysteen ay ku dhaqayaan. Markaa, xaga sharciga marka laga eego waa khalad weyn oo ummada laga galay iyo dalka, xaga nolosha marka laga eegana, maanta waa mid cidhiidhi badan ku haysa, waxaanan odhan lahaa oo aan leeyahay oo aanu leenahay si deg-deg ah arrinkaa xukuumadu ha u badasho oo xoolaha xoriyadoodii iyo qaabkii looga ganacsan jiray ha u sii dayso, oo ninkaa ajannabiga ah ee xoolaha kootada dowaladu ugu xidhay inay ka noqoto ayaan aad iyo aad ugu boorinayaa. Oo ummada maanta bakhtiga iyo dhibaatada ku jirta, ilaa ka miyiga illaa ka halkan, (Magaalada) Ummadu waxa ay ku noolayd waa xoolaha nool,

Ogaal: Suldaan dhoofkii xooluhu wuu socdaa oo ismuu taagin, haatana wararku waxay sheegayaan in dekadu Barberi ay ku mashquulsantahay dhoofkii xoolaha moosinka xajka Awgii. Markaa, maxaad ku cabiraysaa dadka bakhtiyay ee aad sheegayso?

Suldaan Cismaan: Addeer annagu dadkaanu raacnaa, maalinta ay dadka wax u kordhaana waanu ognahay, maalinta dadka ay dhibaato ku timaadana, dhibaatadu halka ay gaadhsiisantahay waanu ognahay. Madaxdhaqameed ayaanu nahay, ninkii aan danaynayn isaga ayay u taallaa, laakiin, hadaanu madaxdhaqameed-nahay waxaanu eegnaa, waa walba maxaa ugu baryay dadka. Yacni waxa weeye, Bakhtigu dad gaajo u dhintay ma hayno, laakiin, markaad eegto nolasha ay maanta dadku ku suganyihiin ee ay arrinaasi u gaysatay waa arrin mushkiladeeda iyo dhibteeda leh oo aad u culus. Mida kale,  xoolaha dhoofayaa waa xoolo kooban weeye, maaha xoolihii u dhoofi jiray dalalka kala duwan. Laakiin, markii immika xoolihii loo xidhay Al Jabiri, dee waad ogtihiin oo xolihii waxay noqdeen, xoolo Kooto ku jira oo nin qudhihi iska leeyahay, sicirkoodii iyo nidaamkoodiiba. Ta kale, waxay sababtay in xoolihii dhulal kale u talaabaan, dad kale ka faa’iidaystaan. Markaa waxaanu leeyahay kootadani waa arrin aad u culus oo dhibaato weyn dadka ku haysa, waayo xooluhu waa ishii kali ahayd ee dadku ku noolaa. Markaa waxaan leeyahay  waa inay xukuumadu arrinkaa dib ugu noqoto.

Ogaal: Addigu ka Suldaan ahaan, arrintan miyaad kala xidhiidhay xukuumada, oo aad si toos ah ugu bandhigtay dhibaatadan aad sheegayso inay yeelatay?

Suldaan Cismaan: Haa, In badan baanu kala hadalay anniga iyo Salaadiin kaleba waanu ka hadalay, dad badan oo kalana way ka hadleen, Maalin waalinba jaraa’idka way ku qorantahay, markaa cid aan kala hadlini ma jirto, ficliyana waa loogu bandhigay xukuumada. Laakiin, ilaa immika waxay ka soo celisay oo jawaab ah oo ay wax kaga badalayso lagama hayno.

Ogaal: Dhinaca siyaasada marka la eego, addiga hada waxa lagugu tiriyaa, Salaadiinta mucaaradka ku ah Xukuumada. Markaa, maxaad horta Madaxweyne Rayaale isku seegteen?

 Suldaan Cismaan: Horta, waa xaqiiqa xukuumadu maanta nidaamkan ay wax ku hogaaminayso inaan aad u diidanahay. Waxaan ku diidanahay-na shakhsi maaha, ee waxa weeye, annigu markaan Suldaan ahaan sidan leeyahay waxa weeye. Waxaan diidanahay waxa weeye, Saldanadu waxay ilaalisaa wixii dadku dhigteen maamulka markaa jiraa ma fulinayaa, ummada ma u adeegayaa, ma waddaa wixii ummada dayacan horumarkeeda iyo daneheeda ah. Markaa, xukuumadan in badan ayaanu talo siinay, in badan ayaanu kala talinay. Waxaanu ka eegaynay inay dawlad tiro yar oo tayo leh samayso, nidaam wanaagsan dalka ku hogaamiso si dadku u koro doorashooyinka marka la galo. Markii wixii waxaas oo dhan ay dhag u dhigi weyday xukuumada maanta jirtaa. Markaa, diidmadaydu waxay ku salaysantahay waxa weeye, xukuumada oo aanu arko inay garab martay wixii ummadu u igmatay oo aan ku socon. Sharcigii garab martay oo aan ku socon,  oo aan tallo soo jeedin qaadanayn, oo nidaamkii dalka oo dhan intay meel iska dhigtay ku socota qaabkii had iyo jeer Kali talisku ku dhaqmi jiray.

Ogaal:  Laakiin, Suldaan mudo badan oo hore ayaad xukuumada aad isugu dhawaydeen, Madaxweyne Rayaalana aad isugu dhawaydeen. Markaa, berigaa hore taladan aad leedahay hada ma qaadanayo, miyuu kaa qaadan jiray?

Suldaan Cismaan:  Intaa horeba waa intii aanu talada u jeedinaynay ee aanu mar walba lahayn, sidaa ka daa sidaa ka d’u oo sidaa samee. Markaa, taasiba waa taan ka hadlayo. Talada badan ee aanu inta badan soo wadnay waxay ahayd, inuu nidaamka dalka ku hogaamiyo wixii ummadu dhigatay ee xukuumada u igmatay iyo sharciga yaala. Markii ay waxba naga dhagaysan waayeen isaga iyo rag kaleba, runtii taas weeye ta khilaafkayaguba ka dhashay.

Ogaal: Siyaasiyiinta Ururka Qaran ee ku xidhan xabsiga Mandheera, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in haddii ay cafis soo qortaan uu subaxdaaba sii daynayo, adigu ka Suldaan ahaan sideed u aragtaa?

Suldaan Cismaan: Annigu waxaan u arkaa sharci darrada aan ka hadlayo inay ka mid yihiin madaxda Qaran ee xidhani. Waayo, nin muwaadin ah oo yidhi xaqbaan u leeyahay inaan siyaasada kaga qaybgalo Urur siyaasadeed oo aan samaystay. Waxa weeye, sharciyada xadhig kamuu mutaysan, wax danbi ah oo uu dalka ka galayna ma jiro. Laakiin, sharciyada uu ka hadlay in lagu qanciyo, isagoo halkii iska jooga oo aan xoriyadiisa iyo muwaadinimadiisa iyo xaqa uu siyaasada u leeyahay lagu gafin ayay ahayd. Laakiin, xadhigu waa waxaan ka hadlayo ee aan leeyahay xukuumadu way garab martay wixii umadani u igmatay, sharci darada wadanka ka taagan ayaanay ka midtahay. Waxaanan mar labaad iyo mar sadexaadba ku celinayaa horena aan u soo jeediyay, cafis ha soo qortaan iyo waxaasi waa geed ku meeraysiye. Madaxweynaha waxaan leeyahay ha sii daayo madaxdaa siyaasiyiinta ah ee ku xidhan waxaan sharciga waafaqsanayn. Shariciga ay ku doodayaan inay siyaasada ku tartamaan iyo Ururka ay doonayaan sharci baa yaale, haloo noqdo, hadii ay xaq u yeeshaana hala siiyo hadii aanay xaq u lahayna..

Ogaal: Xukuumadu waxay taagantay maxkamad ayaa xukuntay, markaa hadii aanu odhan Madaxweynuhu cafis ha soo qortaan, dariiqa kale ee u furani muxuu yahay?

Suldaan Cismaan: Horta, waxa la isku hayaa maxkamada xukuntay qaabka ay u xukuntay waa kee. Ma maxkamada Jeelka Mandheera gudihiisa ku xukuntay ayay odhan karaa waa Maxkamad. Marka, Maxkamad laga hadlayo waxa weeye, qofku inuu marka hore danbiile yahay, marka labaad waxa weeye, qaabka uu dastuurku dhigayo in loo qaado, isagoo qofku xor ah illayn danbi may gelin nimankaniye ay iyagu is daafacaan, cida ka soo horjeeda ee leh qalad baad ku socotaana ay soo dhigtaan dooddooda, markaa si dhab ah oo xor ah loo doodo oo nin waliba looyaradiisii iyo qaabkiisii keeno. Laakiin, inta la xidhay oo Mandheera hadana loogu geeyay dad khaas ah oo dawladu iska wadato oo la yidhaahdo waanu ku xukunay, taasi  waa sharci darada aan ka hadlayo.

Ogaal: Suldaan, xukuumada xoog ayaad u dhaliishay, dalkana waxa ka jira ee lakala dooran karo ee illaa immika meesha yaala dhinaca siyaasada waa Sadex Xisbi, markaa addigu midkeed taageersan tahay?

Suldaan Cismaan: Annigu Saldanad xilkeed ayaan hayaa, horena waan u sheegay markii xisbiyada  la aas-aasayay, Xisbi qudha oo aan anigu xubin ka ahay ma jiro, kaana horaan u cadeeyay maantana waan cadaynayaa, Laakiin waxaan hadba taageersanahay, marka cid xil lo dhiibo cidii xilka loo igmaday haday ku dhacdo oo ay ka soo baxi weydo xilka loo igmaday waxaan taageersanahay in la badalo. Waayo, wax kasta marka la tijaabiyo hadii uu faa’iido yeeshana waa la daystaa, haduu faa’iido yeelan waayana waa la iska badalaa. Badalka aan ka hadlayaana waxa weeyaan, in doorasho iyo sharciga iyo nidaamka wax lagu badalo. Markaa, hadba cidii kale ee xisbiyada kale ee jira u soo baxda ee tartanka marka la galo ka qayb qaadan doona ee taagan ee aan weli la tijaabin ayaan qabaa in xilka lagu tijaabiyo.

Ogaal: Markaa, Labada xisbi ee mucaaradka ah kaad la jeceshahay in lagu tijaabiyaa, keebuu noqonayaa?

   Suldaan Cismaan: Walaahi, annigu immika mid gaar ah ma cayimayo, laakiin waxa weeye, isagaa iska soo bixi doona. Kubad ayaa goolka taala, doorashaa la geli doonaa, nin waliba wixii dadka ka kasbado iyo nidaamku la yimaado iyo qaabkuu u shaqeeyo ayay ku imman doontaa. Laakiin, Udub waa la tijaabiyay iyo xukuumadiisa maanta dhisan.

Ogaal. Laakiin, markaad eegto duruufaha iyo ifa faalaha siyaasadeed ee maanta jira ma filaysaa in doorashadu dhacayso oo wakhtigeedii la qabanayo?

Suldaan Cismaan: Hadii aanay xukuumadu doonayn inay ka meeraysato, waxa weeye doorashadu nidaam iyo wakhti ayay lahayd, waataan ka hadlayay ee aan lahaa dalku in nidaamkiisa uu ku socdo ayaan aaminsanahay, markaa waxa weeye, sida uu sharcigu dhigayo, waa in doorashada xiligeeda la qabtaa dabadeedna lagu tartamaa.

Ogaal: Laakiin, dawladu waxay sheegtay in dalku xaalad dagaal ku jiro, Gobolka Sool waxa ka taagan waad arkaysaa. Markaa, adiga miyaanay taasi kuugu muuqan inay saamaynayso doorashada?

Suldaan Cismaan: Horta, marka horeba tuhun baa jiray runtii, laakiin horta doorashadii wakhti badan ayaa ka hadhay, wakhtigeedana in la qabto ayaan aaminsanahay. Dagaal maanta doorashadaa baajiya oo dalka haystaana ma jiro. Sool oo Somaliland ka tirsan ayaa wax ka dhaceen, taana waxaan qabaa wixii hadhay in nabad lagu dhameeyo ayaan qabaa oo aan dagaal sii socda lagu dhamayn. Dawladana waan ugu baaqayaa, Garaadada iyo dadka reer Sool ee Somaliland ka mid ahna waxaan ugu baaqayaa inay qaab nabadgalyo wixii arrintaa ku saabsan inay ku fadhiistaan googosheeda oo ay xalkeeda doonaan. Waayo, xabadi xal maaha, dagaalna xal maaha runtii.

Ogaal: Laakiin, Bayaan ay garaadada reer Sool ka soo saareen shirkoodii Boocame, waxay ku sheegeen inay dagaal ka xigaan talaabada xukuumadu ku soo xidhayso xuduudka, Islamarkaana afhayeen Garaadada u hadlay wuxu ka sheegay BBC-da, in dagaalku gaadhi doono ilaa qaadis Geel taa maxaad ka leedahay?

Suldaan Cismaan: Annigu horta ma dhagaysan codkaa, laakiin Sool reer kuma duulin arrintuna Geel iyo Adhi ma joogto, waxay illa tahay codkaasi haduu jiro waa cod qaldan, Sideedabana Saldanadaha iyo madaxdhaqameedku dagaal kuma baaqaan, waayo iyagu waa madaxda nabada,. Waxanan ku boorinayaa wixii khaldan ee ay garaadadu halkaa ka arkaan, inay u gogol fadhiistaan, nabadna lagu wada hadlo. Laakiin, xabad uma arko inay xal keenayso, dhan walbana xabadu dhibaato ayay ku tahay. Markaa nabad halagu wada hadlo ayaan leeyahay.

   Ogaal: dhinaca kale hadaan uga wareegno, dadka aad Suldaanka u tahay, Itoobiya iyo Somaliland-ba way degan yihiin. Balse, dhinaca Somaliland inta badan waad joogtaa, Laakiin Bulshada qaybeheeda Kilalka shanaad ee Itoobiya degan, maxaad kala socotaa xaaladooda hada? Waase sidee xidhiidhka aad leedihiin addiga dawlada Itoobiya?

La soco……………..

Xisaabiyihii guud ee Qaranka oo xilkii laga qaaday

Hargeysa (Ogaal)- Xisaabiyihii guud ee Qaranka Maxamuud  Axmed Ducaale (Dhagaxtuur), ayaa la sheegay inuu shalay xilkii u tiriyay ku xigeenkiisii, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweyne Rayaale xilkii ka qaaday.

Sida ay baahisay Idaacada Radio Horyaal waxa Jagada Xisaabiyaha guud xilkeedii loo tiriyay masuul kale oo magaciisa lagu sheegay Bile, kaas oo sida warku sheegay ahaa ku xigeenka Xisaabiyaha guud.  Isla markaana waxa uu warku intaa ku daray, in la kala wareegida xill ee labada masuul  ay goob-joog ka ahaayeen madaxda Wasaaradda Maaliyada qaarkood.

Ma jiro wax war ah oo Saxaafada loogu talagalay, oo si toos ah uga soo baxay dhinacyada ay khusayso, oo muujinaya tafaasiisha warkaas ay baahisay Idaacadu. Sidoo kale ma jiraan warar max-banaan oo iftiiminaya sababaha horseeday eriga Xisaabiyihii guud.

Hargeysa: Kulanka qorshaynta Barnaamijka Horumarinta Somaliland ee 5 sanno (2008 – 2013)

 Hargeysa (Ogaal)- Shir lagaga hadlayay qorshaha dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland ee shanta sannadood ee soo socda 2008-2013 iyo sidii uu u bilaabmi lahaa ayaa shalay ka furmay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta dawlada Somaliland ah iyo Weftiyo ka kala socda Baanka aduunka, Qaramada midoobay, midowga Yurub iyo dalka Norway waxa ugu horeyn u jeedada shirkaas faah-faahin ka bixiyay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Md. Cali Ibriaahin (Cali-sanyare), oo sheegay in uu shirkani  ku saabsan yahay dib-u- dhiska iyo horumarinta Somaliland, isla markaana uu yahay qorshe fulintiisa la bilaabi doono 2008-da, socona doono ilaa 2013-ka. Waxaanu sheegay Wasiirku in qorshahani yahay mid ka dhashay qiimayn hore loo sameeyay, taas oo lagu ogaaday baahiya ka jira dalka Somaliland. Wasiirka Qorshayntu Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaad ogeydeen in uu jiray geedi socod ku saabsanaa laga soo bilaabo mashruucii JNA-da, kaasina waxa uu ahaa in baahida dalka la ogaado, dabadeetana waxa uu isu rogay mashruuuc la yidhaahdo mashruuca dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland ayuu isu bedelay. Markii la ogaaday baahidii dalku qabay ayaa hadana loo gudbay in baahidaas la mashruuceeyo, markaas ayuu isku bedalay waxan la yidhaa RDB, ama dib-u-dhiska iyo horumarinta Somaliland. Kii bishii jeeniwari ayaanu wada-hadalkiisii bilawnay, ee sannadkan oo ay isugu yimaadeen nimanka deeqda bixiyaa iyo dawlada Somaliland Baarlamankii, Ururadii samafalka ahaa ee dalka oo cid waliba joogaan sida ay imika u joogaan. Markaa kaas ayaa imika dhamaystirkiisii uu yahay shirkan waa laga wada-hadlay waxyaalo badan ayaa la is dhaafsaday in imika warbixinadii ugu dambeeyay weeye waxaanu ka hadlaynay, ee cid walba loo bandhigay inuu yahay waxaasi wixii aanu ka wadahadalay ee la dhameeyay iyo in kale.” waxaanu intaa ku daray, “Markaa marka la dhameeyo ee la isku raaco dhaqan-galkiisii iyo fulintiisii ayaa sannadka soo socda ee 2008-da la bilaabayaa, oo iyana hawl kale ah, oo ah sidii arrimo badan loo wada heli lahaa. Markaa wixii laga wada hadlay ayaa shirkan lagu dhamaystirayaa, Waana mashaariic badan oo isku jirta, oo dhinac walba taabanaysa, oo shan sannadood ah, waxa uu bilaabmayaa 2008-da ilaa 2013-ka. Waxan la dhamaystirayaa waxa uu yahay wixii lagu heshiiyay ee wadankan loo qaban lahaa. Markaa qoladii baanka aduunka oo culayskoodii wadata ayaa jooga, qoladii Barwaaqo sooranka Europe wadamada ku jira oo dhan iyo Norway war-bixin ay leeyihiin ayaa iyaduna jirta, Ururadii Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa oo dhan ayaa iyaguna waxoodii wata. Markaa intaas oo isu tagay ayaa mashruucan horumarinta iyo dib u dhiska Somaliland u ah sal. Laakiin waa la balaadhinayaa shantaa sannadood dad kale ayaa ku soo biiraya, tanina waa seeskii.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qarshaynta Somaliland Cali Ibraahim.

Wasiirka Qorshaynta mar la waydiiyay in mashaariican dib u dhiska ee hayadaha uu ka waramay ka shaqaynayaan doodiisii ugu danbaysayna socoto, sidoo kale Dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo dhan laga wado waxa uu  sheegay in isaga masuuliyadiisu tahay ta Somaliland, balse wixii Somalilaya la siinayaa aanay ahayn wax isaga khuseeya.

Kulanka shalay waxa kale oo iyaguna ka hadlay Chirst Looedenee, oo ka socday Baanka Aduunka, Mr. Erich Laroeche, oo ah Wakiillka UN-ta u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland. iyo Richard Hands, oo  ka socday European Commision-ka, masuuliyiintaasi dhamaantood waxay sheegeen inuu mashruucani yahay mid mihiimad badan u yeelan doona Somaliland, isla markaana xooga saaraya harumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarshada iyo biyaha, kaasoo dooda laga yeelanayo muhiimada laga leeyahay ay tahay inuu sida ugu hoboon uu u bilaabmo, wakhtiga la qorsheeyay ee sannadkan 2008-da.

Doodan oo ah tii ugu danbaysay ee laga yeesho mashruucan waxa la soo gabagabaynayaa maanta.

Reer Gabiley oo 964 neef oo adhi ah iyo baabuur Garow ah ugu deeqay Ciidanka

Gebiilay (Ogaal)- Dadweynaha ku dhaqan Degmeda Gabiley ayaa shalay 964 neef oo Adhiya iyo 100 kiintaal oo garaw ah ugu deeqay Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiidaha hore ku sugan. Iyagoo islamarkaana tilmaamay in ay bixinayaan kharashka lagu gaadhsiinayo ciidamada deeqdaasi.

Munaasibad loo sameeyay wareejinta deeqdan oo shalay lagu qabtay Magaalada Gabilay waxa ay Odayaasha iyo wax-garadka deegaankaasi ku gudoonsiiyeen deeqdan Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cabdillaahi Cali Ibraahin, oo ay weheliyaan xubno Wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Ciro).

Sida uu ku waramay wariye Muuse Warsame oo munaasibadaa goob joog ka ahaa, Wasiirka Gaashaandhigu  waxa uu uga mahadnaqay dadweynaha ku dhaqan degmeda Gabilay taakulaynta ay u fidiyeen Ciidamada Qaranka. Sidoo kale la kala wareegida deeqdaasi ka dib, Odayaal iyo Wax-garad kale oo reer Gabilay ah, isla markaana ka mid ahaa dadkii deeqdaa ku wareejiyay Xukuumada, ayaa masuuliyiintii Xukuumada ka socotay u qadimay codsi ay ku muujinayeen in deegaanka Gebilay uu u qalmo in laga dhigo Gobol buuxa. Hase yeeshee, baaqaas oo marar badan oo horeba reer Gebilay ka soo yeedhay, masuuliyiintii halkaa joogtay jawaab shaafiday kamay bixinin, marka laga reebo Wasiirka daakhiliga oo ku afgobaadsaday in codsigooda Xukuumadu tixgelin doonto.

Gebo-gebada Doodda Cilmiyeed ku saabsan Xeerka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada

Hargeysa (Ogaal)- Dood Cilmiyeed ku saabsanayd wax-ka-bedelkii Golaha Wakiilladu dhawaan ku sameeyay Xeerka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada iyo qaabkii lagu kordhiyay oo muddo laba maalmood ah socotay, ayaa shalay la soo gebo-gebeeyay.

Dooddan oo ay wada jir u soo qaban Ururka Xuquuqda Aadamaha Bariga Afrika ee EAHRW iyo Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka kala socday saddexda Xisbi Qaran, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, xubno ka socday Ururada rayidka ah.

Dooddan ayaa waxa gebo-gebada ka hadlay Xoghayaha Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, oo ka waramay ujeedadii doodda iyo axdaafta laga lahaa.

Weriyaha Jamhuuriya ee Laascaanood Xabsiga la dhigay  

Laascaanood (Ogaal) – Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood ayaa shalay subax xabsiga u taxaabay weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Sool, Mr Cabdiqani Xasan Faarax (Gadari).

Weriye Gadari oo ciidanka Boolisku ka qabteen badhtamaha magaalada Laascaanood, ayaa ujeeddada xadhiggiisa siday Jamhuuriya u sheegeen dad ku sugan Laascaanood lagu xidhiidhiyey inay ka dambaysay baaq ay magaalada Laascaanood ka soo saareen koox odayaal, ganacsato iyo dhallinyaro ah, baaqaas oo weriyuhu u soo diray wargeyska, kuna soo baxay cadadkiisii 3409 ee Axaddii dorraad.

Badhasaabka Gobolka Sool, Mr. Cali Sandule oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno si wax uga weydiino sababaha keenaya xadhigga weriyaha, ayaanay noo suurtogelin. Haseyeeshee, sida uu Taliyaha Qaybta Booliska Sool u sheegay dadkii ugu tegay inay wax ka ogaadaan ujeeddada xadhigga weriye Gadari in amarka qabashadiisu ka soo baxay dhinaca Badhasaabka.

 

 

Muqdisho: Maydad cusub oo la helay iyo qaybo al-shabaab ah oo u wareegay gobollada badhtamaha

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Maydadka afar qof oo shicib ah, ayaa la sheegay in shalay laga helay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sida la faafiyay, lagu tilmaamay kuwo ay ku laayeen ciidamada itoobiyaanku agagaarka xereda Maslax ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay wararka arrintaa la xidhiidha ee shabakaddaha wararku faafiyeen, saddex ka mid ah dadkaasi, waxay dhinteen markii gaadhi ay ku safrayeen oo u jeeday dhinaca Degmeda Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ciidamada itoobiyaanku rasaas ku fureen. Dadka degaankaas qaarkood oo ay warbaahintu soo xigatay, ayaa la faafiyay inay caddeeyeen in saddexdaa qof laba ka mid ahaa ay ahaayeen haween, iyo nin. Sidoo kalena dadka degen agagaarka cusbataalka SOS, ayaa iyana la sheegay inay heleen maydka inan dhalinyaro ah oo si xun loo dilay. Isla markaana, wiilkaas oo da’diisa lagu qiyaasayay ilaa 20, waxa kale oo jidhkiisa ku yaalay sida la sheegay rasaas lagu dhuftay.

Dhinaca kale, sida ay baahisay idaacadda VOA, oo xiganaysay weriyahooda magaalada Nairobi Alisha Ryu, boqolaal ama sida suuragalka ah kumanaan qof ayaa ka baro-kacay guryahoodii, labada gobol ee badhtamaha dalka Soomaaliya, ka dib markii ay cabsi ka qaadeen weerarkii jid-gooyada ahaa ee Isniintii la soo dhaafay loo galay kolanyada ciidamada itoobiyaanka ah, taas oo ay ka dambaysay dagaal qadhaadh oo ay halkaa kula galeen kooxo dagaalyahanka islaamiyiinta ah. Inkasta oo aan ilaa hadda la kala ogayn inta ay le’eg yihiin dadkaa baro-kacay, haddana waxa ay wararku sheegayaan in gobollada Hiiraan iyo Galguduud in dadweynuhu ay goobahaa uga qaxeen si la mid ah sida looga baro-kacay magaalada Muqdisho. Sida ay faafisay Idaacadda VOA, tuullooyinka Guri-ceel iyo Martabaan, oo ay degaan qabiilka Cayr-ka ee Hawiye, isla markaana ah, halka uu u dhashay Cayroow, oo dagaalka Muqdishona qayb muhiim ah ka qaadanaya, ayaa la aaminsan yahay inuu ciidamadiisii uu kala soo wareegay dhinaca Muqdisho, kuwaas oo uu keenay dhinaca tuullooyinka Martabaan iyo Guri-ceel. Meelahaas oo la sheegay inay suurtagal noqon karto inuu doonayo sidii uu dib isugu habayn lahaa goobahaas.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa sheegay in Mr Cayroow uu sababay kala-dhaqaaq ku yimi kooxaha dagaalyahanka Al-Shabaab, ka dib markii uu bixiyay bishan horaanteedii amar ahaa in la weeraro ciidamada nabad-ilaalinta Afrikaanka ah, kuwaas oo uu ku dhawaaqay in jihaad lagala hortago, balse aanu go’aankaa la wadaagin ninka isaga ka sareeya. Hase yeeshee, warar kale, ayaa iyana sheegaya in aanu jirin wax burbur ah oo ku yimi ciidamada Al-Shabaab, balse tallaabadani ay tahay uun mid taaktiko dagaal ah. Shaqaalaha gargaarka caafimaadka Muqdisho, gaar ahaan kuwa Cusbataalka Madiina, ayaa sheegay in haatan aanay u maaro helaynin dhaawacyada xad-dhaafka ah ee soo gaadhaya. Cali Cadde, oo ah ku xigeenka maareeyaha cusbataalka, ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo u dhimanaya dhaawacyada rasaas ku dhacday ama faliidhada qaraxa madaafiicda, xataa iyada oo aan weli lala gaadhin wax daawayn ah. Waxa kale, oo uu sheegay in cusbataalku haatan yahay dawo la’aan iyo gargaarkii kale oo aad ugu bada-yar, oo taasna ay keeneen dhaawacyadii sida isdaba-jooga ahayd loo soo dhigayay 11-kii bilood ee la soo dhaafay ee ay kacdoonadu ka jireen magaalada Muqdisho, ka dib markii maalin kasta marka ay ugu yaryihiin la soo dhigayay cusbataalka toban qof maalintiiba. Sidoo kale, shaqaalaha caafimaadku waxay aaminsan yihiin in imaatinka dhaawacyada ay sii kordhinayaan iyada oo ay sii badanayaan garaacitaanka madaafiicda ee dhulalka ay dadka shicibka ahi degaan.

Source: Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.