Wadaad iyo Waranle Waa U Heshiis Xaawa

Wadaad iyo waranle, Xaawa waa la wada col. Si isku mid ah, ayay u dilaan. Si isku mid ah, ayay u gumeystaan. Si isku mid ah, ayay u xaqiraan. Si isku mid ah, ayay u eryadaan. Si isku mid ah, ayay u adoonsadaan. Si isku mid ah, ayay ula dhaqmaan. Si isku mid ah, ayay u quudhsadaan. Si isku mid ah, ayay u cabudhiyaan. Si isku mid ah, ayay uga danaystaan. Si isku mid ah, ayay u ugaadhsadaan. Si isku mid ah, ayay ugu shaqaystaan.

Waxa kaliya ee ay ku kala duwanyihiin, tabaha iyo xeeladaha ay isticmaalaan. Waa mid hal mar qudha ka jara, iyo mid si tartiib-tartiib ah, nafta uga qaada. Labada midna naf uma ogola Xaawa.

Wadaadku qiil aan jirin ayuu Xaawa ku xidhaa. Waranluhu birta ayuu la boobaa. Xaawa cid u doodda ma laha. Qareen u hadla ma laha. Dad dhageysta ma laha. Cid u garawda ma haysato. Raggu waa iskugu mid. Waa u wada cadaw. Hadda iyada ayaa uurka ku wada qaaday. Iyada ayaa wallac daraadii, cuntada uga soontay. Iyada ayaa xanuunkii foosha, la soo wada martay. Iyada ayaa dhaawacii umusha, la soo wada martay. Iyada ayaa umul raacday. Iyada ayaa naaska soo wada siisay. Iyada ayay dhabarkeeda iyo dhabteeda beytalmey ka soo wada dhigteen. Ku soo dul saxaroodeen. Ku soo dul kaadsheen. Ku soo dul matageen. Oo aany marna ax odhan. Uf odhan. Iyada ayaa soo wada barbaarisay. U soo wada heestay. Soo wada kool-koolisey. Rag ka soo wada saartay. Fariiddo usoo wada bixisay. Geesi ka wada dhigtay.

Qabiil tiro badan ha ka dhalato. Qabiil tiro yar, ha ka dhalato.. Mid gob sheegta, ha ka dhalato. Mid gun lagu sheego, ha ka dhalato. Muslin ha ahaato. Gaal ha ahaato. Qaaradda ay doonto ha u dhalato. Waa tii la fara xumeeyo. La kufsado. La cadaadiyo. Marba sida la jecelyahay loola dhaqmo. La shido. La bakhtiiyo. Aqalka ay ku nooshahay, nabad kuma hesho. Waddada ay marayso, kuma nabadgasho. Fasalka ay wax ku baranayso, kuma badbaaddo. Meel kasta oo ay joogtaba, dugaag ayay la nooshahay. Haddii ay aamusto u daran. Haddii ay hadasho feedh iyo laad ayaa leh. Talo lama weydiiyo, haddii ay ku darsatana afka ayaa laga jogeeyaa. Caqli looma quudho. Aqoon lalama rabo. Muruq ayaa lagu muquuniyaa.

Mid ka naxsada. Mid qool ku xidha. Mid magac diineed ku xakameeya. Mid qasab kaga danaysta. Mid u xoog sheegta. Mid qalbiga ka dila. Mid muraayadda ka jabiya. Mid gol-jilicda ka qaniina. Mid dalaaq ugu hanjaba. Mid maalinta ay jilicsan tahay ku joogsada. Mid halka ay u jilicsantahay cagta ka saara. Mid luqunta iskaga taaga. Mid shilinka ku gumaysta. Mid mansabka ku ugaadhsada. Mid imtixaanka ugu hanjaba. Mid u xoog sheegta. Raggu nadiif kama aha dulmiga Xaawa.

Gabadh da’deeda kuma xeeriyaan. Kagama xishoodaan. Kuma ixtiraamaan. Kagama leexdaan. Marwo, kama baxsato. Ta asayda sidda, kama leexdaan. Ta uurka leh, kama naxaan. Ragga maanta joogaa run ahaantii xayawaanka ma caqli dhaamaan. Sheekh ma laha. Shariif mal aha. Waayeel ma laha. Mas’uul ma laha. Xaaji ma laha. Ninba in uu ka daaqaba, dilmada Xaawa way ka simanyihiin.

Waxa la odhan jirey macalinku waa aabaha labaad. Waxa aan maqlay nin macalin ah oo gabadhii yarayd ee uu wax barayay, surunta isku taagey. Maya ayay tidhi. Subaxdii ayuu dugsigii ka soo eryey. Sabab markii la yidhina, waxa uu ku jawaabey, “Fasalka dhexdiisa ayay iigu sanqatay.” Aabaheed ayaa ul ugu daray. Runta ayay sheegi kari weydey. Usha ayay door biday. In ay dhaawaceeda qarsato, ayay ka dooratay.

Runta ha lagu wada hado. Xaqa daboolka ha laga qaado. Qudhunka raggu qarsanayo, daaha ha laga qaado. Ha laga doodo. Ol-olaha ha la joogteeyo.

Faadumo Cabdillahi

faadumo_haldhaa@yahoo.com

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.