Dhaqan aqooneed mise dhaqan-hoosaad?

Fahmo iyo dadaalbaa nafluhu far isku dhaafaaye

Wax fiican faa,idiyo wanaag inad ku faantaane

Abwaan Maxamed Cali Cartan

Had iyo jeer waxaynu maqalnaa iyada oo laga hadlayo waxsoosaarka (khayraadka) dhulka, hase ahaato ee inta badan lagama hadlo sidii waxtar looga dhalin lahaa kartiyaha iyo aqoonta ku kaydsan qaybta ugu mudan dadkeenna – dhalinyarta iyo dadka wax bartay ee arrimaha nolosha garansan (looma jeedo qof wax dhigtay, hase yeesho ee aan togagga nolosha iyo aqoonta akhris, waayo’aragnimo iyo wixii la mid ah ku fahmin).

Jeerkan (waqtigan) la joogo bulshooyinka wax gartay, nadaamka qarannimadana ka midho-dhaliyey dadka aqoonta iyo xirfadaha kala duwan ku hubaysan waxay u arkaan qaybta ugu muhiimsan bulshada, ee ay la’aanteed wax waliba qabyo noqonayaan. Dalalka qaarkood waxaba maanta ka jira wasaarado loo qoondeeyay miisaaniyad qorshaysan ama hay’ado u gaar ah dadkaas, oo waxtarkooda casrigan maanta ah loo yaqaanno “waxsoosaarka dadka”(Human Resources).

Mar kasta oo horumar iyo horukac ummadeed laga hadlayo dadyowga inaga aqoonta badani waxay xeeriyaan in lagu kala baxo aqoon iyo dadaal. Laakiin innaga waxa nafcigii inaga qaaday dhaqan-hoosaad la iska qabatimay, oo inta badan laba arrimood ku caan ah. Labadaa arrimood midda hore waa habka ay bulshadu mar isugu timaaddo, mar kalena ku kala irdhowdo oo ah habka tolaysiga. Arrinta kalena waa in aan la qiimayn meel walba cidda ku habboon, ee meel kastaba la isla taago qof aan waxba garanayn oo lagu doodo: “Hebelow ninkan wasaarad hebla ama halkaa noo gee, wax ha noo keenee!” Waxyaalahaasi waxay ka mid yihiin waxyaalaha caddaaladdii ay ahayd in aynu ilaashanno tumaatida ku noqday, waxqabadkeenniina hoos u dhigay.

“Ninkii af leh ayaa abaar ka baxa” murtida ah ayaa mararka qaarkood la soo qaataa. Aniguna waxaan odhan lahaa kuna dari lahaa: “Ciddii dhaqanka qarannimada iyo qiimaha ay aqoontu leedahay garata uun baa maanta mugdi ka bixi karta.” In aynu sidaa nidhaahnaa waa gar, waayo maanta adduunka la isuma tudho, oo bulshadii danteeda garan weyda quwado kale oo ka xoog roon ayaa warjeefaya, xaqeeda weydaarinaya, kabahana la dulmaraya!

Maqaalkani ma aha kii quwado kale ama wax la mid ah ka hadli lahaa, hase yeeshee waxa habboon inta aynaan halkan ka gudbin in aynu caddayno in aynu waxyaalaha aynu soo sheegnay oo dhan jiritaankooda wada qirayno, oo aan la isku diiddanayn. “Haddaba haddii ay arrini sidaas tahay maxaa wax looga qaban waayey?” ayey dadka qaarkood is weydiin karaan. Arrimo dhawra oo in wax laga qabto u baahnaa markii ay dadkeennu ku guuldarraysteen ayey ku maahmaaheen “Caado la gooyaa cadho Alle ayey leedahay”! Laakin kaasi waa marmarsiinyo aan macna lahayn, isla markaana aan inaga soconayn.

Qoraa weyn oo Shiv khera la yidhaahdo ayaa waxa uu qoray hadal uu macnihiisu u dhowaa: “In xalka la arko lana garto oo haddana lagu dhaqaaqi waayaa waa nasiibdarro weyn.” Waa run. Iska indha-tiridda dhibaatooyinku ma baabbi’iso jiritaankooda, ee waa ay sii badisaa.

Haddaba dhalinyarta wax baratay ama dadka kale ee aqoonta iyo hibada lehi waxa ay wax tari karaan oo keliya marka uu dadkoodu dhaqan-hoosaad kasta oo carqalad ah dhabaatadiisa garto, dhaqanka qarannimona u bislaado. Waynu is hafarnaa ee ilaa maanta cid xeerarka ama sharciyada innoo yaal u basil oo dhaqan caddaalad ah ku dhiirranaysaa ma jirto.

Haddii qiimaynta guud iyo caddaaladda loo bislaado aqoontu wax bay tari kartaa, waayo waxa yaraanaya leexleexadka iyo wax kasta oo aan daacadnimo ku salaysnayn. Waxa jira saddex erey oo ay aqoonyahannada maaddada maamulku ku tilmaameen “3-da E ee Maamulka” (3 E’th of Management). Sadexdaa erey waxay kala yihiin: “Waxbarasho” (Education), “Tamar Badan” (Excessive Energy) iyo “Waayo’aragnimo” (Experience). Waxay hoosta ku wataan tayooyin iyo kartiyo horumar kasta iyo waxqabad kasta oo la doonayo in lagu tallaabsado wax weyn ka tari kara. Laakiin waxay ka shaqeeyaan meelaha ay cilmiga iyo dhaqammada qarannimo ka jiraan, ee kama shaqayn karaan meelaha ay dhaqan-hoosaadyada dambeeyaa ka jiraan; meelahaas oo la iska socdo uun iyada oo aan xeer iyo nadaam midna la qiimaynayn.

Axmed Iid Aadan,

ahmediid@hotmail.com.

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.