Cabdillaahi Yuusuf waa uu sii galbanayaa. Isbaddalkii somaliyana hadda ayaa uu bilowday.

ARAR

Marka hore waxan shacabkeenna Somaliyeed ilaahay uga baryayaa in uu sharaftii iyo karaamadii aan dunida ku lahayd uu innoo soo celiyo, oo uu dulliga inna fuulay dhakhso innooga kor qaado. Dhibta inna gaadhayna uu si deg deg ah innooga maydho, isla markaana innoogu baddalo khayr iyo badhaadhe. Tacsina waxan u dirayaa eheladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen dagaalka iyo mashaqada ka dhacday Muqdisha iyo nawaaxigeeda.

Taariikhdu waa dhacdooyin socda, oo mar walbana xilliga dambe laga sheekeeyo. Dadkana waxay bartaa dunida waayaheeda. Dhacdooyinka maalin-laha ah ee aan maanta saxaafadaha iyo warar maaleedka kala kulannaana waa kuwo ay taariikhda geli doonta. Taariikhyahannaduna waxa ay mar walba saadaashooda ka raadiyaan oo ay ka qiyaas qaataan wixii dhacay iyo waxa markaa socda oo ay kaddibna mal awaalaan mustaqbalka iyo sida xaal noqon doono.

Sideedabana ma jiraan wax joogta ah oo weligiiba jira. Wax wallibana bilow iyo dhammaad ayaa uu leeyahay, haddii ay noqon Lahayd dawlad, nidaam( bulsho, siyaaso ammaa dhaqaale) iyo madaxnimo shakhsiba. Xarakooyinka siyaasadeed amma mashaakilaadka dagaal ee ka socda Somaliyana waa kuwo aan odhan karro waxa ay la saan qaadayaan sooyaalka iyo sidaa aan hadalka u dhigay. Mahadhada laga dhaxlaana waxa ay cashar lama illoobaan ah u noqon doontaa jiilasha soo socda.

Haddaba aniga oo isku dayaya in aan faallo ka bixiyo siyaasadaha ka aloosan Somaliya, iyada oo aan dib u eegid iyo saadaalinba ku samayana wixii tagay iyo waxa soo socda intaba. Isla markaana u kuurgalaya xaqiiqda kama tagtada ah ee ka jirta dalka Somaliya, ayaan ugu horreyn ku eegayaa fikradda aan aamminsanahay ee ah….Col. Abdillaahi Yuusuf maanta ayaa uu galbaday, isbaddalkii Somaliyana hadda ayaa uu bilwoday.

An ku bilowno wixii aan isla garanayno ee tegey amma taagan, waana sidan:

Waxan ognahay, oo qof kastaa og yahay in aan ummadda Somaliyeed wax khilaaf ahi ka dhaxayn, laakiin ay weydey hoggaan siyaasadeed oo ku salaysan maamul xor ka ah qabiil, digtaatooriyad iyo wixii la mid ah.

Waxan ognahay in gobolladii la isku odhan jiray woqooyi ay goosteen in ay gooni isku taagaan oo ay la bexeen Somaliland, isla markaana ay dhisteen dawlad dimuqraaddi ah oo ay dadkoodu u cod bixiyeen.

Waxan ognahay in isna maamul goboleed la baxay Puntland uu bari ka abuuray Abdillaahi Yuusuf, maamulkaasi oo isna si dadban uga madax bannaan dawladda ku meel gaarka ah ee Yuusuf.

Waxan ognahay in nidaamkii dawladnimo ee aan 17 sano ka hora aan lahayn uu meesha ka baxay, oo aan u gacan gallay shakhsiyaad kooban oo aan wax naxariis ah u haynin shacabka Somalida.

Waxan ognahay in shakhsiyaad dambiilayaal ahi ay sameeyeen dhibkaa iyo mashaakilaadkaasi ka dhacayey dalka ee is daba taxnaa illaa iyo muddadaa 17ka sano ah. Dhawaanna waxa aan rajeynayaa in shakhsiyaadkaasi magacyadooda lagu soo nashrin doono saxaafadaha xorta ah, si ay doondoonistoodu u fududaaato, isla markaana si sahal ah loo soo taago maxkamadda caalamiga ah.

Waxan ognahay in dhagar qabayaasha gumeeyey dadkii iyo dalkii Somaliyeed, ee taariikhda Somaliyeed baalka madow ka galay ay weli ka talinayaan dalkii, oo ay ku talinayaan qaabab kale iyo awoodo kale.

Waxan ognahay dawladaha Somalida dibadda loogu soo dhisay in ay garab marsanaayeen rabitaanka ummadda Somaliyeed, sharciyada lagu qaybinayo ee cadawgu ka dambeeyaana aanu ahaan karin mid ay marnaba oggolaan karto ummadda Somaliyeed.

Waxan argnaa in ay soo dhawaatay wakhtigii ay Somaliya yeelan lahayd nidaam iyo sharci dalka iyo dadkaba lagu dhaqi lahaa. Waxase ka horreysa in la horta maxkamad la soo taago dambiilayaashii dada iyo dalkaba baabi’iyey.

Waxan ognahay in markii barasha diinta islamku aad uga xoogaysatay Muqdisha iyo guud ahaanba dalka, in uu soo if baxay xarako nidaam diineed ku salaysan, oo aakhirkiina uu ka dhashay nidaamkii maxaakiimta Islamiga ah. Ee muddada ka talinayey koonfurta Somaliya. Ka gadaalna laga itaal roonaaday. Kuna biiray kooxda saldhiggeedu yahay Asmara ee isku magacawday Jabhadda xoraynta Somalida.

Waxan ognahay in kooxahaasi Islaamiyiinta ahi ay wakhtigaasi abuureen maamul mayal adag oo ay dhulkii ay talinayeen, ku soo celiyeen kala dambayntii iyaga oo dabbaqaya shareecada Islaamkana cagta mariyeen, wax alla wixii ay u arkaan in aanay diintu oggolayn, sida mukhaadaraadka, filimida, dhar xidhashada casriga ah ee dumarka.

Waxan ognahay kooxahaasi la baxay Maxkamadaha oo isugu jiray dad aqoon sare leh oo qun-yar socod ah iyo kuwo seef la bood ah oo aan iyagu aqoon buuran lahayn. Kuwaasi oo ay dawladaha jaarka ah iyo dawladaha xoogga badaniba ay u arkeen in ay dabada ku wataan wax ay ugu yeereen argagixiso. Aakhirkiina waxan ognahay in ay Itoobiya sababtaasi ku soo gashay dalka illaa immigana ay u sheeganayaan in ay la dagaallamayaan hadhaagii Maxaakiimta oo ku dagaallamaya Al-shabaab.

Haddii aan intaa uga baxno wixii hore ee dhacay, bal immigana aan yara fiirinno dawladda kumeel-gaadhka ah ee camiilka u ah danahooda iyo dano kaleba. Sida ay argti ahaan u muuqan karto, oo aan sidan u dhigayno:

Waxa aan la wada soconnaa in DF ahi ka mid tahay maamullada Somalida dibadda loogu soo dhisay, ee aan waxba laga weydiin shacabka. Falsafadda ay ku salaysan tahayna ay tahay nidaam qabaliya oo aan xaddaaradda la socon. Isla markaana uu dulmi badani ka muuqdo.

Waxa aan ognahay in ay dadka aqoonta lihi ay ku yar yihiin dawladdaasi lagu magacaabay Fidaraalka Somaliya ee ku meel gaarka ah.

Waxa aan ognahay in Abdillaahi Yuusuf iyo kuwo badan oo kale oo dhibaatada Somaliya hormood ka ahaa ay noqdeen hoggaankii sare ee dawladda la magac baxday D/fidaraalka Somaliya. Shakhsiga kaliya ee caddaystayna in uu dambiile yahayna uu yahay Abdillaahi Yuusuf. Oo isagu madal kasta ka sheega in uu yahay habaar qabihii qoriga ku bilaabay Somaliya.

Waxa aan ognahay in aan weli la xisaabtamin, xasuuqii dhacay iyo kani socdana aanay weli cidi mas’uuliyaddeeda dhabarka u ridan. Dawladda kumeel gaarka ahina ay iska fogeysey dhacdooyinkaa foosha xun ee ay qaybta ka tahay.

Waxa aan la wada soconnaa khilaafkii hadheeyey, dawlad ku sheegga Abdillaahi Yuusuf iyo sidii looga takhalusay Shariifkii baarlamanka iyo Geeddigii camiilka ahaa.

Waxan ognahay in aanay Abdillaahi Yuusuf iyo ku kale toona talo faraha ugu jirin. Ee ay matilayaan in ay talo samaynayaan. Laakiinse aanay Abdillaahi iyo kuwa indho la’aanta ku taageersani aanay ogeyn in ay sidaasi jirto. Isla markaasina ay run moodayaan sheekada lagu matalo Baydhaba Jannaay.

Waxa aan la wada soconnaa in dawladihii Abdillaahi Yuusuf taageerayey aanay immiga sidii hore ula socon, oo aanay wax rajo ah ka qabin Abdillaahi Yuusuf, in uu la yimaaddo maamul xasilloon iyo caddaalad ay dadku raalli kaga noqdaan.

Innaga oo intaasi iyo in ka badanba og, ayaan dhinaca kale la soconnaa in ay dawlado waaweyni raadinayaan siyaasado lagu dhaqo Somaliya iyo weliba shakhsiyaadkii siyaasadahaasi hoggaamin lahaa. Welise waxa ay ka indho la’yihiin xaqiiqada ka jirta Somaliya. Inkastoo aan odhan karro wax badan baa u qarsoon, maalin dhawna ay dhici karto in ay talafishannada ka soo daayaan wixii Somaliya ka jiray 17kii sano ee la soo dhaafay iyo dadkii matilayey ummadda xilligaa burburka iyo kala guurka ku jirtay. Maal mahanna waxad moodda in ay billaabantay arrimo u socda dhinaca tooska ah oo ay wadaan waddammada qarbiga, ee maanta loo tiriyo in ay talada dunida u awood badan yihiin . Taasi oo aan ka dhan-dhansan karno dhawaqa ka soo yeedhay baarlamka Yurub ee ah maskaxda u ah siyaasadda reer galbeedka. Iddidiilada aan iftiiminayaana ay tahay isbaddalka aan naacawdiisii maanta hayno, ee ah ra’iisal wasaarahan cusub ee Abdillaahi farta loogu fiiqay. Hase yeeshee, aanu isagu iskii u dooran, una doorteen soona dhaweysteen, haddii ay tiisa ahaan lahayd. Waxana la sugayaa in ay tallaabada ku xigtaa noqoto in baarlaman-ku-sheeggu dhawaan u fadhiisto kalsooni uu u qaado in Abdillaahi Yuusuf sii wadi karo xukunka iyo in doorasho la sameeyo. Taasi oo iyaduna xoojin karta xawliga isbeddel ee ka bilowday Somaliya.

Haddaba ma dhici kartaa in Abdillaahi Yuusuf uu dhaqankiisii ku salaysnaa jaahilnimada iyo macangagnimda sii wato, oo ay mar kale muran iyo ismaan dhaaf hidey dawladdiisan ku meel gaadhka lagu Magacaabo. Oo ay misana mas’uulkan doon doonistiisii lagu daalay ay madaxa is daraan. Mise waxa horta ka horreeya in uu fadqalallo la dhex galo baarlamaanka iyo xubnaha waaweyn ee dawladda. Ra’iisal wasaaraha cusubise ma awoodi doonaa in uu maaro u helo ciidammada shisheeye, ee ay shacabka Muqdisho badhkii aanu sinaba u soo dhawynayn. Ayna u arkaan ciidammo si gaar ula dagaallamaya dad gaar ah.

Mise dagaalkii iyo nacaybkii ay Abdillaahi iyo Geeddi ay muddada saaxiibka ku ahaayeen ee ay dalka ku maamulayeen iyaga oo dantooda qabiil amma xoolo urursi wata ayaa uu Ra’iisal wasaaraha cusubina qaybtiisa ka qaadan doonaa?

Ahmedweli Goth

UK

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.