Berbera: Tababar lagaga hadlay wax ka qabasahda Baahiyaha aasaasiga ah ee Deegaanka Saaxil

Tababar ay soo qaban qaabisay Dawlada Hoose ee Berbera iyo Ha’ada Unicef oo lagaga hadlay qiimeyn lagu sameeyey baahiayaha aasaasiga ah ee Deegaanada Gobolka Saaxil socona doono mudo afar cisho ayaa waxa furitaankii tababarkaasi ka hadlay Maayarka Berbera Md Siciid Daa’uud Cilmi oo ku booriyey dadka reer Saaxil inay ka faa’iideystaan mashaariicda horumarka ee ka socda Gobolka isla markaana wixii dhankooda ku xidhmay ay dhameystireen, Maayarka waxa uu yidhi “Dawlada Hoose ahaan waxkasta oo nalooga baahdo waanu ku darsanaynaa idinkana waxaan idinku boorinayaa inaad wixii la idiinka baahdo si hagar la’aan ah ku fulisaan si ay hawluhu inoogu dhamaadaan oo aad ka faaiideysataan Haayadaha inoo diyaarka ah”

Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaynu doonaynaa waa horumar balaadahn waxaanu ku jiraa waa gacmaheena ee wax kasta oo la idiinka baahdo fuliyo ka shaqeeya danta guud ee deegaanada aad ka kala socotaan sida ugu macquulsan”

Waxa kale o halkaasi ka hadashay Safiya Jibriil oo ka socota hay’ada Unicef waxaanay sheegtay in haatan hawlo badan soo qabtaan iminkana lasoo gaadhay xiligii lala eegi lahaa tuulo kasta baahiyaha ay soo qorteen ee ay sheeganayaan si loola saxo waxna loola qabto waxaanay Safiya tidhi “Waxaanu soo wadnay hawshan mudo oo intii naga quseysa UNICEF ahaan waanu dhownahay waana barnaamij kulminaya Hay’ado badan kuwaas oo ay kamid yihiin Worl Bank, DRC, iyo kuwa kale”

Dhinaca kale tababarkan ayaa waxa ka qeybqaatay ilaa lixdan qof oo ka socday tuulooyinka iyo degmooyinka Gobolka Saaxil oo kusoo ka qeyb qaadanaya hawlahani tan iyo intii ay socdeen ee CCD-ga waxaana qiimeyntaasi la wada afarta cisho ee soo socda in laga eego tuulooyinka iyo degmooyinka sida tuulyinka tuulodhabiijo iyo laasciidle iyo kuwo kale oo ku xeeran degmada Berbera.

C/kariim Siciid Saalax

clkarim_3@hotmail.com

Berbera Somaliland

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.