Beenay Waa Run Wa Run

Waxa dalkii ka samaysmay guulwadayaashii afweyne qaar la mid ah oo subaxii la toosaba arsaaqaddoodii noqotay hunguri ah guulwadayn iyo afmiinshaaranimo inay ugu soo kallahaan xafiiska madaxtooyada ee Hargeysa. Guulwadayaashaasi waxay isugu jiraan shacab iyo madax dawladeedba oo amaanta mr Riyaale Kaahin ugu celceliya inay ku helaan boos cilin ama si aan mansabka xukuumadeed looga qaadin, qaarna waxay u guulwadeeyaan waa mijin yar oo qaad ah oo maalintaas aan dhaafsiisnayn iyo qaar kale oo shakhsiyaad markoodi horeba jilayc RABBAANI ah iska ahaa abuurta EEBBE ee dabiicigiina sidaasi ay ka dhigtay. Guulwadayaashaasi baqasho iyo bashbashlayn fara badan darteed halkii laga rabay inay keenaan kuna biiriyaan talo iyo tusaalayn siyaasadeed oo madaxweynaha iyo xukuumadiisa. wax u tara waxay noqotay hadaba in qaar madaxda Riyaale ka tirsani ay uguba yeedhaan mr Riyaale Kaahin inuu ahaa mujaahid dalkan u soo halgamay iyo qaar kale oo wasiiro ah oo ku amaana inuu mr Riyaale yahay shakhsi madaxnimadiisu ay dawo u tahay beelaha waaweyn ee reer Somaliland si ay u kala badbaadaan ! Waxaa jira iyaguna qaar kale oo ku shaqaysta afmiinshaarnimo maalinle ah ama yoomiye oo maalinba cidii wax gashata uun u xiiqa sida telefonka mobile ka ah ee marba lacagta lagu shubto.

Jamhuuriyada Somaliland waxay dalkii la isku odhan jiray Somalia ugala noqotay dawladnimadeedii markii lagula kacay inta ay cadaalad xumo kow ka ahayd lana cabudhiyay iyada oo qabiil la adaeegsanayay. Ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM waxay ka damqadeen oo ku kalifay inay mabda’ iyan ka dagaalamaan waxaa kow ka ahayd cadaalad xumo iyo iska reeb afmiinshaar guulwadaynayay maalmahaasba. Waxaanu geesiyaashii ay ka mid ahaayeen muj Lixle, muj Xasan Saleebaan, muj Axmed dhagax, muj Koosaar, muj Adan Saleebaan, muj Adan Shiine iyo kumanaan kale oo mujaahidiin ahaa oo dalkan u soo shahiiday ( RABBI naxariistiisa Janat al Fardowsa ha ka waraabiyee ) u waynay in muwaadin kasta oo reer Somaliland ihiiba xaq iyo cadaalad loo wada siman yahay dalkiisa ku helo xaq daradana dalka laga cidhibtiro, umada oo dhanna laga xoreeyo dulmigii iyo cadaalad xumadii lagu hayay. Wixii ku dhacay shacab ka mid ah reer Somaliland sideetanaadkii dib ugu noqon noqon maayo waa taariikh jirta oo aan cidi guurin karin, waxaase ka dambaysay markii SNM dalka ka xoraysay xukunkii afweyne iyo afmiinshaaradiisii basaasiinta u haa in shir beeleed reer Somaliland u wada dhamaa lagu gudoonsaday heshiis ahaa walaalnimo, is cafin, nabadgaliyo lagu wada noolaado iyo in dawlad cadaalad iyo dimuqraadiyad ku dhisan dalka loo dhiso.

Jamhuuriyada Somaliland waxay ku timid dhiig aad u fara badan oo u daatay, wiil madi reer u ahaa kalina ka ahaa oo cid lagu labeeyaba aan lahayn inuu xorriyaddan Somaliland u shahiiday. Waxaa jiritaankan Somaliland ku yimi lix ama shan wada walaalo ahaa oo dalkan u wada shahiiday hooyo iyo aabbana u goblameen. Waxa jiritaanka Somaliland ku yimi kumannaan muwaadiniin ah oo si badheedh ahaa loo xasuuqay iyo kumannaan silic, darxumo iyo xanuun cidla ugu dhintay, oo qaar xabaal wadareedkii daadku soo qoday marag laga wada ahaa qaarna illa maantadan aqaladii ku dumay aan wali laga soo fiqin. Somaliland waxay ku timid malaayiin $ oo lacag iyo hantiba ahaa oo loo badheedhay ka dhaqaaqideeda iyo khasaaraheeda in lagu helo nolol cisi iyo sharaf leh, nabadgalyo leh, xoriyad dimuqraadiyad leh iyo xukun iyo xukuumad cadaalad ku shaqeeya intaba in umadeenu ku wada noolaadaan, haduu u dhashay reer Burco,reer Berbera, reer Borame, reer Gabiley,reer Ceergaabo, reer Laas caanood iyo reer Hargeysaba mid kastaba ha noqdee. Somaliland waxay ku timid sharci iyo distoor lagu wada heshiiyay inuu ina kala hago kalana xakameeyo madaxweyne illa qofka shicibka ah ee reer Somaliland. Distoor iyo heshiis ku dhisan dimuqraadiyad, cadaalad, xuriyat al qawl aan qofna siyaasiyan loo cabudhin karin shicib iyo saxaafad toona. Somaliland waxay ku timid inaanayba dhicin maant oo kale in siyaasiyiin ka mid ah kuwii dalkan u soo halgamay sida muj Dr Maxamed C. Gaboose,muj Maxamed Xashi Cilmi iyo muj Jamaal Caydiid Ibraahim oo kale inaan siyaasad loo xidhi karin. Filim iyo sheeko khayaal ah kama sheekaynayo ee waa xaqaa’iq jira oo caado u noqotay xukumada digtaatooriga ah ee Riyaale inay cimri dherar ka sii dhigataan maalin walba.

Mr Dahir Riyaale Kaahin iyo qof kasta oo EBBE abuurtay tariikh aanu hore u samaysan heli maayo, run ahaantii waa xaaraan in lagu sheega mujaahid qof aan isugu ahayn. Riyaale taariikhdiisa in la sheega wanaag iyo mad madowba waa wax jira mar walba ! Mr Riyaale wuxuu ka tirsanan jiray xukunkii burburay ee Siyaad Barre oo waliba uu ka ahaan jiray gaashaanle sare NSS ah, wuxuu taliye ka soo noqday magaalada Berbera intaan ka war ka maqlay. Waxaa jira madax badan oo xukuumada mr Riyaale ka tirsan oo wasiiro leh, ahaanna jiray taliyaal NSS ahaa sida madaxweynaha oo kale. NSS tu wakhtigaas dalka waxay ka ahaayeen ciidamadii qarsoodiga ahaa ee laga biqi jiray xukunkii Siyaad Bare oo kumanaan muwaadiniin ah u xidhxidhay siyaasad qaarkoodna jeelasha ku cadibi jiray qaarkoodna laba waayay raq iyo ruux midnaba oo la laayay. NSS iyo SNM horta waa la kala yaqaanay xiligaas magac ahaan iyo macno ahaanba, waana laba kala duwan hadaynaan is yeel yeelayn ! Guulwadayaasha hadaba mr Riyaale baryahan dambe ku raali galinaya inuu ahaa mujaahid waxaan idin leeyahay mr Riyale waa madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland ee markii horena distoorku keenay markii dambana shacabku madaxweyne u soo doortay, madaxweynuhuna taariikh aan jirin isagaa laftiisa baan raali ka ahayn in lagu tilmaamo halgan aanu ka soo mid noqon lahayn, waxaa se ceeb ah in madaxweynaha been cad oo aan jirin taariikhdiisa loogu qurxiyo oo ay ka sheegaan amaba ku sheegaan mujaahid. Sida xaqiidu tahayna mujaahidnimadu waa geesinimo, halyeynimo taariikh ahaan muwaadinku soo shaqaystay. Muwaadinimaduna waa u dhalasho inkasta oo muwaadiniin amaan mudaniba jiraan, Siin iyo saad oo kala soocnaa yaan la isku qaldin !

Somaliland maanta waxaa la soo gaadhay hadaba wakhti umadii ka daashay beentii, musuqmaasiqii, cadaalad xumadii cabudhintii iyo ku tumashadii awoodihii xukuumada oo si qaldan loogu shaqaysanayo. Waxa maanta la soo gaadhay xili aan loo ogalaanayn in dib loogu noqono maalmihii madoobaa ee xukun xumadi Siyaad Bare ee loo soo wada joogay ee ku can baxay cabudhinta, afmiinshaar iyo guulwadyaashuna ay hoos dhus dhus llayn jireen. Mr Riyaalow umadani haba yaraatee wax dambi ah kaamay galin, adigu se dambi baad ka gashay markii hore iyo markan aad dalkan madaxda ka noqotayba. Umadani waa umadii codkooda si dimuqraadiya kugu siisay kuna cafiyay inaad xukunkii afweyne taariikh ku lahayd. Dadku waa dadkii dalkan Siyaad Bare ka xoraystay. Dadku wa dadkii adiga iyo madaxda kale ee NSS ta ahaaba idin ilaaway iskana kiin cafiyay in la idinla xisaabtamo. Waar la ‘aan baa hadaba col hoday baa la yidhi, cid kaleba daayo bisada yar ee aan wali korin haduu qof is yidhaa koone ku xidho oo yaanay ka bixin ama ku dhaafinba ogow qaniinyadeeda iyo xagtinteeda kama badbaadi karo. Afmiinsharka iyo guul waduhu yaanay khayaal iyo khalkhal kugu hodin madaxweynow ee runta iyo xaqiiqda ku hor taala ku xisaabtan, cadaalad xumo kasta oo aad adiga iyo xukuumadaadu samayseen ogow waa mid taariikhda idiin gashay, dalkuna waa dalkii dadkuna waa dadkii oo bahal iga da’ waynoo dad cuni ma joogo ! Madaxda urur siyaasadeedka Qaran ee xaqdarada u xidhan waxay dambi cidii xaqdaran u xidhatay lagala xisaabtami doono, xaqu mar uun buu iman xaqoodana way heli oo xaqaa u hiilin hadii EBBE xukmo adigu se geesinimo samee oo xoriyadooda sii madaxweyne. Xukuumadaadu haday cadaalad xumada, cabudhinta, xukun ku tumashada iyo dulmiga aad is tusteen inay idiinku badiso ku sii socotana ogaada cadaalad xumadu iyo wadata nabad xumada, Muwadin kastaaba sharaftiisa ayuu huwan yahay qofna xaqiisa qof uga tagi maayo si sharci daro ah ee bal xukuumadeey yanay qaladaadkiinu noqon kuwii idiin soo yareeya wakhtigana idiin soo gaabiya !

Maxamud Lafcanbe

Toronto, Canada

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.