Allahayow ina sanwayne miyuusan dunida rag kaga tagin waatan adkaatay oo ribbatay madaxana ku socotay itijaahna yeelan waydaye!!!

Marka hore akhristayaal iga guddooma salaan sharaf badan marka labaad waxaan jeclahay inaan idinla wadaago waxay aragti aniga ila tahay oon doonayo inaan kaga hadlo meesha ay Soomaali mareyso oo noqotay waxaan dunida waligeed horey u soo marin waxaanse la yaabanahay in la inaga waayey nin maanta ka soo dhex baxa bulshada oo loo soo joogsan karo, figradiisana gaarsiin kara ummada inteeda badan isagoon u soo mareyn hab dagaal iyo toolxoogsiga foosha xun oo aafeeyey shacabkii Soomaliyeed kana dhigay dadaan karti lahayn ay kaga hortagi karaan dhibatooyinka ay wadaan qabqablayaasha iyo hoggaamiye kooxeedyada aan lahayn caqli iyo damiirkii bani’aadamka lagu aqoon jiray ee waxa kaliya ee ay dadka la wadaagaani yahay inay u egyihiin qof soo taagan oo leh laba dibnood iyo afay ku hadlaan oon kala saari karin waxa xun iyo waxa san kana baqayn Ilaahii abuurtay una naxayn dadka ay xooga ku haystaan oo addun iyo aakhiraba seejiyeen.

Rasuulkeenii suubanaa korkiisa naxariisi ha ahaatee wuxuu ku ducayan jiray inaan Raxmaaku nagu sallidin waxaan Ilaahna ka baqayn noona naxariisanayn oo af Soomaali lagu qoro noqonaysa **Allaahumma laa tusallid caleenaa man laa yakhaafuka wala yarxamunaa** hadaanse nahay Soomaali tolow marna Ilaah maka barinay inuu naga qabto kuwan musiibada u aabahaa soona taagan ilaa iyo qiyaamihii oon lahayn wax isbaddala ka sii daroo dibi dhal mooyee. Dunidan aad arkaysaan waligeedba waxaa jiray in hadba inkaar qabayaale soo bixi jireen oo dhibaatooyin aan horey loo arag ayla imaan jireen waxaana ka mid ahaa Caad, Samuud, Fircoon, Hitler, Kharashoov,Niilan, Istaaliin iyo qaar kaloo badan oo intaba taariikhda lagu sheegay waxay ahaan jireen iyo hab dhaqankoodii aan naxariista lahayn oo dadka siday doonaanba ka yeeli jiray iyadoon wax garsoorohoo caadilihi ka jirin nidaamkii ay wax ku maamul jireen.

Dhagar qabayaasha aan kor ku soo xusay maanta dunida wax kama joogaan aan ka ahayn waxa taariikhda ku qoran oo siyaabo kala gadisan wax looga qoray waxaase la yidhi ayax tag eelna reeb, yaa baddalay kuwii hore halkiina ka sii wada hawlahoodii. Waa xaqiiq mana ahan been abuur inay baddaleen qaar kuwii hore bara dheeraaday oo wada garmaqaatayaala waxay ka xishoonayaanna aysan jirin kana siman inkaar qabe-nimada iyo Alle ka fogaanshaha muslim iyo gaal kuudoonaba haku abtirsadee. Haddaba aan qaar ka soo qaadanno kuwa maanta dariiqii fircooniga ahaa qaatay oo khasaare u joogaa:- Nambarka koobaad dheh qabqablaha Mareykanka waa Buushe, kii sallaanta ka dhacay ee Usturaaliya, kii kaba qaadka u ahaan jiray BUUSh ee tony Blair, Kii Ruushka ee Booris Yelsin, kii Roomaaniya ee Jawsiisko, kii Filipiin ee Maarkoos, miyaad illowday Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed dheere, Cismaan Caato, Qanyare, Suudi Yalaxaw, General Gabre, Miles Zinawi,Cadde Muuse and last not the least Mudane Daahir Riyaale oo faraskiisii ka dheereeyey

Quruumaha kale haddaan ka baxo ummurahooda oon u soo jeesto ta Soomaalida waa meel bugtiyo farbaa is-oge maxaa daaray dadkii oo ka wada dhigay sida kuwa fadhiidkaa ee Baydhaba maxbuuska ku ah kuna qasban inay afka ka yidhaahdaan waxaanu nahay baarlamaankii Soomaaliya ee beesha caalamku ictiraafsantahay oo hadba soo saara go’aamo loo yeeriyo oo dalkii soomaaliya la odhan jiray xubin xubin loogu kala gogoynayo, indhahoodoo shanana hortooda lagu xasuuqayo shacabkoodii, lagu burburinayo hantidii qarankooda, lagu bililiqaysanayo hantidii ummadooda laguna qasbay inay mudaharaadyo ayidaada dhigaan, shir jaraa’idna ka yidhaahdaan maanta ma jirto maalin ay Soomaaliya ka fiicantahay oo farxad baanu la burqanaynaa aan wali nasoo marin si ay ugu muujiyaan sida ay daacadda ugu yihiin wax looyaqaan beesha caalamka oo ka mid noqotay qabqablayaasha qarsoon ee Soomaaliya ku qaraaabata marka xaalkeenii noqday nin buka boqol u tali.

Ninbaa arkay wuxuusan horay u arag deetana isagoo yaaban ayuu yidhi “ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa”, haatan Soomaliyeey ma aynagaa waalan mise dunide kalaa waalan. Maxay ku dhacday wax caalamka kale ka yaxyaxoodo oo aynu xarragada moodnay oo maatideenii iyo dalkeeniiba loo dayacay oo qabyaalad iyo reer hebelnimadii addun iyo aakhiraba inoo seejisay. Miyaydaan arkayn qayrkiin oo aydaan lahayn wax dareena iyo ficiltan wadaninimo ku jirto. Soomaalaay! Afrika, Laatiin Ameerika, Yurub iyo Aasiyaba waxaa soo maray dagaalo sokeeye oo burbur iyo barkacba keenay waxaana laga sii xasuustaa kii Ruwaanda ee sagaashanaadkii dadbadanina ku dhinteen, kii Lubnaan, kii Ereteria ay isaga xoreysay Etoobiya, Kii Yuguslaafiya ku kala burburtay oo noqday waxaan Yurubta cusub horay u soo marin oo si waxashnimaa loo laayay muslimiintii reer Boosniya, laakiin intuba si degdegay uga soo kabteen dantoodiina u garteen ee waamaxay musiibadan inoo gaarkaa oo naga dhigtay curyaan kuududa oon lahayn lixdii lixaad ee wax lagu qabsan jiray laakiin leh afay beesha caalamka wax ugu sheegaan iyagoo iska dhigaya xalay dhalay iyo kuwo ay dhibayso dhibaatada haysata shacabkooda.

Markay Soomaaliya ahaan jirtay guri barwaaqaa oo barqo dheraga wadamadan aan tusaalaha u soo qaatay nolol hagaagsani kamay jirin waxaana loo dhiman jiray harraad iyo gaajo ceelkay qotaana waxaa ka soo bixi jiray biyo milixa oon la cabbi karin beerna haba sheegin oo dhulkoodu ama waa wada buur dhagaxa ama waa bacaad laakiin waxay odhan jireen erayo macaan sida”Alxamdu lilaah, Allaah kariim iyo asabru jamiil” , kalmadahaa macaan oo Soomaalida dhaqankkeeda ka maqan oo waxwalba tidhaahda waxan xun, shirkad xun baan u shaqeeyaa, mushaarkii xumaa masoo dhicin, kii xumaa ee ina hebel, aan samirna lahayn xaalkeeduna yahay meel heblay ka dilaacday ee inaga mariya meeshan xun intaynaan ku banjarin iyagoon sahanna dirsan saadna aan sidan iska yaac mooyaane aan waxna u qorshaysnayn.

Tusaalahan waxaan ku baraarujinayaa Soomaalida anoo soo qaadanaya sida wax walba wax loogu qiyaaso si aan u eegno qiyaas ahaan meesha aynu kaga jirno caalamka. Marka dhulka la cabbirayo waxaa loo isticmaalaa Fuudh ama mitir, Raashinka iyo waxyaabo badan waxaa loo isticmaalaa Kilogarams ama Rodol, fogaanta waxaa loo isticmaalaa Kilomitir ama Miles, xawaaraha)Speed) waxaa loo isticmaalaa Km/hr ama MPH, qabawga iyo kulaylkana waxaa loo isticmaalaa centigrade.

Haddaba maxaa loo isticmaalaa in lagu qiyaaso caliga bani’aadamka?. Waxaa laga yaabaa inaydan horay u arag su’aashan oo kale oo markiiba aad la soo boodaan go’aan degdega iyo xikmaddii looga danlahaa tusaalahan oo aydaan dhadhansan. Waa aniga iyo aragtidaydee markaad aragtaan wadan kasta sida dadkiisu u dhiseen, u cammireen, u qurxiyeen, law & orderka ugu sameyeen, qawaaniinta iyo nidaamka garsoorka oo si cadaalada bulshada ugu wada adeega yeesheen, shaqo abuurka, caafimaadka, tacliinta iyo talo wadaag ku dhisan dimoqraadiyad ayaa waxaa kuu soo baxaya in caqliga bani’aadamka lagu qiyaaso sida ummad waliba ugu adeegto bulshadeeda iyo horumarka ay tiigsanayso iyo sida waxyaabaha aan kor ku xusnay ay wax uga qabteen. Markaa adinkuba ka garsooroo Soomaalidu xaggay ka galaysaa tartanka caliga ee Eebbe bixiyo.

Halkaa waxaa kaaga soo baxaya in wax badani innaga maqanyihiin oo haddaan lahelin hoggaan suuban oo caadila inaysan cidina meel gaadhayn oo sideenoo kale ay isqabqabsi iyo xaajo indhaha la rido iyo ku jiq sii ay noloshii Soomaalidu ku danbaysay iyo quudaan jirin qoryo u guro. Waa cajiibe waxaan idin waydiiyey waataynu lahaan jirnay rag wax garada ummadana hoggaamin jiray, furdaamin jirayna xaajadu markay ribbato ee maxay maanta ku dhacday in Soomaalidii oo dhan laga waayo rag la mida ina Sanweyne oo ka garsoora dhibtan taagan oo Jiilkani u caalwayday oo waxay odhan jireen beesha caalamkuna ku hungowday dhowr iyo toban jeer, laakiin akhiiran ay heleen kooxaan damiir lahayn ooy geed ku qabbirteen korkana laga saaray magacii Soomaaliyoo dhan iskuna sheegay inay matalaan Soomaaliyoo dhan, oo xasuuqa iyo barakicinta Muqdisha ka socdatana ku raaxaysta kuna tuugsada beesha caalamka baaba’a ay badeen dadkoodii.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkayga weedhan ” Allahayow miyuusan ina Sanweyne rag dunida kaga tagin waatan adkaatay oo ribbatay madaxna ku socotay itijaahna yeelan weyday Soomaalidiiye”. Ina Sanweyne iyo raggii kaloo rujaasha ahaan jiray way rawaxeen waxaase ka danbeeyey dad qalatooyin aan haday kun beer cunaan maalintii wali baahan oo wax la deeqsiin karaahi aysan jidhin waxaana inala gudboon in Ilaah lala kaashado meelna looga soo wada jeesto damiir laawayaasha dalkii iibsaday kuna hawlan siday shacabka inta ka hadhsan ay sayladaha beesha caalamka ugu iib geyn lahaayeen waxaadna ogaataan inta reer reer iyo gobol gobol aynu isku haysano inaan dalkani ka baxayn gacanta cadawga iyo mu’aamaradaha qarsoon oo ka shifmaya subaxii ina soo maraba.

Wa billahi taqwfiiq iyo Allaah mahad leh

Qalinkii: Shueib Abdi Gabose

Cnada/Toronto

This entry was posted in Opinion, xfp. Bookmark the permalink.

Comments are closed.