Madaxweyne Riyaale oo mar kale mawqif adag iska taagey siideynta Siyaasiyiinta ururka Qaran

 Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa mar labaad ku celiyay iyo hoggaamiyayaasha urur siyaasadeedka QARAN ee ku jira xabsiga Mandheera aanay isaga u xidhnayn balse ay u xidhanyihiin sharciga.

   Madaxweyne Rayaale, waxa uu sheegay in siyaasiyiinta QARAN ee xidhani aanay uga duwanayn muwaadiniinta kale ee xabsiyada ku jira. Madaxweyne Rayaale oo habeen hore u waramay Telefiishanka Af-ka Somaliga ku hadla ee Universal, waxa la weydiiyay su’aal ahayd isbedelka ku yimid mawqifkiisii hore ee uu ku ogolaaday inuu sii daayo siyaasiyiintaas xidhan, waxaanu yidhi, “Waxba iskama bedelin, laakiin nidaamka sharciga ah inay soo maraan ayuun baa la sugayaa, waana la sii daynayaa marka ay nidaamka sharciga ah soo maraan. Maxkamad sharci ah ayaa xidhay ee khalad laguma xidhin, waxay xaq u leeyihiin inay cafis soo qortaan Inshalaahu markay soo qortaana subaxaba waan sii daynayaa ee ay cadeeyaan inay waddada sharciga ah u marayaan siyaasadda ee aanay waddo qardo jeex ah u marayn waa la sii daynayaa iyagay markaas ku xidhantahay inay qoraalkaas soo gudbiyaan.”
Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay waxyaabaha lagu eedaynayo siyaasiyiinta Qaran ee xidhan wuxuu yidhi, “Horta aniga iima xidhna ee gef ay sharciga ka galleen oo maxkamad lagaga hor cadeeyay ayay u xidhanyihiin, dadka Somaliland ee xidhanina maaha saddexdaas oo keliya ee dad badan ayaa xidhan, qof kasta oo maxkamadi xidho oo Somaliland ahna anigu sharci ayaan u arkaa, Madaxweyne markaan ahayna umadda inaan sharciga u ilaaliyo ayaan halkan u joogaa, haddii sharci iyo kala dambayna la waayo wax jirayaa ma jiraan. Markaas muwaadiniinta xidhan ayay ka mid yihiin anigana iigama duwana, waana laga yaabaa inay qaar buun-buuniyaan oo ay si kale u dhigaan, laakiin aniga muwaadiniinta xidhan wax ay iigaga duwanyihiin ma jirto.”
Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahayd in doorashooyinku ku qabsoomi doonaan xilliga loo qoondeeyay waxa uu yidhi, “Horta waa marka u horayse wax doorasho qabtay  dalkan anigaa u horseeday waa koow, wax dib loo dhigayna ma jirto, doorashada nidaam hor leh ayaa ku soo biiray doorashooyinkii hore oo ah in dalka laga sameeyo diiwaan gelin iyo in la sameeyo jinsiyadii oo hay’ado ayaa naga caawinaya Midowga Yurub ugu horeeyo, koomishankaana leh wakhtiga ay doorashada ku qabanayaan, xisbi iyo xukuumadu dib uma dhigaan, kolba wakhtiga ay Koomishanku ka dhigaan ayay xukuumadu ku qabsantahay, wax xisbigayagu dib u dhigay ma jiro wax xukuumadayadu dib u dhigtayna ma jirto.”
Madaxweyne Rayaale oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa inuu booqan doono gobolada kale ee Somaliland, waxa uu yidhi, “Horta anigu gobol aan ka maqanahay ma jiro, markaan wasiirkayga u diro gobol kasta kama maqni ee waan joogaa, Madaxweynuhu qasab maaha inuu markastaba wareego, Madaxweynuhu wuxuu leeyahay dad adeega xukuumadda fuliya oo ah wasiiradii iyo kuwii gobalada joogay, kuwaas ayaa markastaba xidhiidhka iyo xaaladda jirta qiimaynteeda aanu ka wada soconaa, waana suurto gal inaan mar soo maro, anoo marar hore tagayna waan soo mari doonaa haddii Alle yidhaahaa.”
Mar la weydiiyay su’aal ahayd in dawladda Itoobiya gacan ku leedahay siyaasadda Somaliland waxa uu Rayaale yidhi, “Maya ee danahayaga ayaanu ka wada hadalnaa, Itoobiya ma faro geliso siyaasadayada, waanay nagu ixtiraamtaa wax shaqo ah iyo wax faro gelin ah oo ay ku leedahay haba yaraate ma jirto, laakiin waa dad aanu walaalo iyo jaar nahay, xidhiidhkayaga walaaltinimo iyo iskaashi ayuun baanu ka wada hadalnaa laakiin arrimahayaga siyaasadda haba yaraate horayso iyo dambayso marnaba faro gelin kuma leh.”
Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay aragtidiisa ku waajahan ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha dalka Somaliya waxa uu yidhi, “Waxaan filayaa Itoobiya dawladda Ku meelgaadhka ah ee tidhi annagaa koonfurta Somaliya dawlad u ah ayaa u yeedhatay rabitaankooda ayaanay ku joogaan, waxaanan aaminsanahay haddii ay odhan lahaayeen waanu idinka maaranay, Itoobiya inaanay joogtayn ee ay iskaga tagi lahayd, markaas waa go’aan iyaga khuseeya mid aan anigu talladiisa hayo maaha ee waa mid taladiisu ay ku xidhantahay dawladda koonfurta Somaliya xukunta, Itoobiya iyaga ayaa u yeedhay oo gacan na siiya yidhi, haddii ay yidhaahdaan waanu idinka maaranayna waxaan qabaa in Itoobiya iskaga tagi lahayd, laakiin waa tallo iyaga u taala ayaan aaminsanahay.”
Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay su’aal ahayd in qorshaha xukuumadiisu yahay inay gaadho xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Somaliya waxa uu yidhi, “Somaliland markastaba wuxuu go’aankeedu ahaa inay xuduudkeeda si lagu gaadhaba annaga oo weliba ilaalinayna in aanu dhib gaadhsiino dadkayaga in la gaadho wakhtigay doonto ha qaadato’e, barnaamijkayagu kaas ayuu ahaa wax iska bedelayo iyo wax ku soo kordhay toona ma jiro.”

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.