Madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka Bariga Burco oo Bayaan diidmo ah ka soo saaray Kootada Dhoofka Xoolaha loogu xidhay Ganacsadaha Sucuudiga ah

Burco (Somaliland.org) – Bayaan ay saxeexeen in ka badan Boqol qof oo isugu jira Cuqaal, waxgarad, odayaal iyo aqoonyahan dhammaantood ka soo jeeda Bariga Burco ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay ka noqoto Kootada (Monopoly) ay dhoofka xoolaha nool, gaar ahaan Adhiga ugu xidhay Ganacsadaha Sucuudiga ah ee AL-Jaabiri, taas oo ay sheegeen inay dhibaato iyo tacaddi ku tahay dadweynaha gobolka oo ay noloshoodu si weyn ugu tiirsan tahay xoolaha nool.

Bayaankaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey Somaliland.org, waxa uu u qoran yahay sidan:

“Hadii aanu nahay madax-dhaqameedka, odayaasha iyo wax-garadka beesha bariga Burco (H/jeclo), waxa mudooyinkan dambe noo socday shirar iyo wada-tashiyo is-daba joog ah ka yeelanay duruufaha nololeed iyo dhibaatooyinka nololeed ee ka dhashay qaabka ay dawladda Somaliland mudooyinkan dambe u maamushay ganacsiga dalka, gaar ahaan iibka iyo dhoofka xoolaha nool, ka dib markii ay xukuumaddu heshiis Kooto ah oo ganacsiga xoolaha ah la gashay nin Carab ah oo magaciisa la yidhaahdo Al-jaabiri iyo laba nin oo dillaaliin ah oo reer Hargeysa ah, waxaana noo muuqatay, dadkana si weyn u taabatay dhibaatada iyo tacadiga nololeed ee ay ka dhashay arintaa, iyadoo ay dawladdu tidhi wixii xoolaha ah ee u dhoofaya debeddana waxaanu u xidhnay Al-jaabiri, wixii xoolaha ah ee gudaha dalka laga iibinayana waxaanu u xidhnay laba nin oo ay xukuumadda isku fiican yihiin, taasina waxay marka hore baal-marsan tahay xoriyaddii ganacsi ee uu dastuurka dalka u yaal jideeyey. Waxa kale oo ay arintani adhax-da ka jebisay boqolaal kun oo dan yar ah oo ay noloshoodu si toos ah iyo si dad-ban-ba ugu xidhnayd neefka xoolaha ah ee ay dawladdii qiimihiisa ilaalin lahayd, kana shaqayn lahayd sidii kor loogu qaadi lahaa, dhulka jiid-jiidayso.

Waxa kale oo ay xukuumaddu xuquuqdii ganacsi gawracday oo ay cagta dhabarka ka saartay shirkado waaweyn iyo shakhsiyaad badan oo muwaadiniin ah oo ka shaqayn jiray ganacsiga iyo dhoofka xoolaha nool, sidoo kale waxay xukuumaddu xuquuqdoodii ganacsi iyo nololeed gawracday oo gobollo iyo degaamo iska dhan oo ka mid ah dalka ay xukuumadda u tahay, iyadoo ay cidda ugu darran ee ay dhibaatada arintan ka dhalatay saamaynta ugu xun ku yeelatay ay tahay dadka masaakiinta ah ee xoola-dhaqatada ah, kuwaas oo aan neefkoodaa iyo had-ba ciddii ka iibsanaysa mooyee cid iyo ciirsi kale toona lahayn, waxaana nasiib darro ah in iyadoo ay badeecadaha uu raashinku ka mid yahay ee dunida laga soo iibsadaa bilihii u dambeeyey uu laban-laab inka badan qiimahoodu kor u kacay, inaynu hadana qiimaha neefkeenna dhulka la dhacno.

Heshiiska ay xukuumadda Somaliland la gashay ninka Sucuudiyaanka ah ee Al-jaabiri waxaanu u aragnaa inuu sharciyan xaaraan yahay, sidoo kalena uu nolosha dadka dan-yarta ee muwaadiniinta ah tacadi ku yahay, iyadoo uu heshiiskaasi dhigayo in neefka adhiga ah sayladaha ganacsiga ee debedda lagaga iibin karo keliya $36-dollar, laakiin qiime intaa aad uga badan ayuu neefka adhiga ah ka joogaa suuqyo badan oo dunida, tusaale ahaan meelo badan oo ka mid ah suuqyada dunida ayaa maanta neefkeena Adhiga ah maanta lagu baayacayaa dhawr iyo konton dollor iyo inka badan, taas oo ah arin xaqiiq ah, waxaase taa diidan oo hortaagan dawladdeena oo tidhi dekedda Berbera cid aan Aljaabiri ahayni waxba kama dhoofin karto, qiime $36-dollar ka badana neefka lagagama iibin karo suuqyada wadanka, sidoo kale waxay tidhi laba nin oo keliya ayaa Al-jaabiri wax ka iibin karto oo loo daba-fadhiisanayaa iibka gudaha ee xoolaha nool, taasina waxay keentay inay Al-jaabiri iyo labadaa nin sida ay doonaan ugu takri falaan ganacsigii xoolaha, taasna waxaanu u aragnaa nasiib darro weyn, iyadoo ay ahayd in laga taliyo, lana tix-geliyo danta ummad-weynta iyo nolosha muwaadiniinta danyarta ah, mase ahayn in loo danneeyo qof ama laba qof, iyadoo uu waajibka dawladdu ahaa inay suuq-ba suuqa uu ka sareeyo iyo qiimaha uu ka sareeyo u raadiso xoolaheeda, laakiin ma ahayn inay taa bedelkeeda ka dhigaan xataa inay kala dagaalamaan qiimihii ay dadka shisheeyaha ahi inooba ogolaayeen inay wax inagaga iibsadaan.

Sida aynu ognahay dalka Illaahay inagu beerray ee Somaliland waxa ilaa taariikh fog oo qarniyo ku simman soo maray maamullo dawladeed oo aad u kala duwan oo ay qaarkood xoog inagu qabsadeen, waxaana ka mid ah maamullada soo maray dalka maamulkii Isticmaarka ee Ingiriis, maamulkii Milateriga ee Siyaad Barre, maamulkii SNM iyo maamulka maanta jira ee dawladda uu madaxweynaha ka yahay Daahir Rayaale Kaahin, laakiin maanta ka hor lama arag cid fara-gelisa neefka xoolaha ah iyo dhaqdhaqaaqiisa ganacsi, waana wax lala yaabo inay dawladdii u horaysay ee ay dadku doorteen ku talaabsato wixii ay ka xishoodeen dawladihii xoogga inagu qabsaday ee Isticmaarka iyo Tii milateriga ahayd.

Ta kale dhibaatada ganacsi xoolaha nool oo keliya ma haysatee waxay guud ahaan haysataa ganacsiga dalka oo dhan, tusaale ahaan badeecadaha ay ka mid yihiin bagaashka iyo qaar kaleba waxay ka soo degaan dekeddo ay ka mid yihiin dekedda Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland iyo meelo kale, waxayna taasi dhacday ka dib markii ay dawladdu cidhiidhi saartay ama ay maamul-xumaysay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalka, waxaana ka mid ah waxyaalaha la yaabka leh inuu bagaashka Boosaaso ka soo degaa magaalada Burco iyo barigeedaba uga yimaaddo dhinaca Tog-wajaale, ka dib markii la xidhay ama cidhiidhi la saaray wadooyinkii uu ganacsigu uga soo geli lahaa Burco iyo gobollada kale ee bariga Somaliland.

Maamul-xumada iyo cidhiidhiga ay dawladdu saartay dhaqdhaqaaqa ganacsiga dalka waxyaalaha ay sababtay waxa ka mid ah inay dekeddii Berbera ee sannado yar ka hor ahayd dekedda ugu camirran manqadda bariga Afrika ay maanta indhaha isku qabsato, ka dib markii uu ganacsigii inta badan meelo kale ugu wareegay, iyadoo maanta la ogyahay in degaamo badan oo dalka ka mid ah, gaar ahaan Burco iyo wixii bari ka sii xiga uu ganacsigoodu ku xidhan yahay dekedda Boosaaso oo boqolaal kilomitir jirta.

Sidaa darteed markii aanu aad u lafa-guray, una derisnay dhibaatooyin ganacsi iyo duruufaha nololeed ee ay ka dhashay heshiiskii Kootada ahaa ee ay xukuumaddu ugu danaysay ninka Sucuudiyaanka ah iyo labada nin reer Hargeysa, waxaanu ku baaqaynaa arimo ay ka mid yihiin:Inaan lagu dhaqmin, laguna dhaqmi doonin waxkasta oo baalmarsan ama ka soo horjeeda dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaal, waayo heshiiska Kootada ah ee ay xukuumaddu la gashay Al-jaabiri gebi ahaanba wuu ka soo horjeeda dastuurka dalka u yaal oo dhigaya inuu ganacsigu xor yahay, sidoo kalena dastuurka dalka u yaal wuxuu dhigayaa in heshiisyada caynkaas oo kale ah la horgeeyo baarlamaanka si ay u xallaaleeyaan hadii ay ummadda dani ugu jirto, hadii kalena u horjoogsadaan, taasina may dhicin.

Waxa kale oo aanu ku baaqaynaa, nagana go’an in cid allaale cidii qiime dheeraad ah ama qiime cuntamaya oo kan dhaama ku iibsanaysa neefka xoolaha ah ama ku suuqyada debedda kaga soo hesha la taageero, hiil-na la isla barbar taago maadaama ay danta ummadda danyarta ahi sidaa ku jirto, isla markaana cidii ka hortimaadda nolosha iyo danta ummadda waxaanu aragnaa gardarro iyo tacaddi aan geed-ba loogu soo gabban iyo naloo badheedhsan yahay in nala baabi’iyo, waana xaq-darro, xaq-darrona illaahayna ma ogola, anaguna ma ogolin.

Waxa kale oo aanu u aragnaa inuu muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu ka ganacsado meel kasta oo dalkan ka mid ah, isla markaana uu deked kasta oo dalkan ka mid ah waxna ka dhoofsan karo, waxna kala soo degi karo.

Ta kale waxa noo muuqata inay xukuumaddu degaamada qaarkood ama dadka qaarkood ay danaynayso, kana shaqaynayso sidii ay kobcin lahayd dhaqaalahooda iyo noloshooda, halka ay dadka qaar iyo degaamada qaarna kala dagaalamayso xarakaadka dhaqaalaha, camir-naanta iyo kobcinta nolosha dadka, mar hadii ay sidaa tahayna waxaanu u arkaynaa inaanay wax dan ah noogu maqnayn, sidaa darteed waa inaanaan cidna marti uga noqon wixii aanu u aragno danahayaga iyo maslaxadayada, iyadoo aanu si gaar ah hoosta uga xariiqayno, uguna baaqayno xukuumaddu inay ka noqoto talaabada cuna-qabataynta ah ee ay ku soo rogtay ganacsiga xoolaha nool iyo heshiiska ay kootada ugu xidhay Aljaabiri ee aan sharciga waafaqsanayn.

Ugu dambayn waxaanu xukuumadda Somaliland, Baarlamaanka, Asxaabta qaranka, Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka kale ee reer Somaliland ugu baaqaynaa inay garawsadaan in sharciga oo la baalmaro, xaqsoor la’aanta, adeeg la’aanta bulshada iyo danta ummad-weynta oo laga door-bido danta gaarka ah ay arimahaas iyo wixii la mid ahi ay yihiin waxyaalaha u adeegaya burburka iyo nabad-gelyo darrada.

Waxa kale oo aanu xukuumadda Somaliland ugu baaqaynaa inay wax ka qabato adeeg-xumadda iyo dayaca daashaday gobollada bariga, sida wax-barashada, caafimaadka, biyaha, dib-udhiska, shaqo la’aanta IWM, iyadoo la ogyahay dib dhaca weyn ee ka jira gobollada bari”.

Madaxdhaqameedyada iyo Waxgaradka saxeexay Bayaanku waxay kala yihiin:

1- Chief Caaqil Maxamed Dhuuxyare

  • 2- Chief caaqil Ibraahin Ismaaciil Dhuuhe
  • 3- Chief caaqil Siciid Warsame Yuusuf
  • 4- Chief caaqil Maxamud Xasan Cismaan
  • 5- Chief caaqil Jaamac Ismaaciil Cawed
  • 6- Chief caaqil Cali Buraale Maxamed
  • 7- Chief caaqil Ismaaciil Xirsi Buur
  • 8- Chief caaqil Salaad Yuusuf Qodax
  • 9- Chief caaqil Ismaaciil Axmed Gaas
  • 10- Chief Caaqil Jaamac Faarax Warsame
  • 11- Chief caaqil Maxamed Kaarshe Faarax
  • 12- Chief caaqil C/laahi X. Siciid Yuusuf
  • 13- Chief caaqil Cali Aadan Af-warranle
  • 14- Chief caaqil Jaamac Diiriye Guuleed
  • 15- Caaqil Yaasiin Axmed Yool
  • 16- Caaqil Faarax Diiriye Caateeye
  • 17- Chief Caaqil Ibraahin Maxamed Shaybe
  • 18- Caaqil Warsame Cali Abokor
  • 19- Caaqil Maxamud Cumar Buuni
  • 20- Caaqil Xaamud Diiriye Qodax
  • 21- Caaqil Jaamac Cabdi Maxamed
  • 22- Caaqil Baashe Gurayare
  • 23- Caaqil Jaamac Ducaale Cali
  • 24- Chief caaqil Jaamac Bulaale Qodax
  • 25- Caaqil Muuse Ciise
  • 26- Caaqil Cumar Xasan
  • 27- Caaqil Axmed Cali Cigaal
  • 28- Caaqil Cawil Carraale
  • 29- Caaqil Ismaaciil Xaaji Cabdi
  • 30- Caaqil Aadan Abokor Cali
  • 31- Axmed Cali Shookarre
  • 32- Xariir Haybe Gaagaale
  • 33- Cabdi Cismaan Cabdulle
  • 34- Maxamud Maxamed Jaamac (gaadhi-jiid)
  • 35- Cumar Gaas Warsame
  • 36- Mijir Qaadi Maxamud
  • 37- Abokor Cabdi
  • 38- Abokor Cumar Aadan
  • 39- Maxamud Axmed Cali
  • 40- Jamaal Maxamed Warsame
  • 41- Maxamed Cabdi Hallac
  • 42- Salaad Jaamac Diiriye
  • 43- Ibraahin Ducaale Boos
  • 44- Khaliif Maxamed Warsame
  • 45- Jaamac Axmed Xasan
  • 46- Xanaan Axmed Xasan
  • 47- Daahir C/laahi Askar
  • 48- Cabdi C/laahi
  • 49- Maxamed Saleebaan Jaamac
  • 50- C/laahi Cali
  • 51- Yaasiin Maxamud Jaamac
  • 52- Xil. Maxamed Cawaale Axmed
  • 53- C/laahi Aadan Yuusuf
  • 54- C/laahi Yuusuf Cartan
  • 55- Seyid C/laahi X. Cabdi
  • 56- Yaasiin Jaamac Galayd
  • 57- Cismaan Diiriye Ducaale
  • 58- C/laahi Cali Boqorre
  • 59- Cawil Samatar Abokor
  • 60- Maxamud Ducaale Cartan
  • 61- Guleed Suldaan Cali
  • 62- Siciid Jaamac Bootaan
  • 63- Cabdi Cilmi Ducaale
  • 64- Maxamed Maxamud Axmed
  • 65- Maxamed Siciid Bootaan
  • 66- Maxamed Ibraahin Jaamac
  • 67- Xaashi Xuseen Xasan
  • 68- Axmed Muuse Jaamac
  • 69- C/laahi Maxamed Shire
  • 70- Xasan C/laahi Cali
  • 71- Cabdi Maxamud Samatar
  • 72- Maxamed Saleebaan Warsame
  • 73- Yuusuf Cumar Cismaan
  • 74- Maxamed Shire Faarax
  • 75- Cabdi Cali Xirsi
  • 76- Mubaarik Jaamac Diiriye
  • 77- Cabdi Caydiid Nuur
  • 78- Axmed Cismaan Mahdi
  • 79- Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf
  • 80- Rashiid Faarax Cabdi
  • 81- Saleebaan Cabdi Cali
  • 82- Daroor Cali Cawed
  • 83- Yaasiin Cali Cawed
  • 84- Cismaan Xirsi Jaamac
  • 85- Saleebaan Jaamac Cali
  • 86- Yuusuf Ismaaciil Axmed
  • 87- Saleebaan Daahir Axmed
  • 88- Carab Cali Mire
  • 89- Cali Maxamed C/laahi
  • 90- Maxamed Axmed Maxamud
  • 91- Mustafe Maxamed Xuseen
  • 92- Siciid Jaamac Faarax
  • 93- Jaamac Cabdi C/laahi
  • 94- C/samed Maxamed C/laahi
  • 95- Cawil Xirsi Shire
  • 96- Faarax Shire Guutaale
  • 97- Cabdi Khayre Ducaale
  • 98- Maxamed Ducaale Carraale
  • 99- Nuur Jaamac Faarax
  • 100- X. Jaamac X. Maxamud
  • 101- Ducaale Ibraahin
  • 102- Maxamed Faarax Xirsi
  • 103- C/laahi Geelle Ducaale
  • 104- Cawil Ibraahin Yuusuf
  • 105- Axmed X. Maxamed
  • 106- Dubbad Maxamud Jaamac

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News and tagged , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.