Ciidamo Kasoo Goostay Puntland Oo Soo Gaadhay Laascaanood

Map of Somaliland

Laascaanood (Somaliland.Org) Waxaa shalay soo gaadhay magaaladda Laascaanod ee gobolka Sool ciidamo tiradoodu gaadheyso ilaa 55 oo kasoo goostay maamul goboleedka Puntland.

Ciidamadan ayaa markii ay soo gaadheen magaalada lagu xareeyey airportka magaalada Laascaanood halkaas oo kulan is waraysi iyo wada tashi ku dhexmaray iyaga iyo saraakiil Somaliland ah.

Ciidamadan oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Sool waxaa xalay loosoo wareejiyey dhinaca magaalada Laascaanood gudaheeda oo ay hadda ku suganyihiin. Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa waxay hore u sugnaayeen tuulada Tukaraq tan iyo intii ciidamada Puntland laga saaray magaalaada Laascaanood.

Ciidamada Saraakiisha Somaliiland ayaa xaqiijiyey in sida ugu dhakhsaha badan loo qaramayn doono ciidamadan looguna bilaabi doono tababarro dhinaca milatariga ah.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.