BAAQ IYO BARAARUJIN: Dhulbahante waa Somaliland,Somaliland waa Dhulbahante. By: Maxamed Khaawi

Haddii Puntland taariikhda ku gashey (Foox),iyo (Beeyo) Soomaaliland waxay taariikhda ku gashey dhiigii Daraawiishta iyo cududii dhulbahante ee u bacbacdhigtey Ingiriis, YamYam iyo Qadaad weyn.

Diinta Islaamka iyo dalka Soomaaliland waxaa badbaadshey naftii iyo maalkii Dhulbahante ee loo hurey. Dhulbahante Dal aan Soomaaliland aheyn ma leh, laakiin Soomaaliland waxay leedahay dad aan Dhulbahante aheyn. Sidaa darteed Dhulbahante marnaba ka tanaasulimaayo xuquuqda dhalasho, dhaqan iyo dhuleed ee uu ku leeyahay Soomaaliland, cidna uguma amar ku taagleyn karto.

Marti galantii Puntland waxay aheyd MAXLAL lagu soo Moodey waqtigii adkaa, waana Toljira oo aad u mahadsan. Burburkii Qaranka Soomaaliyeed wuxuu reebey Umadda bukaan socda oo ay u taliyaan Boqol Jini Boqor. Neeclayaashaa caanaha isku shubey waa Lisimo is qor ah oo aan xil saarneyn. Isinka asal raacaa waa Samo -Talis, aan marnaba dagaal oogin.

Baaqii Boocaame uma muuqdo Talo-laruugey ee wuxuu ahaa ha’ye fudud oo aan laga fiirsan. Dagaal Sokeeye ma ah wax sahlan oo koox soocani go,aamiso. Arkaanta talada Dhulbahante sida

1) Garaad Jaamac Garaad Ali
2) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
3) Garaad Ismaaciil
4) Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe
5) Suldaan Siciid
6) Ugaas Cabdullaahi

Waxaanu ku baraarujineynaa iney dib u eegaan cawaaqib- xumida arrintaas u jeedo badanta ah. Waali iyo Miyir qab, midnaba dagaal sokeeye oo Dhulbahante sabab u yahay, kama dhici karo Puntland & Soomaaliland, Idinkaa labada maamulba aasaasey la xaajooda Maamulka iyo Beelaha Soomaaliland sidii xeerku ahaan jirey.

Xilboobkaa xabad ka taliya,idinku waxaad waxaad tihiin xil qaad maskaxihi ha taliso.

ALLAH MAHAD LEH

MOHAMED KHAAWI

President American Council for Somali Uplift

Virginia U.S.A

UPLIFTAFRIQUE@GMAIL.COM

This entry was posted in Opinion. Bookmark the permalink.

Comments are closed.