Komishanka Doorashooyinka oo kulamo la yeeshay Axsaabta iyo Madaxweyne Riyaale

Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay saddexda xisbi qaran, iyaga oo habeen horena la kulmay Madaxweyne Riyaale.

Kulamadaas oo aanay wax war ahi ka soo bixin ayaa Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, ahna kusimaha Guddoomiyaha Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan oo aan maanta wax ka weydiiyey ujeedada kulamadaasi waxa uu ii sheegay in madaxda xisbiyada iyo Madaxweynahaba ay uga warramayeen socdaalkii ay ku tageen Nairobi iyo wixii ay kala soo kulmeen deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawinaya doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, mudane Xirsi oo aan weydiiyey wax ka jira warar ka soo baxay socdaalkoodii Nairobi oo saxaafadda Hargeysa qaarkoodana ay qoreen oo sheegaya in ay hungo kala soo laabteen Deeqbixiyayaasha, isla markaana la sheegay inay shardi kaga dhigeen dhaqaalaha ay ku caawinayaan Somaliland siideynta siyaasiyiinta xidhan ee ururka Qaran iyo in dowladda Somaliland wax ka beddesho habdhaqankeeda ka baxsan dimuqraadiyadda, waxa uu sheegay in aanay wararkaas waxba ka jirin, aanayna garanayn meel laga keenay.

Waxa uu sheegay in warbixinta ay siiyeen madaxweynaha iyo xisbiyadu ay ahayd tii ay siiyeen saxaafadda markii ay dalka ku soo laabteen, taasoo ay ku sheegeen in ay isla soo afgarteen kaalmada beesha caalamku ka geysanayso doorashooyinka iyo diiwaangelinta, wax shardi ah oo lagu xidhayna aanay jirin.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News and tagged , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.