20 Mudane oo Shirguddoonka G.Wakiillada u gudbiyey Mooshin ay ku dalbanayaan in goluhu go’aan ka gaadho Xeer Lr.14

Hargeysa (Somaliland.org) – Labaataneeyo mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shirguddoonka u gudbiyey mooshin ay Axaddii dorraad mooshin ay ku dalbanayaan in Goluhu go’aan ka gaadho Xeer No. 14, Xeerka Diiwaangelinta Axsaabta iyo ururrada Siyaasadda, kaas oo uu muran ka taagan yahay.

Xeerkan ayaa murankiisu taagnaa tan iyo bishii March markii lagu dhawaaqay ururka Qaran oo Guddoomiyihiisa, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labadiisii Guddoomiyekuxigeen; Inj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim ay hadda muddo Afar Bilood ku dhow ku jiraan Jeelka Mandheera, iyada oo loo haysto inay ku dhawaaqeen urur sharci darro ah, isla markaana ay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed sameeyeen, halka siyaasiyiinta ururka Qaranna ay ku doodayaan in furashada ururrada siyaasadeed uu fasaxayo xeer Lr. 14/2001, kaas oo ay sheegeen inuu dhigayo in 5tii sannadoodba mar ay ku tartamaan doorashooyinka deegaanka Asxaabta jirta iyo ururro cusub, halkaana ay ka soo baxaan saddex xisbi qaran.

Mudanayaasha mooshinka gudbiyey waxay qoraalkooda ku sheegeen inay lagama maarmaan tahay in Golaha Wakiilladu ummadda u iftiimiyo xeerka muranku ka taagan yahay, Xeer Lr.14, maadaama uu yahay golihii sharcidejinta dalka.

Qoraalka Mooshinku waxa uu xusay in muranka xeerkaas ay u xidhan yihiin siyaasiyiin waaweyn oo dalka magac ku leh. Sidaas darteed, golaha looga baahan yahay in uu go’aan ka gaadho xeerkaas, si loo soo afjaro ayuu yidhi qoraalku, murankan jaahwareerka geliyey dalka.

Xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha Xisbiga UCID, lagana soo doortay degmada Gebiley ee gobolka Hargeysa oo isagu hormuud ka ahaa mooshinka ayaa radio Horyaal u sheegay in isagu ka hawlgalay diyaarinta mooshinkan, ujeeddada ay ka leeyihiin isaga iyo xildhibaanada la saxeexayna ay tahay in goluhu ka hadlo arrinta, maadaama waxa muranku ka taagan yahay uu yahay xeer Golaha ka soo baxay.

“Meeshan waxa la yidhi waxa yaalla laba xeer oo Lr. 14 ah. Labadaa xeer mid waa kaa hore oo aan caddaynaynin ururrada iyo in 5tii sannadoodba mar ay furmayaan iyo ku kale oo Golaha Wakiilladu ay curiyeen ama amendment (Wax-ka-beddel) ay ku sameeyeen oo Golaha Guurtidu soo diidey,” ayuu yidhi Xildhibaan Tukaale.

“Marka in maadaama arrintan uu mugdi badani ku jiro in Goluhu wax iska weydiiyo weeye ujeedadayadu,” ayuu raaciyey.

Xildhibaan Tukaale, waxa uu sheegay in Shirguddoonku ka aqbalay Mooshinkaa, uuna filayo in toddobaadka soo socda golaha la soo hordhigo.

Intii aanu furmin kalfadhigan 5aad ee Golaha Wakiillada ayaa waxa soo baxay warar sheegaya in Midowga Yurub uu Golaha Wakiillada ka codsaday in muranka sharci ee ka taagan ururka Qaran uu goluhu go’aan ka gaadho ama jawaab ka bixiyo. Hase yeeshee, Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa beeniyey wararkaas.

Dhinaca kale, Golaha Wakiillada ayaa weli ku gudajira doodda xeerka Miisaaniyadda oo uu golaha horkeenay Guddida Dhaqaalaha ee golahaas.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

E-mail: dubad@somaliland.com

This entry was posted in News and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.