Xisbi aflagaadada dadkiisa codka kaga hela

Dunida lama maqal madax dadkii ay codka
ka doonayeen ku aflagaadooda, taariikhdoodana u heelan inay
baabi’iyaan.

Xukuumadda Somaliland iyo xisbigeeda
UDUB oo joogto u aflagaadeeya dadkii codkooda siiyay, waxa haddana ay
goorwalba istusaan isku kalsooni ay ka qabaan inay heli doonaan
codadka ugu badan doorashooyinka. Haddaba maxaa sababay in xisbiga
UDUB si isku kalsooni leh ugu dhawaaqo "anagaa doorashoooyinka ku
guulaysanayna"?

Ma Somaliland ayaan ahayn dal
dimoqraadi ah oo dadku codkooda xor u yihiin? Mise dadku codkooda waa
u xore caqligooda ayaanay xor u ahayn oo laga haystaa?

Xagee bay dunida ka dhacdaa xisbi
dafirsan taariikhdii dadkii dalka soo xoreeyay dagaal cadna kula jira
haddana saddex doorasho oo madaxweyne, degaamada iyo baarlamanka ku
soo baxa jagada kowaad?

Ujeedada ka dambaysa taariikhda laga
been sheegayo ayaa ah in dadweynaha la qabatinsiiyo in SNM ahayd
dulli laga xoroobay, waxana jira astaamo tilmaamaya inay xukuumaddu
taa ku guulaysatay. Waayo ma aha markii ugu horaysay ee madaxda
xukuumadda Riyaale ay aflagaadayso ama ay xidhxhidhaan xubno dalkan u
soo halgamay oo aan dembi ay galeen jirin. Waxa muuqata in la soo
dhaafay xiligii ay u ekayd in dadweynuhu taariikhdiisa difaaci lahaa.
Difaaca taariikhdaada, ama xumaha oo laga dhiidhiyo waxa lagu muujin
karaa codka qofku bixinayo maalinta doorashada loo dareero. Waxase
muuqata inaan bulshada reer Somaliland u bislaanin dimoqraadiyadda
ama aanay si buuxda u fahmin inay codkooda ku keeni karaan isbeddel
dawladeed. Haddii ay taas ogyihiin may dhaceen in mar iyo lababa dib
loogu codeeyay xisbiga talada haya ee UDUB kadib dhacdooyinka isdaba
joogga ah ee waxyeeleeyay sharaftii iyo haybaddii qaranka iyo kii
dawladnimaba.

Hubaal markasta dawladdu ka been
abuurto taariikhda SNM way taabataa dhamaan shacbiga Somaliland
intiisa waxgaradka ah ee SNM taageeri jirtay iyo intii kaleba,
intooda danaysa arrimaha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee dalka ka
socda. Dareenkaas diidmada ahise ma sii raago waxana tusaale ah
doorashooyinkii baarlamanka oo aan haba yaraatee laga arkin hoos u
dhac muuqda oo ku yimid codadkii xisbiga UDUB maadaama ay iyagu
heleen xubnihii ugu badnaa golaha baarlamaanka. Waana taas ta
sababtay in xisbiga UDUB aaminsanyahay inaan sinaba loogaga guulaysan
karin doorashooyinkasta oo dalka ka dhaca.

Waxa la odhankaraa muwaadinka
Somaliland waxa ka maqan awood uu ku qiimeeyo waxqabadka xukuumadda
kuna gaadho go’aan ah inaanay codkiisa heli doonin. Waxa kale oo jira
duruufo dheeraad ah oo sababay in codbixiyuhu aanuu codkiisa u
isticmaalin sidii la doonayay. Waxa duruufahaas ka mida:

  • Musharaxa oo aan
    taariikhdiisii hore loo eegin
    : Bulshada oo had iyo jeer meel
    soke wax ka eegta, iyada oo aan musharixiinta ku kala saarin
    damiirka iyo dadnimada qofka, taariikhdiisa, wixii uu u galay iyo
    wixii uu u guday dalkan inta aan codka loo hibayn. Tusaale
    wanaagsana aad ka heli karto golaha wakiilada iyo guurtida oo ay ku
    jiraan xubno ku sifoobay caade-qaate nimo iyo calooshiisa u
    shaqayste aan ku haboonayn inay noqdaan dad dejiya ama wax ka
    beddela sharciyada dalka lagu hagi doono. Nasiibwanaag labada goleba
    waxa ku jira xubno karti iyo garaad sare leh oo aan la iibsan karin
    damiirkooda inkasta oo siyaabo badan loo baayacay.

  • Wasiirka Dawladda Inoogu
    Jira Oo Awood Badan Ku Leh Beeshiisa
    : Xukuumadda oo
    adeegsata hantida qaranka iyo wasiiro ka soo jeeda qabaa’ilka
    degaanada ay codadka ka rabto, kuna guulaysata inay iibsato codka
    muwaadiniintaas saboolka ah

  • Waxa Shaqada Ku Siiyay UDUB
    Waxana Kaa Eryi Kara UDUB
    : Xiliyada doorashooyinka degaanada
    iyo kuwa baarlamaanka oo muwaadiniinta shaqo-dawladeed haya loogu
    hanjabo "cidkastaaba ha soo baxdee waxa wali talada haysta
    xisbiga UDUB
    ", sidaa darteedna qofkii la ogaado inuu u
    codeeyay xisbi mucaarid ah in shaqada laga eryi doono

  • Isma Dhaamaan Xisbiga Talada
    Haya Iyo Kuwa Mucaaridka Ahi
    : Muwaadinka oo aan lahayn karti
    ama awood uu ku kula ogaado dhacdooyinka siyaasadeed iyo bulsho
    amaba u arka in duruufaha dalkiisa ka jiraa ay yihiin wax goorwalba
    dhacaya xisbi kasta oo yimaadaana aanuu noloshiisa waxba ka bedeli
    karin amaba xisbiyadu aanay kala duwanayn. Muwaadinkan oo haddii uu
    furasad helo uu ku dhagayso warbaahinta qaranka ay sababto inuu ku
    asqoobo ama rumaysto dacaayadaha lidiga ku ah xisbiyada mucaaridka
    dhinaca kalena difaacaya "guulaha" xisbiga talada haya

  • Cod Qudha ahi Awalba Waxba
    Muu Tareen Xisbiga Aan Taageersanahay
    : Muwaadiniin badan oo
    inkasta oo ay jecelyihiin in isbeddel yimaaddo, haddana danahooda u
    foof taga kana baaqda ama ka wahsada safafka dhaadheer iyo milicda,
    marka la waydiiyo sababta aanay u codaynina ku jawaaba – xisbiga
    ay guushu raaci doontaa wuu qoranyahay, waana kii ay mujtamacu u
    bataan, anigase halkayga cod macne badan ma samaynayo haddii aan
    codeeyo iyo haddii aan ka maqnaado
    .

  • Saacadda Joogta Mooyee
    Miyaan Beritaba Iswaydiiyay
    : Muwaadinka oo aan kaba fekeri
    karin berito iyo wixii ka dambeeya noloshiisuna ay ku koobantahay
    saacadda uu joogo iyo sidii uu u soo xasilin lahaa qaadkii uu cuni
    lahaa, si hawl yarna codkiisa ugu beddesha lacag ama mijin qaad ah.

  • Codkayga Inaadeerkay Ayaa
    Leh
    : Bulshada ayaa lagula dhexdhacaa xafiiltan iyo
    beerlaxawsi qabiil iyo tollaayeey, iyada oo aan weli baran inay
    codkooda siin karaan musharax ay kala qabiil yihiin, xitaa haddii
    musharaxaas kale yahay muwaadin waddani ah oo leh karti iyo kalsooni
    uu ku hanankaro codkooda haddana ay adagtahay inuu soo dhaafo
    gidaarka qabiilka ah ee kaga gudban codbiyaha.

Badi duruufahaas caqabadda ku ah
dimoqraadiyadda iyo isbeddelka siyaasadeed ayay Somaliland kala
simantahay dalalka saboolka ah ee dunida saddexaad kuwaas oo heerka
aqooneed ee bulshaduna hooseeyo. Inkasta dimoqraadiyadda Somaliland
sida dalalkaas ay halis ugu jirto inay noqoto magac u yaal aan keenin
wax isbeddel ah, haddana rajada jirta ayaa ah in bulshada reer
Somaliland ay arkeen duruufo badan oo isbiirsaday shantii sannadood
ee la soo dhaafay, aadna u taabtay noloshooda dareensiiyayna inaanay
jirin dawlad ay codkooda ku khasaariyaan.

Sababahaas ayaa door wayn ka qaatay in
UDUB si kalsooni leh ugu dhawaaqdo inay ku guulaysan doonto, si kasta
oo ay xukuumadu fadhiid u tahay ama si kasta oo dadweynaha loo
aflagaadeeyo looguna caayo ama jeelasha loogu guro madaxdii dalkan
soo xoraysay ee ay ka mid yihiin Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr.
Gaboose oo aanay jirin dembi ay galeen.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.