Wararka Wargeyska OGAAL, Cadadkii maanta, Axad, 30 Sept.

"Waxa jiray is-bahaysi ka soo horjeeday Wakiillada cusub iyo dareenadii shacbiga"

 Gudoomiyaha Golaha Wakiillada

 

Hargeysa (Ogaal)- "Golaha waxa loo doortay inuu xeerar Ummada u sameeyo, mudadaa uu jirayna waxanu saaray illaa 10-xeer in kastoo caqabado badan uu dhinacyo badan kala kulmay Goluhu dhinicii wada shaqaynta xukuumada iyo Golaha Guurtidaba, hase yeeshee dadaalkii aanu samaynay waxa uu noo suurtageliyay illaa 10-xeer inaanu samayno, xeerarkaas illaa hada 3- ka mid ah ayuu Madaxweynuhu saxeexay. Go’aamo badan oo kale oo intii Golaha la soo doortay shaqaynayay-na way jiraan, wax soo saarka Goluhuna intaa wuu ka badan lahaa hadii uu wada shaqayn toos ah ka helayo xukuumada."  Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiillada md, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo Idaacada Horyaal waraysi uu siiyay kaga   waramay xuska sanad-guuradii labaad ee Golaha Wakiilada la soo doortay waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha ka hor-yimi.

Gudoomiyaha Wakiilladu waxa uu qiray inaan Goluhu u wada gudan waajibaadkii laga filayay. Taasoo uu sabab uga dhigay wada shaqayntii loo baahnaa oo Golihiisu ka waayay Golayaashii dawlada. "Taas waxaan u qabaa  inay ugu wacantahay wada shaqayntii Wakiillada iyo shacbiguba ka filayay xukuumada iyo Golaha Guurtida oo aanaan ka helin" Ayuu yidhi Gudoomiyaha Wakiilladu.

Gudoomiyaha oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyay aragtiyaha aaminsan in Wakiillada la soo doortay ku noqdeen xukuumada caqabad, halkii laga eegayay inay wax soo kordhiyaan waxa uu yidhi. "Ilaa maalintii la soo doortay waxaanu isku daynay inaanu waxii aanu fududayn karayno inaanu fududayno, laakiin waxaad moodaa in is bahaysi si uun uu u jiray lagaga soo horjeeday Golahan Cusubi, taasoo aad moodo inay dhinacyo kale qabaan aragti ka duwan dareenadaa dadweynuhu ay qabaan, "

Gudoomiyaha Wakiillada oo ka hadlaya balanqaadyadii mudanayaashii u tartamay Wakiiladu ay sameeyeen xiligii doorashada iyo aragtiyaha wakhtigan dadka qaar ku saluugeen waxa uu yidhi. "Dadweynahu ma              qaldana, waayo hore umay tijaabin dadkii isa soo sharaxay, laakiin waxay ila tahay imika in dadku kala bartay kii ka runsheegay wixii uu balanqaadayay ee dantooda difaacayay iyo kii aan difaacayn."

Md, Cabdiraxmaan Ciro waxa uu sheegay illaa hada inaanay maqal in Madaxweynuhu ku dhaqmay go’aamadii gudigii dhex-dhexaadintu soo saareen ee dhiniciisa khusaynayay, taasoo uu tilmaamay in fulintooda weli laga sugayo dhinaca xukuumada.

Dhinaca kale shirgudoonka Golaha Wakiiladu warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku hanbalyeeyay dadweynaha, isaga oo tilmaamay in doorashadii Golahani ahayd guul weyn oo shacbigu gaadhay.

 

 

M. Rayaale: "Fuata Nyayo (Aniga igu dayda)"

 

Rayaale: "Wuxuu aaminsan yahay inuu xaq u leeyahay inuu ahaado Madaxweyne inta uu nool yahay"

Qaybtii 2aad:

"Waxa aad u sii daciifaya dhaqaalihii iyo horumarkii dalka, isla markaana ma jirto cid xisaabinaysa xukuumadda talada dalka haysa. Dhamaan waxyaabahaasi waxay ku yimaadeen hadoodilka magaca dimuquraadiyadda, isla markaana isku-day kasta oo lagu bedelayo habkaas ama lagaga soo horjeesto xaaladdahan aan loo dulqaadan karayn, ayaa durabadiiba waxay inta awoodda talada haysaa u rogaan in isku-dayaddaasi ay yihiin kuwo lagu wiiqayo xasiloonida dalka. Sidaa aawadeedna, waxa dadweynihii lagu dhaafaa cod la’aan iyo iyaga oo aan haynin wax hab macne leh ah oo lagaga hadli karo jaah-wareerkan. Waxa intaa ka horaysa in dadku ay qaadaa dhigayaan murugada iyo afla-gaadooyin xun-xun oo ay u jeedinayaan dawladdan aadka ugu dhaw inay u ekaato dawladdii argagaxa lahayd ee guuldaraysatay waqtiyadii la soo dhaafay (nidaamkii Siyaad Barre), isla markaana ma jiro jid lagaga baxayaa xaaladdan u muuqata in aanay suuragal ahayn, iyada oo aan khatar badan la gelinin nabadgelyadii mudada dheer soo taagnayd ee sida adag ku timi.

Su’aasha mar kasta taagani, waa sidee ayay ciddi u keeni karaysaa isbedelka loo baahan yahay, marka aanay dimuquraadiyaddiiba u muuqanin mid shaqaynaysa?

Xikmad qadiimi ahayd, ayaa odhanaysay; Cid kastaaba waxay danaynaysaa horumarka dimuquraadiyada, si ay dadweynuhu aad u laasimaan dimuquraadiyadda; xataa iyada oo aanay jirin dimuquraadiyad muuqata oo shaqaynaysaa. Saadaasha waxa ka dhacaya Somaliland xilligan, iyada oo uu maamulkani awoodda hayo, ayaan u muuqanin in waxa ugu yar laga yidhaahdo. Mashaakilaadkan maanta horteena yaala iyo sida aynu ula tacaalayno arrintani, waxay saamayno cajiib ah ku yeelan doonaan sida ayni ku xalinayno arrimaha adag mustaqbalka soo socda. Tallaabada ugu wanaagsani waa in aynu door-bidno sidii aynu dhamaanteen uga shaqayn lahayn uun wixii yimaadda ee fudud, taasina waa in aynaan waxba samayn, oo aynu rajayno uun wixii ugu wanaagsan. Labadaaba si fudud ayaa loo sameeyaa, balse, haddana labada fikradoodba way khaldan yihiin. Waxaynu dhamaanteen ku xidhiidhin karnaa fikraddan, ama aynu innaga lafteenu ogaan karnaa in mashkilad kasta oo xasaasi ah, oo halkaa (Somaliland) ka jirtaa ay tahay mid fudud, loona heli karo xal ku haboon.

Ujeedada iyo biyo-dhaca:

Saddaam Xuseen wuxuu ahaa hoggaamiye xun, dabadeedna xalkii la fudaydsaday ayaa noqday in Ciraaq la qabsado. Asal ahaan, halka ay ka yimaadeen khilaafaadka haatan taaganina, waxay diirada saarayaan in ay is-qaadan waayeen maamulkiisii mudada dheer soo jiray iyo fikraddii burburka maamulka madaxweynihii awoodda badan lahaa ee nidaamkiisa awooddihiisu aanu sinayn. Hadda, Labada Aqal ee Baarlamaanku (Wakiillada iyo Guurtida Somaliland) way kala qaybsan yihiin, mana awooddaan inay gudbiyaan wax shuruuc cusub ah, hay’addii garsoorka ayaa u taagan wax aan ka badnayn inay fidiyaan awooddaha madaxweynaha (Rayaale), maadaama uu isagu iyagii (xubnaha garsoorka) magacaabayo, isla markaana uu shaqada kaga qaadi karayo rabitaankiisa (ma jirto awood noocaas oo kale ah, oo uu madaxweynaha ?Rayaale’ dastuurku u baneeyay), isla markaana marka la tixgeliyo arrimaha haatan soo baxaya, Mr Rayaale waxa uu qabanayaa shaqo qurux badan oo wanaagsan, isaga oo isku metelaya nin miisaan culus leh, una muuqda mid caadaystay inuu isku sheego nin aan ujeedadiisa waxba laga ogayn, si uu u sababeeyo hoggaamintiisa wanaagsan.  

Ka hor inta aynaan gebogabadan, waa in mid lagu xisaabtamaa, taariikhdiisii (Rayaale) hore iyo xaaladdihii isaga (Rayaale) keenay kursiga awoodda, iyo weliba waxyaabihii uu bartay/ogaaday markii uu kursiga madaxweynenimo fuulay.

Waxa uu soo dhex-jiidhay (Rayaale) dariiq dhaawac badan lahaa, kaasoo keenay meel uu kala mid noqdo Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi, oo hal-ku-dhegiisu ahaa, "Fuata Nyayo, " taas oo macneheedu yahay, "Aniga igu dayda." Mr Rayaale, sidii Arap Moi, waxa uu yimi markii loo soo xushay jagada madaxweyne-ku-xigeennimo, sababta oo ah labada ninba (Rayaale iyo Arap Moi) waxay u arkayeen labadoodii Madaxweyne inay saamayntoodu khafiif tahay, ama aanay wax cabsi ah ku haynin inay kula tartamaan kuraastoodii awooddaha madaxweynenimo. Labada ninba, waxay awoodda madaxweynenimo yimaadeen, ka dib markii ay hoggaamiyeyaashoodii ka baaxadda badnaa oo uu mid kastaaba si balaadhan ugu muuqday ?hoggaamiyaha inta uu nool yahay, (Cigaal iyo Kenyatta)’ geeriyoodeen. Labadooduba (Rayaale iyo Moi) waxay dhaxleen baaxadda dhamaan awooddihii looga dhintay. Mr Arap Moi, waxa uu awood u helay inuu hoggaanka u hayo dalka Kenya muddo 24 sannadood ahayd! Haddaba, haddii uu doonayo Mr Rayaale inuu noqdo mid taas oo kale ku guulaysta, waxa taas ka taagan calaamad su’aal wayn! Hase ahaatee, had iyo jeer wuxuu ahaa nin aanay ciddina qiyaasin, waana taas tii ugu wacnayd inuu isagu (Rayaale) sidaa ku soo socdo, sababta oo ah, wuxuu aad ugu wanaagsan yahay ka-faa’iidaysiga fursaddihiisa marka ay iyagu (mucaaradka) u soo jeediyaan, isla markaana waxa muhiimad aad ah leh, inuu aaminsan yahay inuu xaq u leeyahay inuu ahaado ?Madaxweyne inta uu nool yahay.’" 

 

 

Iska hor imaad dhimasho keenay oo ka dhacay Degaanka Degmada Taleex.

Taleex (Ogaal)-Deegaan ka mid ah Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa gelinkii danbe ee Jimcihii aynu soo dhaafay waxa ka dhacay dagaal, la sheegay in ay fooda isku dareen dad Xoola dhaqato ah oo wada degan deegaankaasi.

Sida uu ku soo waramay Cabdisamad Maxamuud oo ah Suxufi ku sugan magaalada Laascaanood, dhibaatada dagaalkan ayaa dhalatay dhul daaq-simeed.

Shaqaaqadan oo la sheegay inay isaga hor yimaadeen labada beelood ee kala degan Degmada Taleex ee Gobolka Sool iyo Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa la sheegayaa in ay ugu yaraan ku geeriyoodeen laba ruux, dhawr qof oo kalana waxa warku sheegay in dhinacyadu kalla qafaasheen, in kasta oo wararka qaar tibaaxayaan in dhimashada dadku u badan tahay dhinac.

 Ilaa hadda ma jirto, sida wararku sheegayaan cid ka gashay arintan waanwaan iyo dhex-dhexaadin labada dhinac la’isugu soo dhawaynayo.

Warar kale ayaa muujinaya in iska hor imaadkani ka dhashay, koox dhuxulaysato ah iyo dad xoolo dhaqato ah oo ka soo horjeeda in la jaro dhirta, ilaa hada ma jiraan warar madax-baanaan intaas dhaafsan oo arrintan la xidhiidhaa.

 

 

"Xooluhu Sucuudiga kama xidh-nee halkan (Somaliland) ayay ka xidhanyihiin" Xildhibaan Xaashi

Hargeysa (Ogaal)- Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi, oo ah ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku dooday in Somaliland ka aradantahay arrimaha dibada. Islamarkaana ay adagtahay sida xukuumada Somaliland ugu guulaysato furitaanka dhoofka xoolaha.

Xildhibaan Xaashi oo dhawaan ka soo laabtay dalka Sucuudiga waxa uu sheegay in aragti ahaan uu aaminsanyahay in xidhiidhka dibada Somaliland ay kaga wanaagsanyihiin maamulada ka jira Somaliya. Xildhibaanku sidaa waxa uu ku sheegay Xarunta Golaha Wakiilada mar shalay Saxaafadu wax ka waydiisay safarkiisii.  Waxaanu sheegay Xildhibaan Xaashi in dadka reer Somaliland ee Sucuudiga joogaa walaac weyn ka qabaan halka xaalada dalku marayso. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi "Dadka reer Sucuudi Arebiya walaac wayn baa ka haya dalka waxyaalahan ka dhacaya, oo iyagu waxay jeceliyihiin in Golayaashu islla jaan-qaadaan, mana jecla in mar walba muran, qaylo iyo buuq lagu jiro." Ayuu yidhi Xildhibaanku waxana uu intaa ku daray. "Xaga Xoolaha runtii nimankaasi (Suciidigu) wakhtigan xaadirka ah inay xoolaha inoo furan Somaliland ahaan niman u diyaara maaha. Qoladan aynu walaalaha nanahay ee Somaliya meesha way yimaadaan oo nimankaasi ayay badanaaba is arkaan Madaxda Sucuudiga, qoladaasaanay ka wada hallaan. Inagu badanaaba xagaa dibada waynu ka aradanahay, oo waxaabad moodaa meelahaasi  in aynu iskaba xidhnay oo aynaan isku dayin inaynu dad ku yeelano ama ka shaqayno amaba olele u galno, waa meelaha aynaan isku dayin, ….Dhibaatada ina haysata ee kalle waxa weeye, horta inagu markaynu iscitiraafno ama Xoolaheena aynu inagu isu furro ayaa xagaana aynu ka hadli karaa. Xooluhu halkan bay ka xidhan yihiin, oo dalka ayay ka xidhan yihiin, oo maanta Somaliland wax Xoolo ah oo xagaa ka tagaa ma jiro in yar oo aan macno lahayn oo Berbera laga diro mooyaane, Tijaarteeni oo dhami Boosaaso ayay u wareegtay"

Xildhibaanku waxa uu eedayn u jeediyay talaabada loogu xidhay xoolaha ganacsade Al-Jabiri, kaasoo uu sheegay inuu ula muuqdo nin ka baxay heshiiskii, waxana uu ku taliyay in xoolaha loo fasoxo ganacsatada.

Mar la sii waydiiyay Su’aal ahayd sababta Somaliyana xidhiidh ula leedahay Sucuudiga, Somaliland-na uga araday waxa uu ku jawaabay "Wallaahi dee horta nimankani inama Ictiraafsana, inaguna kama hawlgalo, oo waxa weeye hadii aynu mar walba isku taxalujinayno natiijada ayuunbaynu gaadhi lahayn, cid uma diro Saaxiibo kama samaysano meesha (Sucuudiga). Markaa dee halkaas ayuun baynu iska fadhinaa oo illaahay ku baryaynaa." Mar la waydiiyay in uu Xildhibaanku iftiimo xanibaada uu sheegay in ay dalka gudihiisa ka jirto ee xaga Xoolaha iyo cida ka dambeysa xanibaadaasi. waxa uu ku jawaabay "Waxaan ula jeedaa anigu ashqaas soo hadal qaadi mayo Madaxweyne iyo Wasiir toona soo hadal qaadi maayo. Laakiin waaqiciga-yaala waxa weeye maanta xoolihii tijaarteenii way ka xidhan yihiin oo Boosaaso ayay ka diraan iyaga oo dalkooda jooga, warkuna waa iska cadyahay oo Maamulka ayaa leh sababta."

 

 

 

 

 

"KULMIYE sidaa UDUB ma huursana"

 

"Xildhibaan Golihii uu ka tirsanaa caayayaa waa inuu is casilo"

 

 "Xukuummaddu ha caddayso qorshaha ay ka leedahay xaaladda Dagaal ee Gobolka Sool"

Xildhibaan Maxamed X. Yuusuf (Waabeeye)

 

Hargeysa (Ogaal)- "Horta waa ayaan darro Xildhibaan Golihii uu ka tirsanaa caayaya, waxaana haboon in uu is casilo, oo haduu isagu u arkay in Golahani khaldan yahay inta uu is-casilo in uu dhaliilo, isaga oo Golihii ka tirsan ayuu hadana Golihii dhaliilayaa, waa ayaan darro, waana mushkilada iyo faraqa inta badan noo dhexeeya anaga iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbiga UDUB qaarkood, inkastoo ay rag wanaagsani ku jiraan." Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyey) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, oo shalay xarunta Golaha Wakiilada ugu waramayey weriye ka tirsan wargeyska Ogaal.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf oo wax laga weydiiyay ugu horayn xaalada wadanku marayo waxa uu ku jawaabay, "Waxa jira marxalado cusub, sida arrinta Laas-caanood inagaga soo korodhay, go’aamadii ay soo saareen Guddidii dhex-dhexaadinta khilaafaadka Golayaasha Qaranka, oo  la ogaa sidii ay ku dambeeyeen. Wax kaloo muuqata in Wadanka imika xaalad dagaal ka aloosan-yahay, sida Gobolka Sool. Markaa, waxa wanaagsanaan lahayd in ay Xukuumadu cadayso istaraatiijiyada cusub ee ay ka lee-dahay xaaladaa dagaal. Waayo, dadka badankiisu lama wada socdo mashaqada ka jirta Sool iyo wararkeeda. Ta kale waxa iyaduna xusid mudan in Masuuliyiintii Qaran ay weli ku jiraan Jeelka, iyaga oo qayb ka ahaa go’aanadii Guddida dhex-dhexaadintu soo saareen" Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Arrintaasina waxa ay u muujinaysaa dad badan oo uu markii hore muhmal kaga jiray, waxan soconaya cidda masuuliyadeeda leh, cidda wax diidan iyo ka in ay wax hagaagaan oo dalkani horumar gaadho doonaya, ayey kala saartay." Ayuu yidhi isaga oo Madaxweyne Rayale iyo Xukuumadiisa ku tilmaamay mid mar-marsiinyo uun raadinaysa oo aan daacad ka ahayn in wax hagaagaan. "Madaxweynaha ayaa isbedel sameeyey, taasina way iska cadahay. Midina way jirtaayoo cafiska Madaxweynaha ayaa leh, haduu cafinayo isaga ayey u taalaa, maynaan arag Maxbuus soo qorta Cafis. Waynu aragnayoo Tuugta iyo dadka xidhanba waa la soo daayaa, marka Madaxweynuhu cafis u sameeyo. Laakiin dadkaasi meel ay ugu soo qortaan cafis ma jirto. Markaa mar-mar siiyo ayuun bay Xukuumadu ka dhigaynaysaa iyo Madaxweynuhu. Balse markii hore way isla af-garteen Guddida dhex-dhexaadinta, sidii ay inoo sheegeen markii hore. Laakiin Madaxweynuhu waxa uu is bedalay, markii ay Golaha Wakiiladu go’aankii gaadheen, oo aad moodaysay in uu danaynaayey labadii qof ee hore ee Komishanka ka hadhay. Taas ayaana isbedelka Madaxweynaha keentay."

Xildhibaan Waabeeyo waxa kale oo la waydiiyay jawaabta ay xildhibaano ahaan ka bixinayaan eedayn uu mudanayaal Golaha ka tirsan uu u jeediyay xildhibaan Mataan Hoori kuwaasoo uu sheegay inay xidhiidh la leeyihiin shisheeye, in kasta oo aanu magacaabin. "Horta waa ayaan darro Xildhibaan Golihii uu ka tirsanaa caayaya, waxaana haboon in uu is casilo, oo haduu isagu u arkay in Golahani khaldan yahay inta uu is-casilo in uu dhaliilo, isaga oo Golihii ka tirsan ayuu hadana Golihii dhaliilayaa, waa ayaan darro, waana mushkilada iyo faraqa inta badan noo dhexeeya anaga iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbiga UDUB qaarkood, inkastoo ay rag wanaagsani ay ku jiraan. Laakiin qaarkood ayaa waxa ay u arkaan tallaabo kasta oo Xukuumadu keentaa in ay sax tahay, oo aan lagaba doodi Karin, sidaan dareemayana mudanahaasi waa kuwa afkaartaa qaba. Waana ayaan darro in uu Golahii dhamaa Maxaakiim ku tilmaamo, Golaha arrintaa waan ka xaalsinaynaa. Shirgudoonkana waxa doortay Xildhibaanada, Xeerbaana lagu ridi karaa, hadii ay la yimaadaan shuruudaha lagu ridi karo waa waxa caadiya oo waa la ridi karaa. Laakiin qofku in uu ku saleeyo Shirgudoonka Golaha, oo runtii go’aan wanaagsan qaata, in lagu dhaleeceeyo uun waxa uu diidaa wixii Xukuumada, waa mashkilad, xilkana waxa looga qaadi karaa sifo sharci ah. Shirgudoonkuna maaha mushkilad iyo caqabad hortaagan Golaha Wakiilada, wixii Golahaasi la yimaado ayuun-bay gudoomiyaan ee wax kaloo dheeraad ah oo ay meel kala yimaadaan ma jiro." Sidaa ayuu yidhi,

Mar la sii waydiiyay aragtidiisa ku wajahan xaaladaha ka dhex-jira gudaha xisbiga KULMIYE oo uu ka mid ahaa xildhibaanadii ka soo baxay, iyo eedayntii ka soo yeedhay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hargeysa waxana uu yidhi, "Horta, runtii Cismaan Hindi nin saaxiibkay ah ayuu ahaa laba nin oo xisbiga ka wada tirsana waanu ahayn. Laakiin waxa aad moodaa in uu si kale wax u arkay, waxaana aan u arkaa, hadii uu qofka is-barbardhigu ka khaldamo waa mushkilad, waxaana ay u egtahay in KULMIYE maanta guulaysanayo. Waxa jiray 1990-kii markii dawladii Siyaad Bare sii dhacaysay dad Xamar tegay, oo hadana Hargeysa soo galay ayaa jiray, in yar ka dibna dadkii waxa ay noqdeen dad ay SNM ugu soo gashay, oo ay ka khaldanayd in nidaamkaasi sii soconayo. Markaa waxa aan isleeyahay Cismaan waxa iskaga qaldan in aanu imika qiyaasin in nidaamkani uu yahay mid sii soconaya iyo in kale. Xisbigana waxa ka dhex socdaa waa dimuqraadiyad, oo dee maaha tacsi looma fadhiyin, oo sidaa UDUB ma huursanin. Waxaa socdaana waxa weeyaan shirweynihii ayaanu qabsanaynaa, oo aanu ku hawlahanay, waxaasina waa wax ay iska leeyihiin Axsaabtu, waxaana ay muujinaysaa in xor layahay KULMIYE, oo qofkastaa booska uu doono isku sharaxayo, in Qofkastaa uu afkaartiisa soo jeedin karo iyo in qofkastaa uu dhaq-dhaqaaq siyaadeed oo xor ah samayn karo. Laakiin dee meeshu haday aamusnaato sida Xisbiga talada haya, dee waxa aad moodaa in ay tahay tii Shuuciyada oo kale, sida UDUB oo kale."

 

 

"Madaxda kastammada ayaan xil iska saarin soo xeraynta  dakhliga, kala danbayntiina meeshay ka baxday, Boliskuna wuu liitaa"

Xisaabiyaha Gobolka Sanaag

 

"Ma dhici karto in aannu sii deyno cid cashuur dawladeed lagu leeyahay..Hay’adaha dakhli ururinta waqti kastaba waxaanu nidhaahnaa noo soo gudbiya dhibaatooyinka idinka hor taagan gudashada shaqadiinna" Taliyaha qaybta boliska Ceerigaabo

                                                                            

Ceerigaabo (Ogaal)- Xisaabiyaha gobolka Sanaag Faadumo Xuseen (Aganje) oo maalintii Sabtida Weriyaha Ogaal ee gobolka Sanaag Mr-Darwiish ku booqday xafiiskeeda xisaabaadka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa si weyn uga dayrisay guud ahaanba xaaladda dhaqaale iyo dakhliga gobolka Sanaag, gaar ahaanna saddexdii bilood ee ugu danbeeyey oo xisaabiyuhu sheegtay in xaaladdu faraha ka baxday. Islamarkaana aanay jirin wax dakhli ah oo soo xerooday.

arrimahan waxa xisaabiyahu dhalliishooda dusha u saartay maammulaha kastammada Gobolka Sanaag oo ay ku eedaysay in aanu xil iska saarin shaqada kastammada, iyo sidoo kale ciidanka boliiska oo ay sheegtay in aanay wax weyn ka tarin sidii dakhliga xukuumaddu usoo xeroon lahaa halka mararka qaarkoodna sida xisaabiyahani sheegtay boliisku ay sii daayaan haddii lasoo qabto gaadiidka ama cidda laga rabo dakhliga iyo cashuuraadka dawladda dhexe ee ku waajibtey. Waxa kale oo ay xisaabiyahani iyagana dhalliisha qayb ku leh ayay tidhi madaxda sare ee maammulka gobolka Sanaag iyo wasaarada Maaliyada oo ay sheegtay in ay gaadhsiisey warbixinta dakhli la’aaneed ee soo waajahdey gobolka Sanaag, haseyeeshee ayay tidhi aan iyaguna wax talaabo ah qaadin. "Saddexdii bilood ee ugu danbeeyey ma jiro guud ahaanba wax dakhli soo xerooday marka laga reebo gaadiidka Puntland ka yimaadda oo laanta kastamka Ceerigaabo ay waxoogey fara guudkood ah ka qaaddo". Sidaas ayay tidhi xisaabiyaha Gobolka Sanaag, waxana ay intaa ku dartay "Iyadoo kastammada xeebaha yaryar ee gobolka ay jiraan xoolo iyo waxyaabo kale oo ka dhoofa ama  badeecado kala geddisan oo lagasoo dejiyaa haddana, muddo saddex sano ah ma jirto wax dakhli ah oo kasoo xerooday habayaraatee taas oo ay sabab u tahay maammul-xumada ka timid xagga madaxa kastammada ee gobolka Sanaag".

Xisaabiyaha Gobolka Sanaag waxa kale oo ay ka warbixisay madaarada Ceerigaabo."Madaarka Ceerigaabo oo marka horeba ay ku baaqato in ka badan 10 dakhli ayaa haddana tan keliya ee sida joogtada ah uga soo baxda oo ah cashuurta jaadka waxa muddo 3 bilood ah suuqa kula jira qaar kamid ah shaqaalaha kastamka kuwaas oo iyagu u samaynaya sababo aan caqliga geli Karin".

Xisaabiyaha oo ka jawaabaya su’aal kusaabsanayd waxyaabaha sababta u ah ama cidda leh eedda la xidhiidha soo xerood la’aanta dakhliga xukuumadda ayaa tidhi "Arrimahaas sababaha ugu weyn waxa la odhan karaa tan hore madaxa kastammada ee gobolka Sanaag oo aan wax xil ah iska saarin dabagalka shaqaalaha iyo soo xeraynta ama qabashada dakhliga dawladda dhexe isagoo inta badan aan xafiiskaba imanayn, waxana meesha ka baxday kala danbayntii shaqaalaha. Tan labaadna boliiska oo kaalin weyn ku leh dabagalka iyo soo xeraynta dakhliga ayaa xagga waxqabadkoodu yahay mid aad u liita".

Dhinaca kalena taliyaha qaybta boliiska (Cabdi-dheere) oo saxaafaddu weydiisey dhalliisha dhinaca dakhliga ee xisaabiyaha gobolku usoo jeedisey ayaa isaguna dhiniciisa waxba kama jiraan ku sheegay eedayntaas, waxana uu yidhi "Boliis ahaan waxannu amar ku bixinnaa wixii dakhli dawladeed lagu leeyahay in lasoo qabto mana sii deyn mana dhici karto in aannu sii deyno cid cashuur dawladeed lagu leeyahay". Waxana uu intaa ku daray oo uu yidhi, "Hay’adaha dakhli ururinta waqti kastaba waxaanu nidhaahnaa noo soo gudbiya dhibaatooyinka idinka hor taagan gudashada shaqadiinna marka ay noo soo gudbiyaanna waannu kula shaqaynaa".

Source: Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.