DAYMADA WARGEYSKA: Ina Saleebaan-weynow Waad noo Dhinnayd Show!

DAYMADA WARGEYSKA: Ina Saleebaan-weynow Waad noo Dhinnayd Show!

Qaran kastaa wuxuu leeyahay waxyaabo lama taabtaan ah oo uu ku dhaato qof kastoo ka tirsan ay waajib ku tahay inuu tixgaliyo sida taariikhaha halganka iyo munaasibadaha qaddiyadahooda ka turjumaya. Sidoo kalena qof kasta oo ka mid ahi (mucaarid iyo muxaafidba) uu qadariyo oo aanay ka suurtoobin inuu tilmaamo iyo sifooyin xun-xun ka bixiyo amaba uu ceebeeyo qayb ka mid taariikhaha la xidhiidha halgannadooda.

Tusaale ahaan TPLF iyo ANC oo ahaa jabhadihii sannooyinka badan u soo dagaallamayey waddamada Itoobiya iyo Koonfurta Afrika, haddana iyagu ka taliya dalalkaas, kadib markay ku guulaysteen hadafyadii ay ka lahaayeen dhaqdhaqaaqadoodii halgan, iyada oo aanay marnaba dhicin in masuul ka tirsan jabhadahaas ama cid kale dhaleecayn u jeediyaan taariikhdii halgamadooda.

Iyada oo ay sidaa u caddahay karaamada iyo qadarinta ummadaha dunidu u hayaan qaddiyadaha guud ee ay wadaagaan, haddana waxaa baryahan danbe dalka Somaliland ku soo badanayey shakhsiyaad iyagu caado ka dhigtay cayda iyo ceebaynta taariikhda ummaddani halgankii u soo martay madaxbannaanida aynu maanta ku fadhino. Inkasta oo ay shakhsiyaadkaasi yihiin kuwa aan iyagu taariikh ku lahayn halgankii ummaddani soo martay, balse haddana nasiib u helay inay calfadaan midhihii halgankaa qadhaadh ka dhashay.

Haddii aynu tusaale kooban ka soo qaadano qaar ka mid ah dhacdooyinkaas murugada leh; waxa xusid mudan shir-jaraa’id oo Wasiirka Washadaha Somaliland, Md. Maxamed Saleebaan Maxamed uu Khamiistii la soo dhaafay ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga talada haya UDUB oo uu kaga qaybgalay xaflad xil-wareejin ah oo loo sameeyey masuuliyiin cusub oo xisbigu u magacaabay Gobolka Hargeysa.

Inkasta oo hadallada wasiirku aanay lahayn mid mid dhaama marka la isku celceliyo, balse haddii aynu tilmaan kooban ka soo qaadano waxa uu yidhi; "1991-kii dawladdii Faqashta ee dalkan ka talin jirtay iyo madaxdii SNM ee siyaasiyiinta ahaa isku maalin baa dalkan laga xoreeyey…. Taariikhda haddaan siday tahay loo odhan oo aynu u xambaarino ilmo xaaraan ah meel baynu ka dhacaynaa oo waynu gefaynaa…. SNM Walaalkaygii hooyaday labadayada oo qudha dhashay wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee SNM ku dhinta, Habar-jeclana uma dagaallamayn, Somaliland-na uma dagaallamayn ee Balli-cabbane…. Ninka maanta iigu yeedha tola’ayeey haa oo Isaaq baan ahay oo Habar-jeclaan ahay…. Haddii Waraabe adhi u soo dhaco oo uu neef qaato oo uu haraggii neefka gashado oo adhigii dib ugu soo noqdo oo uu dhex fadhiisto ma bahal baa, mise waa neef adhi ah?"

Sida ku cad hadalladiisa, waxa uu wasiirku sheegay in madaxdii siyaasadeed ee hoggaaminayey ururkii SNM iyo Faqashtii daba-dhilifta u ahayd kelidii-taliyihii Siyaad Barre ay isu maqaam taagnaayeen. Haddaba, marka uu sidaa u cadyahay hadalka wasiirku waxa isweydiin mudan ma aragti shakhsiyadeed oo isaga u gaar ah baa, mise waa mid ay la wadaagaan xubnaha kale ee xukuumadda uu ka tirsan yahay oo waa arrin ujeeddo fog ka dambayso?

Haddii ay tahay fikrad u gaar ah oo wasiirka ku kooban, bal aynu iswaydiino faa’iidada shakhsiyadeed iyo ta guud ee ugu jirta xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo saamaynta siyaasadeed ee hadalladani ku yeelan karaan masiirka ummadda.

Haddii aynu ku horreyno faa’iidada wasiirka ugu jirta hadalkan; kow horta waxa isweydiin mudan Maxamed Saleebaan-weyne masuul xukuumadeed ma noqon lahaa haddii aanay SNM jiri lahayn, mase ahaa? Jawaabtu waa maya. Haddii uu weli dalka ka jiri lahaa kelidii-teliyihii Siyaad Barre sida uu hadda u hadlayo arrimaha siyaasadda ma uga hadli lahaa, taasina waa maya.

Haddaba, waxa cad oo aan shaki ku jirin in faa’iidada uu ku helayo wasiirku gefka intaa le’eg ee uu ka gelayo taariikhdii ummaddani lahayd aanay ka taganayn ujeeddo gaaban iyo damac shaqsi oo aan dhaafsiisnayn xilka wasiirnimo magac-u-yaalka ah ee uu hayo, kaas oo isleeyahay sida keliya ee aad ku haysan kartaa waa adiga oo SNM taariikhdeedii wax ka sheega si uu markaa raalli kaaga noqdo masuulka xilka u magacaabay.

Inkasta oo wasiirku ka soo jeedo qoys magac weyn ku leh halganka Somaliland oo uu wallaalkiina ahaa sarkaalkii ugu horreeyey ee SNM ka shahiiday oo ay xaaraan tahay in la dhaleeceeyo halgankii dalka lagu xoreeyey ee ay wallaalkii iyo kumanyaal kale oo geesiyaal ahi u shahiideen, kamana mudna bil Ramadaan inuu luxudka inta dhimatay iyo baaqiga ka sii nool aflagaadeeyo, waxana muuqata guushii SNM 17 sannadood kadib inuu shahrul-cibaado calool-xumo shacbigii uu wasiirka u ahaa ugu bushaareeyo. Waxa kale oo hadallada wasiirku markhaati u yihiin in haddii waqtigii halganku socday uu dalka joogi lahaa in aannu ka fogaadeen kuwii boqno-jari jiray dadkooda iyo dalkoodaba ee nacabka u adeegi jiray.

Si kale marka aynu ka jalleecno maaha wax ku cusub maamulka xukuumadda Rayaale dhaleecaynta halyeyadii naftooda u huray xorriyadda ay maanta ku hoggaaminayaan talada dalka, tallaabadaas oo qasriga Madaxtooyada si weyn loogaga farxo, isla markaana shaqsiyaadka ku dhawaaqaa dallacsiin ku helaan hadba siday ugu kala aflegaado badan yihiin halgamayaashii SNM, waxana arrimahaas daliil u ah sida aannu mar qudha Madaxweyne Rayaale tallaabo uga qaadin masuuliyiinta xukuumaddiisa ee aflegaadooyinka ku kaca. Iyada oo dhinaca kalena taasi daboolka ka qaadayso lexejeclo-darrada Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ka haysa halganka ay midhihiisa daaqayaan. Sidaa darteed, waxaan shaki ku jirin in cayda iyo ceebaynta halgankii aannu waxba ka beddelayn shucuurtan shacbiga Somaliland oo ay ka soo gudbeen wakhtigii mugdiga iyo marin-habaabinta ahaa.

Jamhuuriya Online

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.