Ambassadorkii Somaliland U Fadhiyey Ethiopia Oo Ku Biiray Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Somaliland.Org) Danjirahii Somaliland u fadhiyey dalka Ethiopia Mudane Yuusuf Jaamac Buraale ayaa shaaca ka qaaday inuu ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.  Danjire Yuusuf Jaamac Buraale oo ah diplomaasi miisan culus leh, isla markaana xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadii Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan-Tuur), waxa uu sadexdii sanadood  ee ugu danbaysay ahaa danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.
 
Warsaxaafadeed uu soo saaray danjire Yuusuf Jaamac waxa uu u dhignaa sidatan:
 
"Waxaannu dhammaan warbaahinta madaxabannaan la socodsiinayaa in aan dhawaan ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo aan muddo ku dhaw saddex sanno ka ahaa madaxa xafiiska xidhiidhka Somaliland, iyadoo haatan shaqadaasi ii soo dhammaatay.

Ugu horreyn, waxaan fursadda war-saxaafadeedkan uga faa’iidaysanayaa in aan u mahadnaqo dawladda iyo shacbiga Itoobiya oo uu innaga dhexeeyo xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo oo ku salaysan derisnimo iyo taariikh dheer ee mandaqadda Geeska Afrika iyo weliba innagoo leh iskaashi joogto ah oo ku lug leh dhinacyo badan oo kala duwan.

Mar labaad waxaan idiinka socodsiinayaa anigoo ka fii’iidaysanaya xog-ogaalnimadayda siyaasadeed ee dibedda iyo gudaba iyo wacdiga innagu xeeran xilligan iyo sidii looga sabato bixi lahaa, loona xaqiijin lahaa geedi-socodka siyaasadeed iyo hadafka ay ummaddani higsanayso, ayaan qaran ee markaan daraasad dheer ku sameeyey barnaamijyada hoggaamineed ee saddexda xisbi hadda jira, waxaan ku qancay inuu yahay xisbiga ugu dhaw ee fulin kara ujeeddooyinka ay ummaddani higsanayso, haddii loo igmado hoggaaminta dalka xisbiga KULMIYE.

Sidaa darteed waxaan halkan ku caddaynayaa oo aan go’aansadey si aan u guto waajibkayga muwaadinino ee ila gudboon in aan ku biirey xisbiga KULMIYE laga bilaabo manta".

 
Waxa la filayaa in Danjire Yuusuf uu dhowaan shir jaraa’id qaban doono, haddii Eebo idmo, kaasoo uu kaga hadli doono go’aankiisa siyaasaded iyo arrimo kale.
 
Somaliland.Org
Hargeysa

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.