Faysal Cali Waraabe Iyo Siyaasiyiinta Ururka Qaran Ee Xidhan Oo Isku Horfadhiistay Dood Iyo Garnaqsi

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah Md. Faysal Cali Waraabe iyo hoggaamiyayaasha urur siyaasadeedka QARAN ee ku jira xabsiga Mandheera Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibrahim, ayaa shalay gudaha xabsiga Mandheera ku yeeshay kulan door iyo garnqsi ah, ka dib markii uu guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hoggaaminayaa ku booqdeen xabsigaas….

Weftigaas guddoomiyaha UCID oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Xildhibaan Yuusuf Maxamuud Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga, waxa la socday oo safarkooda ku weheliyay Kamaal Axmed Cali oo ah Saxafi ka tirsan Geeska Afrika, waxaanu ka diyaariyay warbixintan:
“Abaaro sagaalkii subaxnimo ee Jimcihii shalay ayaanu ka baxnay magaalada Hargeysa, annaga oo u sii jeednay xabsiga Mandheera oo qiyaas ahaan 75km dhinaca bari ka xiga magaalada Hargeysa. Weftigaas oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, waxa ay ku safreen laba baabuur oo ah nooca loo yaqaan Land Cruisers.
Waxaanu sii dhex jibaaxnay jidka dheer ee Berbera iyo Hargeysa u dhexeeya oo ay dhinacyadiisa ku teedsanaayeen deegaano barwaaqo ah, waxaanan Mandheera gaadhnay abaaro 11:00 barqanimo. Waxa na qaabilay taliye ku xigeenka Xabsiga Mandheera oo markii dambe noo gudbiyay Taliyaha xabsiga Mandheera Ciise Muuse, oo nagu qaabilay dareen degen. Taliyuhu wuxuu fadhiyay xafiiskiisa oo ay markaas nagu sii sugayeen siyaasiyiinta qaran ee xidhan oo kala ah Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Md. Jamaal Caydiid Ibraahim. Inkasta oo xisbiga UCID iyo siyaasiyiinta QARAN ee xidhan la odhan karo isumay calool xaadhnayn, haddana waxa ay isku qaabileen salaan gacaltooyo oo soo dhawayni ka muuqatay. Bilowgiiba waxa soo if baxay in labada dhinac kala maagayaan. Qoloba qolada kale ayay la sugtay inay hadalka bilowdo, qadar koobana sheekadu waxay dhaafi weyday ?Bal Warama iyo Waa Nabadee bal warama.’ Intaasna waxa labada dhinac kulankooda goob joog ka ahaa Taliyaha xabsiga Mandheera oo mararka qaarkood sheekada soo dhex galayay, waxaana ka muuqatay in wax laga bedelay nidaamkii booqasho iyo kulan ee xabsiga. Tusaale ahaan intii uu xabsiga joogay taliyihii hore ee xilka laga qaaday, waxa siyaasiyiinta lagula kulmi jiray barxadda weyn ee xabsiga, halka imika lagula kulmo gudaha xafiiska Taliyaha.
Waxa sheekadii bilaabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmo oo ku bilaabay su’aalo toos ah oo uu ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee dalka, “Annaga war ayuun baa lanoo keenaa ee bal warama oo Laascaanood ka warama” ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaana su’aashaas u baxay guddoomiye ku xigeenka UCID Md. Aadan Waqaf oo siyaasiyiinta siiyay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladihii u dambeeyay ee deegaankada Jiidda hore ee Laascaanood iyo wararkii u dambeeyay ee xaaladaha dalka. “Waar Nimanyahoow, waa sidaad sheegteen oo warar badan ayaa la idiin keenaa, jaraa’idkuna wax badan ayay qoraan, annaguna (UCID) ma nihin niman xantooda moog, laakiin wixii jiraa way soo bixi oo wax badan waxaynu u dhigan doonaa soo bixitaankiina.” Ayuu yidhi Md. Waqaf oo la hadlayay siyaasiyiinta QARAN.
Markii uu Waqaf intaas yidhi, waxa hadalka la wareegay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ku bilaabay weedho u muuqday inuu ku dhaliilayo mawqifkii xisbiga UCID ka istaagay xadhigooda, “Muwaadin kastaa wuu geli karaa dambi, annaguna maanaan idinka doonayn inaad naga difaacdaan dambi la nagu soo oogay, balse waxaanu idinka filaynay maadaama oo aad calankiina ku dhigateen Miisaan ka turjumaya cadaalad magaciinana aad ku darteen cadaaladda, inaad ka hadashaan nidaamkii loo maray xadhigayaga. Ninkii waaranka noo qoray ayaa xabsigana noo soo raacay islamarkaana na xukumay. Xaggee ayay taas oo kale ka dhacday dunida?” Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal ayaa ka jawaabay su’aashaas oo yidhi, “Awooddaas xitaa Geelle ayaan lahayn” (Isaga oo u jeeda guddoomiyihii Maxkamadda Badbaadada ee dawladdii Siyaad Barre) Ayuu yidhi, kadib waxa hadalkii sii watay Dr. Gabboose “Shan iyo toban maalmood ayaanu baryaynay inaanu la kulano qareenadayada iyo xiitaa xaasaskayaga oo la noo diidanaa. Markaas taas ayaanu rabnay inaad ka hadashaan iyo guud ahaan tacadiyada loo gaysanayo dadka. Tusaale ahaan dadka ku jira xabsigan 80% waxay u xidhanyihiin guddiga nabadgelyada mana xukuna, waa inaad taas oo kale ka hadashaan.”
Garnaqsigaas Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa ka jawaabay Md. Faysal Cali Waraabe oo yidhi, “Dadkeenu waa dad nidaamka neceb, Dimuqraadiyada aynu qaadanayna uma tababarnin. Markaas waxaynu u baahanahay inaynu ilaashano nabadgelyada. Markii aad arrinta ururkiina bilaabayseen waxay ahayd inaad marisaan wadada sharciga ah oo aad maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta tidhaahdaan waxaanu rabnaa urur ee guddigii diiwaangelinta hala bilaabo.”? Jawaabtaas Faysal Cali Waraabe waxa markiiba ka jawaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo sheegay inay Maxkamadda sare, xeer ilaalinta, shirguddoonka golaha wakiilada iyo hay’ado kaleba siiyeen waraaqo ay ku cadaynayaan inay rabaan furashada urur siyaasadeed, kuwaas oo aan dhammaantood ka soo jawaabin, marka laga reebo guddoomiyaha Maxkamadda sare oo uu sheegay inuu ku dooday inaanay arrinta furashada ururadu isaga khusayn, “Wuxuu nagu yidhi u geeya kuwan wakiilada ee ka dooda xeerar hala dhaqan geliyo iyo arrimahasa.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaana arrintaas uga markhaati kacay Md. Waqaf oo tilmaamay inaanu guddoomiyaha Maxkamadda sare lahayn wax awood ah, waxaanu tusaale u soo qaatay arrintii ansixinta koomishanka oo ay labada xisbi mucaarad ula tageen.
Md. Faysal Cali Waraabe, oo mar kale hadalka ku soo noqday ayaa yidhi, “Khaladaad wey jiraan, laakiin in khalad lagu saxo khalad ka weyn maaha. Waa run in loo baahanyahay in maamulkan hadda la bedelo, laakiin waa inaynu u marnaa sifo sharci ah oo aynu ka wada shaqaynaa sidii doorashooyinku inoogu qabsoomi lahaayeen. Haddii xilligii halgankii hubaysnaa la bilaabayay la saadaalin lahaa inaynu 16 sanno ka dib sidan qudhun u ahaanayno dagaalkaba lama galeen. Waxaynu u baahanahay inaynu ka korno qabyaaladda oo aynu ku shaqayno nidaamkan asxaabta ah. Beri dhawayd oo aan Borama tagay ayaa nin reer Borama ahi wuxuu igu yidhi ?Waar markaanu maqalno ninkan Gaboose ee leh qoladayada habaryoonis halka aanu raadka dhigno ayaa laga baqdaa, ayaanu is nidhaahnaa waar nimankan hanjabaya iskaga taga oo qoladaas Imbigaati isaga taga’. Taas oo kale miyaanay wax inoo dhimayn.” Waxaana arrintaas Faysal si adag uga jawaabay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo yidhi, “Faysaloow, bal soo hel halka aan hadalkaas ka idhi iyo cajalad ay ku duubantahay.” Faysal Cali Waraabe ayaa isaga oo taas sii daba socda wuxuu yidhi, “Anigu maan arag cajalad ee ninkaas ayaa igu yidhi, laakiin waxaan arkay cajalad kale oo aad ka hadlayso oo aad leedahay ?Waxa kulankan iskugu yimdi Habaryoonis Bari, Habar yoonis galbeed iyo wax noocaas ah, oo aad leedahay waa inaynu nabada iyo qaranimada ilaalinaa.’”
Dr. Gaboose ayaa hadalkaas Faysal ku soo noqday waxaanu yidhi, “Faysaloow halkaas waynu ku kala aragti duwanahay, qabiilka iyo qabyaaladuna waa kala nooc. Qabyaaladu waa cunsuriyad, laakiin qabiilku waa nidaamka aynu u dhisanahay, ceebna uma arko in qofku qabiilkiisa ku yidhaahdo I doorta adna waad samaysaa oo ciidagalaad la shirtaa ceebna maaha. Markaas Faysaloow haddii aad soo hesho meel aan qabiil ama reer ku duray qabiili ayaan ahay, laakiin uma bilslin nidaamkii gobolada iyo degmooyinka ee ay dadku wax ku dooran lahaayeen.”
Inta badan siyaasiyiinta qaran ee kale sheekada iyo dooda may soo dhex galayn, waxaanad moodaysay in ay reer QARAN ku sii heshiiyeen in la isu daayo Eng. Faysal iyo Dr. Gaboose, laakiin Jamaal Caydiid ayaa isaguna waxa uu si guud mar ah oo qurux badan uga sheekeeyay waxyaabaha ay ku dhaliilayaan qaabkii loo soo xidhay iyo hanaankii loo maamulay, “Marka hore dacwadayadii xeer ilaalinta iyo garsooruhu waxay u gudbiyeen qareenadayada, waxaana loo sheegay in ay ballanta noocaas ah yimaddaan maxkamadda horteeda, markii ay qareenadii akhristeen qoraalkii kiiskayaga ayey qoreen qoraal jawaab ah oo ay ku sheegayaan in qodobada lagu soo oogey nimankani ay tahay mid dastuuri ah sidaa awgeed loo gudbiyo Maxkamadda dastuuriga ah. Halkii ay jawaab ka sugayeen ayaa la iska bilawday dacwaddii xukunkii la riday iyagiina lagu xukumay min 5 Milyan oo ganaax ah” markii uu intaas yidhi ayuu Gabboose ka boobay oo uu yidhi, “Arrinta qosolka lihi waxa ay ahayd in markii uu garsoorihii tegey Hargeysa ee dacwadii dhamaatey, Malaha waxa lagu yidhi nimankaa qareenada ah waad ka dabcisay, markaasuu Hargeysa kaga daba geeyey, waxa aan ku xukumay Qareenadaas in aanay hal sano ku shaqayn doonin xirfaddooda, waxa uu Gabboose intaas ku daray, “Sagaalka Markhaati ee dacwaddayada uu Xeer ilaaliyuhu u soo qabsaday dhammaan waxa ay ahaayeen Sirdoonka iyo Booliiska, markii la weydiiyey, Waxa aad sheegtaan hal xaalad ah oo ka dhalatay hawlahooda mid waliba waxa uu ku jawaabay ma hayo” Xildhibaan Yuusuf Maxamuud Guuleed oo ka tirsan golaha deegaanka kuna jira guddida fulinta ee xisbiga UCID ayaa yidhi, “Waar hal booli ahi ma dhasho nirig xalaal ah. Garsoorahan aad sheegaysa waxa uu ka tirsan yahay guddida caddaaladda oo uu guddoomiyana u yahay xeer ilaaliyahan idin haystay, markaa ma ninkii guddoomiyaha u ahaa ee mushaharka siinayey ayuu khilaafi karaa? Waa in uu idiin xukumo sida loogu sheego. Qosol kadib ayuu Dr. Gaboose yidhi, “Waar Nin ayaanu u xidhanahay” waxa hadalkii ku soo noqday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa aanu aad u duray guddida nebad gelyada oo uu sheegay in innaga oo leh waxa aanu haysannaa nabad haddana aynu leenahay guddi nabad gelyo waxa kale oo uu ka hadlay arrintii guddidii dhex dhexaadinta oo uu sheegay mar haddii sharci jiro in ay khalad ba ahayd inta sharcigii lagu kala bixi waayo in loo baahdo guddi dhex dhexaadin ah. Waqaf ayaa ka boobay oo yidhi, “Haddii la fulinayo wixii ay soo jeediyeen dan ayaabay ahaan lahayd.”
Md. Faysal Cali Waraabe ayaa hadalka u soo galay si is difaacid ah waxaanu sheegay inuu xilligaas la qaadayay kiiska ku maqnaa magaalada Burco, sidana aanu warka u hayn. Gabo gabadii markii la gaadhay xilligi isa sagootinta ayuu Md. Waqaf yidhi, “Mawqifkayagu (UCID) waa in aanu ka xun nahay xadhigiina una aragno Xaq darro”
Guud ahaan kulankaas dooda iyo garnaqsiga ahaa oo socday ku dhowaad Saacad waxa uu ku dhammaaday jawi farxadeed oo la kala yimid iyadoo la isu calool fayowyahay. Una muuqato in la isku waafaqsan yahay in wax yaabo badan loo dhigto marka ay xabsiga ka soo baxaan hoggaamiyayaasha Qaran ee xabsiga ku jiraa.

Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa…

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.