Degmada Dhoqoshey oo uu ka bilaabmay dhismaha Dugsi Sare

Deegaanka Tuulada Dhoqoshay oo ah deegaan ay ku nool yihiin dad aad tiro badan, Tuulada Dhoqoshay waa Tuulooyinka ay wax ka bartaan Ardayda ugu badan Dugsiyada Hoose /Dhexe ee Gobalka Togdheer.

Dhowaan Tuulada dhoqoshay waxaa kormeer ku tegey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Xasan Gadhweyne iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Togdheer Cabdi Siciid Axmed oo u kuur galeyey Xaalada Deegaanka Tuulada Dhoqoshay iyagoo Masuuliyiintaasi ay soo dhagax dhigeen Dugsiga Sare ee Dhoqoshay, ka dib mid markii la eegay, qiimayn balaadhan lagu sameeyey Deegaanka Dhoqoshay oo ah Goob ku haboon Dhismaha Dugsiga Sare ee Jiidaas.

Tuulada Dhoqoshay waa tuulo ay ku yaalaan Ceel Biyood aan go, in waqtiyada ay jirto Biyo yaraanta, waana Deegan kulmisa Deegaamo fara badan oo ku dhow marka laga eego dhinaca jihooyinka Hareeraha ka xiga.

Duqayda iyo Waxgaradka Tuulada Dhoqoshay waxay Mahadnaq Balaadhan u soo jeediyeen Waftigii Wasiirka Wasaarada Waxbarashada JSL Xasan Gadhweyne iyo Maamulka Waxbrashada Gobalka, Duqayda Deegaanka Dhoqoshay waxay balan qaadeen in ay ka qayb qaadanayaan Dhismaha Dugsiga Sare Dhoqoshay iyagoo sheegay in aanay waxba kala hadhayn, Waxgaradka iyo Duqayda deegaanka dhoqoshay waxay bilaabeen Dhaqaale ururin ay kaga qayb qaadanayaa dhismaha Dugsiga Sare iyagoo isugu qorey Xoolo Nool Qoys, qoys, dadweynaha ku nool jiida Tuulada Dhoqoshay, waxayna Samaysteen Guddiyo la shaqeeya Maamulka Waxbarashada.

Xarunta Gobalka Togdheer ee Magaalada Burco waxaa laga aasaasay guddiyo la shaqeeya Dhismaha Dugsida Sare ee Dhoqoshay, Gudidaas oo ka kooban 35 Xubnood oo kala jooga Gudaha Dalka iyo Dibadaba, Xildhibaan Axmed Cabdi Jaamac Falaay oo ka mid ah Xubnaha Gudida ayaa ka war bixiyey Hawsha Dhismaha Dugsiga Sare Dhoqoshay isagoo hadalkiis ku bilaabay ka dib markii la sameeyey daraasad in deegaanka Dhoqoshay iyo degaamada kale ee hareeraha ka xiga u baahan yihiin Dugsi Sare, si aanay uga kala go, in Waxbarashada ardaydii dhamaysatay Tacliinta Dugsigii Hoose/Dhexe, una heli lahaayeen Waxbarasho tayadeeda ay aad u sareyso, waxaa laysla gartay Maamulka Wasaarada Waxbarashada Gobalka Togdheer iyo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada JSL codsigii ka yimid Duqayda iyo Waxgaradka Deegaan Dhoqoshay waana laga aqbalay Codsigaas, waxaana Hawshaas kaalin buuxda ka qaatay Wasiirka waana ku mahadsan yahay waxtarka iyo waxqabadka Qaranka Somaliland.

ENG Faarax Xuseen Axmed ayaa ka mid ah Gudida Dhisaysa Dugsiga Sare Dhoqoshay ayaa sheegay in dhismaha Dugsiga loo kala qaybiyey laba qaybood ka la noqonaysa Wajiga kowaad iyo wajiga labaad,

Wajiga Kowaad (Phase One) waxay ka kooban tahay 8 SIDEED CLASS, oo midkiiba cabirkiisu yahay 8m*6m lehna, barande fasalada hortooda h oo baliciisu yahay 2M, Hal Xafiis, Hal Store, 7 Suuli, iyo dayr cabirkiisu dhan yahay 100*100.

Wajiga Labaad ( Phase Two) qayb labaad waxay ka koobnaan doonta 10 Qol oo Ardayda Boodhanka ah gasho, Ardaydaas oo ka iman doonta meelaha durugsan ee jiida dhoqoshay, Cabirka Qolka midkiiba yahay 7M*5M.

Gudiyada waxay bilaabeen ururinta dhaqaalaha iyo dhowaan laga furi doono Sanduuq Dahabshiil lana soo bandhigi doono qiimaynta Xisaabeed iyo Naqshada Dugsiga Sare Dhoqoshay, Naqshadana waxaa sameeyey Eng Faarax Xuseen oo ah Khabiirkii ku guulaystay Samaynta Bridge labaad ee Magaalada Burco, imikana gacanta ku haya Bridge Weyn ee Magaalada Hargeysa.

MAGACYADA GUDDIYADA

1: Abdihakim Maxam’d Abdilaahi

2: Sh Yusuf Abdi Awad

3: DR Abdi Yasin H Suluiman

4: Jama Haji Ahmed

5: Sa, eed Ahmed Doodi

6: Ahmed Abdi Jamma Falaay

7: Awil Mohomed Qulle

8: A/rahman Mahamed Guled

9: Eng Farah Hussein Ahmed

10: Faizal Haji Yusuf

12: Mohomed Jamma Ismail

13: Nuh Abdi Jama

14:Kayse Mohomed Saleeban

15: Mohomed Warsame

Siciid Axmed M Raage, Burco

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.