Xadhigga Suxufiyiintu Wuxuu Baalmarsanyahay Dastuurka Iyo Shuruucda Somaliland

86-kii Maalmood Ee Xadhigga Suxufiyiinta

86-kii Maalmood Ee Xadhigga Suxufiyiinta

Saddexda suxufi ee wargeyska Haatuf oo xaqdarro u xidhanaayeen muddo 86 maalmood ah ayaa maanta oo bishu tahay 29 March 2007, uu madaxweyne Riyaale amray sii dayntooda kadib markii uu guud ahaanba ku guuldarraystay ujeedadii uu ka lahaa xadhigooga. Caddaadis, cambaarayn iyo ceebo badanina ay kaga yimaaddeen gude iyo dibadba kuwaas oo kaga yimid dawladaha deeqda bixiya, shacbiga iyo ururada xuquuqal insaanka ee Somaliland. Suxufiyiinta waxa markii ugu horaysay la soo xidhay 2-dii bishii January ee 2007.

Suxufiyiinta Haatuf dembi kamay gelin uma xidhnayn qaranka, waxaan muran ku jirin inay u xidhanaayeen madaxtooyada iyaga oo eedda loo haystaa ahayd inay wax ka qoreen madaxweyne Riyaale iyo qoyskiisa iyo sida ay ugu tagri falaan hantida qaranka. Waxa lagu xukumay sharuuc iyo xeerarkii ciqaabta ee Siyaad Barre waana wixii Somaliland ka soo dagalantay in la baabiyo, waa sharciyo baalmarsan kana soo horjeeda dastuurka Somaliland. Xadhigga suxufiyiintaasi wuxuu gef iyo meel ka dhac ku yahay xuquuqda muwaadin kasta oo Somalilander ah. Haddaba waxaan halkan idiinku soo qornay wararkii ku saabsanaa xadhiga suxufiyiinta iyo qoraaladdii cambaaraynta ahaa ee laga qoray:


This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.