Naqdiga Miisaaniyada Somaliland ee Sannadka 2006

Naqdiga Miisaaniyada Somaliland ee Sannadka 2006
Ali Gulaid
Cali Gulaid
Hordhac

Miisaaniyado cilmi uuma baahna ee caqli ayaay u baahantahay miisaaniyadana caqligii ayaa ka maqan. Sannada walba miisaaniyada Somaliland (SL) waan naqdiyaa aniga oo soo shaac bixinaaya madmadawga ku jira si gaar ahna u qiimeynaaya tayda miisaaniyada. Caado la gooya cadho ALLE ayaay leedahy ee miisaaniyada sannadkan 2006 oo aan faaqidayna waa tan. Waxa kale oo aan sannadkan idiin soo gudbinayaa miisaaniyad aan anigu hadan ahey Cali Gulaid soo diyaariyay oo ku saleysan dakhliga xukuumado qiratay oo aan garab dhigaayo ta xukuumada ee bal labada isu baaciya.

Sida ku qayaxan miisaaniyadani waa mid xooga la saray sirdoonka iyo ciidamada sidii kuwii hore. Waxa kale oo u daliil ah hadalkii uu wasiirka maaliyado Xuseen (Cawil) Cali Ducaale ku hal qabsaday markii uu miisaniyada u gudbinaayay Golha Wakiilada ee ahaa sidan, “ Wasiirka Uganda ayaa aniga iyo Wasiirka Khaarajiga Marwo Edna Adan nagu yidhi ictiraaf waxa idiinku dhaw ciidan xoog weyn oo aa sameysataan”. Haddi aay taasi dhab tahey miisaaniyadani waa tii Somaliland lagu ictiraaf lahaa waayo boqolkiiba in ku dhaw lixdan (60%) ayaa sirdoon iyo ciidan ku baxaysa. Taasina waa wax dumis. Waxaana la odhan karaa walee reerka miisaaniyadan ku tala gelayaa ma guuro. (Qiimeynta shilinka SL waxa aan ku saleeyay Sl. Sh 5000 = US$. Taasi oo ah ta dekedda Berbera aay ku saleysay miisaniyda Dekedda ee sida uu la soco)

Murtida oo gaaban soo diyaarinta iyo isku duba ridka miisaaniyada 2006 guud ahaan sannadkan ayaay uugu leedataa. Waxa se ka sii leeta tayadeeda. Markii aan ka baaran degayna waxa aan ku go’aamiyay ina aan loogu tala gelin baahida dhaqaale iyo saboolnima naafeysay shacbiga ina lagu shafshafeeyo. Waayo waxa ka muuqata soof daran habaabis, been abuur, aduun lumis, qaladaad, iyo sharci jebin intoba. Waxaana ka maqan hanti-dhawr mashaariic horumar oo wax ku ool ah iyo aragti lagu gayoodo. Waxa inta u raaca ma dhameys tirna oo ilaha dakhliga in door ah ayaa ka maqan. Waxa taa ka sii daran kharashka iyo dakhligu oo aan isu dheeli tirneyn. Hadaba Naqdigan oo dheer si uu u hawl yaraado fahamkiiso waxa uu u kala qeybsan yahey lix ( 6 ) dan qeybood ee hoos ku qoran:

Qeybta koowaad ( I ) Waxa aay Ka Kkooban Tahey:

a) Qodobada Distoorka ee miisaniyada khuseeya

b) Naqdin qodobada Distoorka

c) Hab dhaqanka dhaqaale ee xukuumada iyo

d) Waxa aay miisaaniyadani kuwii hore kaga duwantahey.

Qeybta Labaad ( II )Waxa aay Ka Kooban Tahey:

a) Kharashak Laan-Cruusada –Baabuurta

b) Ciidanka Asluubta

c) Madaxtooyada

d) Ilaalada Qasriga

e) Qeybta Xukuumada ee Fulinta (Executive)

f) Madaxweynaha

g) Madaxweyna-Ku-xigeenka

Qeybta Sadexaad ( III ) Waxa aay Ka Kooban Tahey:

a) Tacliinta Sare

b) Mashaariicda

c) Naafada iyo Agoomaha

d) Kharashka Yaryar (Miscellaneous)

e) Martiqaadka (Entertainment/Laalushka)

f) Sirdoonka iyo ciidamada

g) Wasaaradaha wax soo saarka iyo daryeelka dadka

Qeybta Afraad ( IV ) Waxa aay Ka Kooban Tahey:

a) Godoloolada Dakhliga

b) Kharashka Yaabka leh

Qeybta Shanaad ( V ) Waxa aay Ka Kooban Tahey:

a) Qaladaadka ku jira miisaniyada 2006

b) Qaladka ku jira tirada Shaqaalaha

c) Talo iyo

d) Gebogebo

Qeybta lixaaad ( VI ) Waxa aay Ka Kooban Tahey Shaxda Guud ee Miisaaniyada Xukuumado soo diyaarisay

Qeybta todobaad (VII) Waxa aay ka kooban tahey shaxda Guud ee Miisaaniyada Cali Gulaid soo diyaariyay

QEYBTA KOOWAAD ( I )
Distoorka (QODOBKA 55AAD) — MIISAANIYADDA

1. Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go’aan Gole.

2. Haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga sannad- maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi.

3. Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.

4. Xeer ayaa caddaynaya habka soo diyaarinta miisaaniyadda guud iyo sannad­maaliyadeedka.

5. Xeer ayaa caddaynaya miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka hay’adaha, wakaaladaha iyo shariikadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku leedahay iyo u soo bandhigidooda Golaha Wakiilada.

6. Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad­maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyadoo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan.

7. U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti­dhawraha Guud.

Naqdi Qodobada Distoorka

Ugu horeyn halkaa waxa ka cad ina Golaha Guurtidu aanu ansixinta miisaaniyada shaqu ku laheyn haba yaraatii. Waxa kale oo iyana ku cad ina aay masuuliyada uugu weyni saarantahey Golaha Wakiilada. Miisaaniyada cida soo diyaarineysaa Distoorka kuma qayexna waxa se ina qeybta Fulinto (Executive) soo diyaarineyso laga dheegan karaa halka odhaneysa “ Golaha Wakiilado wuu ka doodi karaa”. Si kastaba ha ahaato ee mar haddii Golaha Wakiilado aay waxa ay doonaan ka bedeli karaan, kuna kordhin karan si aan xad laheyn oo aay xata tii loo soo gudbiyay mid ka gedisan ansixin karaan waxa cida soo diyaarineysa lagaga murmaa waa wakhti lumis.

Waxa se doodi ka taagan tahey ina uu Madaxweynuhu soo diidi karo iyo inkale. Dadka cilmiga u leh ee ku ta khusasay qareenimada waxa ayay ka shaki qabaan ina uu Madaxweynuhu qaynooniyana xaq u leeyahey ina uu soo diidi karo iyo in kale. Dooduna waxa aay ka taagan tahey labadan kalmadood ee af Ingreesiga ah “resolution” iyo “bill”. Distoorku ansixinta miisaaniyada waxa uu ku sheegayaa “resolution” ee kuma sheegaayo “bill”. Waxaanu qaynooniyan Madaxweynuhu soo diid kara wixii ah ‘bill” ee ma soo diidi karo wixii ah “resolution”. Waxaanay doodu u xoog badan tahey mar hadii lagu ansixinaayo “resolution” ina aanu qeynoonku Madaxweynaha u asmaxaheyn ina uu soo diido. Hase yeeshee taa waxa ka jawaabi cidii cilmi u leh. Si kastaba ha noqotii xataa haddi uu soo diido waxa aay ku ansixin karaan 2/3.

Hab Dhaqanka Dhaqaale ee Xukuumada

Miisaaniyada la soo diyaariyay iyo sida loo soo diyaariyay waxa la fahmi karaa uun marka la fahmo sida xukuumado u shaqeyso. Sidaa awgeed waxa daruuri ah ina aan wax yar oo kooban ka idhahdo sida xukuumada Riyaale u shaqeyso. Somaliland afka waxa aay ka sheegataa ina aay tahey demoqraadiyda ku saleysan Distoor iyo qawaaniin. Hase yeeshee waxa aay sheegato iyo sida ay u shaqeysaa waa kaaf iyo kala dheeri. Runtii saddexda waaxood ee kala ah Fulinta, Garsoorka iyo Qaynoon-dejinto ee aay aheyd ina aay kala madax banaanaadaan ayaa SL isugu shubtay waaxda Fulinta. Taasina waxa aay keentay ina Madaxweyne Riyaale uu noqdo kelidii talis hantidii ummadan sida uu doono uugu tagrifalo isaga oo ka faa’ideysanaaya baahida wadanka ka jirta. Haddi cid shaqo la qoraayo waa ina uu isagu soo saxeexaa haddi dhul la bixinaayo waa ina uu isagu soo saxeexa. Halkii shilin ka soo gelaayayna cid baa u fadhida oo isaga ayaay ku soo hoyataa. Khayraadkii wadankan hadba ciddi u jeeb roon ayuu ka xarashaa. Sidaasi awgeed jeebka qudha ee irmaani waa kiisa. Wixii uu u godladaana waa kuwa isaga uugu mahadnaqaaya halkii aay Alle uuku shukri la haayeen oo aan Riyaale la’aanti shaqu heleen. Markaa waa qaar uu isagu korsaday iyo qaar dhaameel ku qaba oo ku daneysanaaya oo marka uu sii jeesto dadka la xanta. Siyaasada Riyaale waxa ay isugu soo ururtay afmiishaariinta xoolo ku kasbo maanta berito yeelkeed e

Xaalada ceyn kaasi ihi waxa aay abuurtay ina uu dakhligii wadanka wixii isaga iyo rabaciisa ka soo hadha ku sheego MIISAANIYAD. Inta uu soo bandhigana uu yidhaahdo dacawooy qeybi. Sheekadii libaaxu yidhi dacawooy habar dugaag wax u qeybina waa la socotaan. Markaa miisaaniyadona waa iska sawir iyo been abuur kharashku halka uu ku qoranyahey iyo halka uu ku baxaa waa kala duwan yihiin. Wasaarad u madaxbanan ina aay miisaaniyadeeda u isticmaashu sida loogu qoray amba marka horeba wax laga weydeeya ma jirto. Waxa aan uuga socdaa miisaaniyada meesha ku qoran macna weeyn oo aay ku fadhidaa ma jirto mar haddi halkii loogu tala galay ina aay ku baxday iyo inkale aan cidi hubineyn. Waxa aan halkaa ku kordhinayaa Mushaharka Madaxweynahana waxa aanad uu la yaabin inta aan meelna ku qorneyn ee toos uugu timaada ee aan khasnada dawlada soo marin ayaa ka badan. Sida aa ka war qabtaana dhawr iyo tobankii sanno ee ina soo dhaafay Golaha Wakiilada ayuunbaa dhaameel loo daadin jiray dabeetana waay u shaan badeyn jireen. Maanta se Golaha cusub ee Wakiilado waxa la filayaa ina uu wax bedalo. Waase loo wada joogi.

Miisaaniyado waa dakhli iyo kharash. Ilaa maanta dhkliga waxa gacanta ku heysa soona gudbisa hambada la soo reebo xukuumada iyada oo dakhli isku dhan ku sheegeysa. Golaha Wakiiladuna waxa uu qeybin karaa uun waxa xukuumado tidhahdo waxaa ku talagala. Markaa ilaa inta uu Golohu sameysanayo shaqaali uu qaabilsan dakhliga iyo hubsiimadeesa waxa aay ku qasban yiheen ina aay qeybiyaan hambada xukuuumado u soo REEBTO. Waxa se muhiim ah ina la fahmo dakhligu halka uu ku bixi karo masu’uliyadiisu waxa aay saaran tahey Golaha Wakiilada ee ma saaran Fulinta (Executive).

Maxaay kuwii Hore Kaga Duwantahey

Guud ahan wixii kuwii hore ka xishoon jireen ayaay tan u badheedhay iyada oo aan cidna wax iskaga tirinaheyn. Badheedh kaas oo kuwii hore ka badan kana baaxd weyn. Waxa ka mid ah sirdoon iyo ciidamada oo aay ku baxayso 58.27%, Agoomaha iyo Naafada oo lagu qoray 6.23% , NGO Marwada Madaxweynuhu iska maamulato oo xukuumado fungareyso iyo wax yaale kale oo iska hadlaw ina igare ah. Bal yaan se ka hordhicin. Waxa kale oo aay kuwii kale kaga duwan tahey oo la odhan kara waay kaga leedataa qaladaad fara badan oo aay ka muuqato in aan cidna lagala tashan xata wasaaradaha aay khuseyso shacbiga iska dhaafoo oo inta meel madoow lala galay wixii la doono la iska qorqoray dabeetana markii iftiinka loo soo saaray cid kasta oo indha lihi aay aragtay halkii kow u gee kow (1+1=2) aay laba ka noqon laheyd ina aay wax kale noqotay iyada oo sida ku cad xisaab xidhka iyo sameynta miisaniyada aay ku baxday $43,600 (bogga 24/M/xigee1.5.14C).

Guud ahaan ka sokow waxa yaalaha aay Khaas ahaan kaga duwantahey kuwii hore waxa ka mid ah:

a) Dakhliga oo aan dabooleyn kharshka.

b) Deyman aay xukuumada qirtay ina aay jiraan.

c) Tafatirkii dakhliga oo kuwii hore la socon jiray

d) Dakhliga hay’adaha aay ka midka yiheen Bangiga dhexe, TOTAL, biyaha, laydhka iyo qar kale

e) Amaaho wasiirka maliyado sheegay oo dhan Sl. Sh 2,727,130,373/$545,426 oo dhaafsan kii loogu talagalay oo aay wasaaradaha qaar galeen

QEYBTA LABAAD ( II )
Kharashka Baabuurta

Wax yaalaha uugu waa weyn ee hantida yar lagu lunsado waxa ka mid aha baabuurta lagu xaragooda ee loo yaqaano Land cruser iyo kuwa la mid ka ah ee wasiirada iyo wasiira dawlaha kor u dhaafay 50ka aay ku tamash leeyaan. Kharashkaa oo aanu qalabka ciidanku ku jirini waxa uu dhan yahey Sl Sh 7,136,765,760/$1,427,353 (4.33%) waxa uu ku dhawdhaw yahey miisaaniyada W/Waxbarashada $1,745,866 waxaanu ka badan yahey miisaaniyada lix (6) wasaaradood oo la isku daro oo kala ah:

a) Beeraha $244,896

c) Xoolaha $267,500

d) Kaluumeysiga $251,866

e) Reer Guuraaga $217,427

f) Ganacsiga iyo Warshadaha $217,538

g) Hanti-dhawrka $203,006

Waxa kale oo kharashka Baabuurto ka badan yahey miisaaniyada wasaaradahan iyo Hay’adahan:

a) Golaha Wakiilada $1,091,724

b) Golha Guurtida $793,563

c) Hawlaha Guud $1,139,304

d) Caafimaadka $1,091,724

e) Cadaalada oo dhan $947,308

Ciidanka Asluubta

Haddi aay run tahay ina xoolaha inta leegay aay ku baxayaan ciidanka Asluubta waxa la odhan karaa Somaliland jeel ayay ku wada jirtaa. Waxa se run ah ina uu yahay kharsh meesha lagu dabraday oo aay hubaal tahey ina uu meel kale ku baxaayo. Taasi oo la odhan karo waa khiyaama cudmaa. Ciidanka Asluubta waxa haysta nin reer Awdal ah oo la yidhaahdo Suldan Cabdi Guray oo Madaxweynuhu isku haleyn ku qabo. Daayaca jeelasha ka taagan waa mid laga wada dherigsan yahey aniguna hadda ku celin maayo. Kharashka lagu qoray Ciidanka Asluubtu waa ($1,344,464) waxaanu ka badan yahey todoba (7) wasaaradood oo la isku daray oo isku noqonaaya $1,333,340 ku waas oo kala ah:

a) Cadaladda $89,100

b) Beeraha $244,896

c) Ganacsiga $217,538

d) Kaluumiysiga $251,866

e) Reer Guuraaga $217,427

f) Xoolaha $267,500

g) Xidhiidinta golayasha $45,010

Waxa kale oo aay miisaaniyada ciidanka asluubta ka badantahey miisaaaniyada:

a) Caafimadka $1,091,724

b) Hawlaha Guud $1,139,304

c) Golaha Wakiilada $1,198,117

d) Golaha Guurtidaba $793,563

Waxa kale oo aay ka badan tahey miisaaniyada kow iyo toban (11) wasaaradood oo ay ka mid yiheen:

a) Ciyaraha $126,044

b) Cadalada $89,100

c) Reer Guuraaga $217,427

d) Qorsheynta $143,660

e) Qoyska $85,134

f) Lix (6) kale

Madaxtooyada (Sirdoonka)

Madaxtooyado waa NSStii. Ninkaan dhimani tu walba wuu arki. Waxaanad uu la yaabin mushaharka Madaxweynaha waxa ka daran ta uu ku lunsado wasaarada madaxtooyada oo miisaaniyadeedo dhan tahey $2,513,624. Taasi oo noqoneysa (7.63%). Wasaarada Madaxtooyado waa wasarada saddexad ee uugu miisaniyad weyn. Waxa qudha ee ka miisaniada weyn ciidanka qaranka iyo booliiska. Waxa xusid mudan Madaxtooyada waxa ka shaqeeyaa labaatan (20) qof oo u badan karaaniyaal iyo dhawr la taliye. Waxa inta soo raacaa wa ilaalada Madaxweynaha. Inta aan muuqan waa SIRDOONKAA. Madaxtooyado waa sirdoonka Riyaale abuuray oo u dhiganta NSStii. Waxa aay ka miisaaniyad weyntahay sagaal (9) wasaaradood oo la isku daray oo isku noqonaaya $2,422,871. Sagaal kaasi oo kala ah:

a) Hanti-dhawrka $203,006

b) Horumarinta reer Guuraaga $217,427

c) Ganacsiga iyo warshadaha $217,538

d) Beeraha $244,896

e) Kaluumeysiga $251,866

f) Xannaanada Xoolaha $267,500

g) Duulista $328,977

h) Warfaafinta $333,335

i) Ciiidanka Ilaalinta Xeebaha $358,322

Madaxtooyado waxa kale oo aay ka miisaaniyad weyntahay wasaaradaha iyo hay’adaha oo dhan marka laga reebo cidanka iyo booliiska. Hadaba si aad u garab dhigi karto waxa aan hoos ku qorayaa miisaaniyada wasaarado muhiim ah oo aay ka mid yiheen:

a) Waxbarashada $1,745,866

b) Caafimaadka $1,091,724

c) Maaliyada $1,910,708

d) Golaha Wakiilada $1,198,117

e) Arimaha Dibada $421,396

f) Maxkamada Hoose $605,152

Ilaalada Qasriga Madaxtooyada

Miisaaniyada loo qoondeeyay ilaalinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu waa $373,357. Taasi oo ka badan miisaniyada labaatan (20) wasaaradood iyo hay’ado. Ku waasi oo aay ka mid yiheen:

a) Xoolaha $ 267,501

b) Beerahu $244,897

c) Duulistu $328,977

d) Kaluumeysiga $251,867

e) Lix iyo toban(16) kale

Waxa kale oo aay miisaaniyada ilaalinta Madaxweynuhu iyo Ku-xigeenkiisu ka badan tahey mushaharka toban (10) wasaaradood/hay’ado oo la isku daray oo isku noqonaaya $356,382. Toban kaasi oo kala ah:

a) Golaha wakiilada $23,119

b) Guurtida $15,962

c) Maxkamada Sare $13,205

d) Maxkamada hoose $140,558

e) Caddalada $17,462

f) Gaashandiga $14,904

g) Hhanti-dhawrka $31,385

h) Xeer ilaalinta $23,455

i) Warfaafinta $55,452

j) Qorsheynta $20,880

Miisaaniyada Fulinta (Executive)

Miisaaniyada qeybta Fulinta (Executive) waxa aay ka kooban tahey:

a) Madaxtooyada $2,513,624

b) Madaxweynaha $520,083 iyo

c) M/W Ku-xigeeenka $230,240

d) Fulinta oo la isku daraa waxa weeye 9.91% ($3,263,947)

Waxa aay ka badna yiheen miisaaniyada saddex (3) wasaaradood oo la isku daro oo isku noqonaaya $3,258,986. Kuwaasi oo kala ah:

a) Waxbarashada $1,745,866

b) Caafimaadka $1,091,724

c) Dibada $421,396

Waxa kale oo uu kharaska fulintu $2,513,624 (Executive) ka badan yahey kharashka labada farac ee kale ee xukuumada – qaynuun dejinta(Legislature) iyo garsoorka(Judiciary) oo la isku daro oo isku noqonaaya ($1,991,680):

a) Maxkamada Sare $124,949

b) Xeer ilaalinta $128,106

c) Cadaalada $89,100

d) Maxkamada Hoose $605,152

e) Golaha Wakiilada $1,198,117

f) Golaha Guurtida $793,564

Madaxweynaha

Mushaharka Madaxweynuhu waa $520,000. Mushaharkaasi waxa uu ka badan yahey mushaharka uu Madaxweynaha wadanka Mareykanka oo ah $400,000. Kharashkasi laguma sheego Mushahar ee waxa lagu sheegaa kharaskha Qasriga Madaxweynaha. Qasriga waxa u soo shaqa taga in ka yar 30 qof oo ah xoghayaal, afhayenu iyo dhawr la taliye. Inta waxa soo raaaca waa ilaalada Madaxweynaha. Haddaba ilaalada Madaxweynaha iyo shaqaalaha qasriguba waxa aay hoos yimaadaaan wasaarada Madaxtooyada oo ah wasaarada uugu miisaaniyada weyn ($2,513,624) marka laga reebo ciidanka bileeyska iyo ciidanka qaranka. Mida kale Qasriga biyaha iyo laydhka midna lagama bixiyo.

Musharka Madaxweynuhu waxa uu ka badan yahey miisaaniyada Beeraha iyo Xannanada xoolaha oo la isku daro oo isku noqonaaya $512,397:

a) Beeraha $244,897

b) Xannaanda xoolaha $267,500

Waxa kale oo uu ka badan yahey miisaaniyada wasaarada dibadda iyo cadaalada oo la isku daro oo isku noqonaaya $510,496

a) Dibbada $421,396

b) Cadaalada $89,100

Waxa kale oo uu ka badan yahey miisaaniyada shan (5) wasaaradood oo la isku daro oo isku noqonaaya $513,336:

a) Qoyska $85,134

b) Ciyaaraha $126,045

c) Dib-u-dejinta $84,579

d) Diinta $128,478

e) Cadaalada $89,100

Madaxweyne Ku-xigeenka

Mushaharka Madaxweyne ku-xigenka waa $230,240. Waxanay ka badan tahey mushaharka M/W Ku-xigeenka Mareeykanka o ah $186,300. M/W Ku-xigeenku shaqale u gaar ah waxa uu leeyahey laba (2) xoghayaal. Waxaaana u xaffis ah Qasriga ilaaladiisuno waxa uu la qeybsadaa Madaxweynaha. Kiro biyo iyo laydh toona ma bixiyo. Waxaanu mushaharkiisu ka badan yahey miisaaniyada maxkamada sare iyo cadalda oo la isku daray oo isku noqonaaya $214,046:

a) Maxkamada Sare $124,949

c) Cadaalada $89,100

Waxa kale oo uu ka badan yahey misaaniyada shan iyo toban (15) wasaaradood iyo Hay’ado isugu jira. Waxaana ka mid ah:

a) Macdanta & Biyaha $159,558

b) Hanti-dhawrka $203,006

c) Ganacsiga $217,538

d) Horumarinta reer Miyiga $217,427

e) kow iyo toban (11) kale

QEYBTA SADDEXAAD ( III )
Tacliinta Sare

Kharashka loo qoondeeyay tacliinta Sare waa jarjar. Waxaana ka badan miisaaniyada wasiirka xidhiidhiska Golayaaasha (Cabdi Xasan Buune) oo ah $45,010. Waxa aad garab dhigtaa miisaaniyada tacliinta sare oo kala aha:

a) Machadka Macalimiinta $40,000

b) Jaamacda Hargeysa $26,000

c) Jamacada Camuud $26,000

d) Jamacada Burco $18,000

e) Kuliyada Bada ee Berbera $14,000

f) Nursing Institute $20,000

MASHAARIICDA

Iibsiga qalabka ciidamado ma ah mashruuc horumarineed (development project). Haddi iibsiga daawada xoolaha oo prograam ah lagu daro mashaaariicda horumarineed kharashka mashaariicdu waxa uu isku jir noqonayaa (2.88%) =$948,517. Ku waasi oo kala ah:

a) Birijka Hgsa $400,000

b) Korontada Berbera $435,495

c) Mashruuca Aburiin $72,022.

d) Iibsiga daawada xoolaha $39,000

Haddii aaynu xitaa ta xukuumada u raacno kharshka aay xumkuumado tidh mashaariic (development projects ) ayuu ku baxayaa waa: (6.42%)(164,669,033,000)= 10,571,751,918/$2,114,350

Mashaariicda iyo kharash yada loo kala qoondeeyeyna waa sidan haddi ta xukuumada la raaco.Waxaanay isku dar noqonaaya Sl. Sh.8,362,589,670/$1,672,517 oo ah boqolkiiba (5.1%):

a) Biriijka Hargeysa $400,000

b) Mashruuca beeraha ee Aburiin $72,022

c) Iibsiga Dawada xoolaha $39,000

d) Iibsiga qalabka ciidanka oo ah $726,000

e) Balaadhinta korontada Berbera $435,495

Marka halka uu ku baxaayo faraqa dhan (10,571,751,918 8,362,589,670 = 2,209,162,248/$441,832) xukuumado ha sheegto.

NAAFADA iyo AGOOMAHA

Miisaaniyada lagu qoray Agoomaha iyo Naafada waa mid iyana ah been abuur oo inta badan lagu dabraday ciidanka qaranka iyo wasaarada gudaha. Kharashka ku qoran Naafada iyo Agoomaha oo isku noqonaya ($2,050,150) Kaasi oo u kala qeybsama:

a) Mushahar $1,636,243

b) Raashinka Naafada $83,319

c) Raashinka Agoomaha $329,626

d) Shidaaalka Naafada $6,120

e) Habeen dhixida Naafada $2,000

f) Stashineriga Naafada $960

Kharashka lagu qoray Naafada iyo Agoomuhu oo ah $2,050,150 waxa uu ka badan yahey miisaniyada:

a) Waxbarashada $1,745,866

b) Caafimmadka $1,091,724

c) Hawlaha guud $1,139,304

d) Arimaha Gudaha $1,677,891

e) Labada Goleba $1,991,680.

Waxa kale oo aay ka badan tahey miisaniyada labba iyo toban (12) wasaaradood oo aay ka mid yiheen:

a) Beeraha $244,896,896

b) Reer guuraga $217,427

c) kaluumeysiga $251,866

d) Xannaanada Xoolaha $267,500

e) Macdanta & Biyaha $159,558

f) Todoba (7) kale

KHARASHKA YARYAR (Miscellanous)

Wax yaryar ayaa iska yar. Miisaniyada loogu tala galay kharash yaryar ee aan wax ka soo qaad laheyn waa $77,556. Waxxanu ka badan yahey miisaniyada:

a) Hay’ada miina sarka $47,905

b) N.D.C $67,489

c) Gudida Qandraaska $64,620

d) Gudida HIV/AIDS kaba $69,692

MARTIQAADKA (Entertainment)

Waxa martiqaad ku qoran $152,174. Kharashka martiqaadku waxa uu ku dhawdhaw yahay miisaaniyada Macdanta iyo biyaha $159,558.

Wax aanu ka badan yahey miisaaniyadaha laba iyo toban (12) isugu jira wasaarado iyo ha’ado o aay ka mid yiheen:

a) Qorsheynta $143,660

b) Maxkamada Sare $124,949

c) Xeer ilaaliyaha $128,106

d) Cadalada $89,100

e) Sideed (8) kale

Sirdoonka Iyo Ciidamada u Baaci Wasaradaha Wax soo Saara

Kharashka ku qoran sirdoonka iyo ciidamado waa $19,189,478 oo noqonaaya 58.27%. Kaasi oo kala ah.

a) Ciidanka $8,364,886

b) Ciidanka asluubta $1,344,464

c) Bileyska $3,227,873

d) Ilaalada xeebta $358,322

e) Gaashaandhige $1,702,416

f) Madaxtooyada $2,513,624

g) W/Guddaha $1,677,891

Wasaaradaha Wax soo Saarka iyo Dayeelka

Waxa aad u baacisaa miisaaniyada ciidanka iyo sirdoonka ee kor ku qayaxan miisaniyada wasaaradaha wax soo saarka iyo daryeelka dadka ee hoos ku qayaxan oo dhan $4,407,559 (13.38%). Ku waase oo u kala kacaaya:

a) Beeraha $244,896

b) Warshadaha $217,538

c) Reer guuraaga $217,427

d) Xannaanada Xoolaha $267500

e) Kaluumeysiga $251,866

f) Macdanta iyo biyaha $159,558

g) Waxbarashada $1,745,867

h) Caafimaadka $1,091,724

i) Ciyaraha $126,044

j) Qoyska $85,134

QEYBTA AFRAAD ( IV )
GODOLOOLADA DAKHLIGA

Dakhligii oo tafatiran lama socdo oo qayaxaaya meel walba waxa laga filaayo iyada oo wixii ka soo xarooday sannadkii hore la garab dhigaayo. Waxa maqan:

a) Odoroska Dakhliga Kastamada oo deegaameysan

b) Odoroska Dakhliga ee Waaxda C/Berriga

c) Odoroska Dakhliga Wasaaradaha iyo Hay’adaha oo deegaameysan

d) Shaxda Guud ee Dakhliga oo Deegaameysan

Waxa ka maqan ku talagalga Dhakhliga cashuuraha kala duwan ee la qaaado iyo boqolkiiba (Rateka) inta laga qado. Haddi aan taa la helina ku tala galkani lama garan karo ina uu yahey wax caqliga gala iyo mid kale

Dahkliga lagu talagalay waxa ku jira macaashaka aay xukuumado uugu tala gashay inu uu ka soo baxao shirkada TDI oo ah shirkad aan jirin. Ciddi rabta ina aay ogaato ina TDI aay ku talagalka miisaaniyada ku jirto ha eego bogga afraad ( 4)

Ku talagalka dahkliga waxa ku jira dakhliga iibka khayraadka dalka oo aan la sheegin khayraadka uu yahey iyo cida fasxday iibintiisa iyo cida laga iibinaayo midnaba.

Waxa kale oo dakhliga ku jira cashuurta macaashal macaashka shaqaalaha dawlada oo la kordhinaayo (bogga C) iyo ta shaqaalaha Rayidka ah oo inka badan afar laab 400% la kordhinaayo oo aan Baarlamanku ansixin

Dakhliga waxa ka maqan lacagtii adkeeeyd ee ka soo geleeysay meel badan oo aay ka mid yiheen dekadaha iyo aeeripoodhka.

KHARASKA YAABKA LEH

Hay’adaha qaar kood oo aay ka mid yiheen Tvga iyo Gudida doorashooyinku oo aan mushahar joogta ah laheynba sida ku qayaxan miisaaniyada.

Nalka iyo Biyaha oo dhan $214,884 oo aan Madaxtooyada iyo wasaradaha midna bixin oo hadana la iska qorto

Miisaanyada Wasaarada xidhiiska labada Gole oo dhan $45,010 oo lacag dhan $9,600 (22% ) loo qoondeyay martiqaad.

Qalbka Nalka iyo Biyaha oo dhan $48,377 oo sannad walba uugu jira wasaaradaha badidooda

Kharash aad u badan $ 764,367 oo lagu sheego barnaamijyada hawsha oo aan macnaheedo cadeyn oo cid walba iska qorato

Hay’ad la yidhii waa samafal oo magaceeda la yidhaahdo “Now” oo aay Marwada Madaxweynuhu Maamulato ayaay miisaaniyada sannada walba uugu jira $21,600

Wasiira Dawlaha Arrimaha dibada waa wasiira dawlaha qudha ee miisaaniyad u gaar ah leh. Taasi oo dhan $17,000.

Kharash Qareenka Saboolka oo dhan $6,800. Kharash kaasi oo aanay weli dhicin in cidda u baaahatay loo fidiyo

Kharashka Agoomaha iyo Naafada ee ka badan labada million ee dollar maxaa ka dhab ah?

Ciidanka booliiska oo miisaaniyadiisa aanay ku jirin (haba yaraate) kharash loogu tala galay isticmaalka isgaadsiinta. Maxay ku wada hadlaan?

Lacag celinta Dakhliga Sanadaha hore oo kharashka ku jirta oo dhan $13,000 ??? Macnaheedo waa maxay? Ma deyn la bixinayaa???? Ma cadda

Xissab-xidhka iyo Sameynta miisaaniyada oo lagu qoray $43,600 iyada oo aan wax shaqaala dheeraad ah amba khusuusi ah aan loo qorin

QEYBTA SHANAAD ( V )
Qaladaadka Ka Muuqda Dakhliga iyo Kharaskaba

Ku talagalka dakhliga iyo kharashka loo qoondeeyay oo aan is dabooleyn.

a) Sida ku cad (Bogga B) Ku talagalga dakhliga waa SL Sh.164,669,033,000/$32,933,806.

b) Sida ku cad (Bogga D) kharashku waa SL. Sh. 166,669,033,000/$33,333,806).

c) Isu-geynta kharajka Hay’adaha iyo wasaradaha waxa uu dhan yahey

So. Sh. 164,746,494,000/$32,949,298 ee ma aha 164,669,033,000

d) Sida ku cad (Bogga 3) miisaaniyada qadarkeedu waa Sl Sh. 181,752,538,188/$36,350,508

e) Mid keebaa sax ah?

Qaladaadka Iyo Meelaha aay ku Jiraaan oo Faahfaahsan

Sida ku cad bogga lixaad (bogga 6) Qeybaha kharashyadu aay ka kooban yiheen waa sagaal (9). Isu-geeynta (total) iyo inta uu mid walba Sagaal kaasi ka noqonaayo boqol kiiba (percentage) ee miisaaniyada ku qayaxani waa wada qalad sagaal koodaba. Haddii aan qeybta mushaharka iyo gunnada metaal u soo qaato:

a) Mushaharka saxda ihi waa 71,839,992,200/$14,367,998

b) Gunnada saxda ihina waa 15,748,834,500/$3,149,767

c) Kuwaasi oo boqolkiiba isku noqoneysa 53.19% halka xukuumada ka tidhi 51.03%.

d) Sideeda kale ee qeyboodna sidaa iyo si leeg ayaay u wada qaldan yiheen.

Xukuumado waxa aay qiratay ina tobankii bilood ee sanadka 2005 u horeeyay (Jan/Oct) uu soo xarooday dakhli dhan sida ku qoran bogga (6):

a) Dakhli noqday:129,033,618,318/$25,806,723. Taasi oo noqoneysa bishiiba: 12,903,361,831/$2,580,672.

b) Markaa sannadka 2005 waxa soo xarooday(12,903,361,831)(12) =154,840,341,981= $30,968,068.

c) Haddana xukuumado waxa aay leedahay waxa soo xarooday ku tala galkii (2005) oo ahaa 148,252,211,709/$29,650,442.

d) Halkaa waxa ka cad dakhliga dheeraadka ah ee soo baxay sannadka 2005 oo dhan 6,588,130,272/$1,317,626= (154,840,341,981 148,252,211,709 = 6,588,130,272) ina ay xukuumado sharereyso.

e) Mida kale dakhligaa dheeradka ah ee soo baxay 2005 dakhliga 2006 meelna kagama jiro.

Ku tala galka miisaaniyada 2006 iyaduna waay qaldantahey. Qaladka ku jira sii uu qof walba u arko waxa aan u qorayaa sida ay uugu taalo miisaaniyada (bogga 3):

a) “Miisaaniyada Sannadkii hore 2005, oo qiyaasteedu dhamayd Sl. Sh. 148,252,211,709/-, waxa ka soo xerooday tobankii (10) bilood ee hore (Jan/Oct 2005), dakhli dhan Sl. Sh. 129,033,618,318/-, kaas oo toban biloodka marka loo qaybiyo uu noqonaayo dakhli bileedku Sl. Sh. 12,903,361,831/-. Qiyaas bileedkaa iyada oo laga duulaayo, waxa odoroska miisaaniyada sannadkan 2006, ku talagakiisu noqday Sl. Sh. 164,669,033,003/-, kaas oo ku salysan dakhli bileedka dhan Sl. Sh. 13,772,419,417/-.”

b) Halkaa waxa ku cad haddi laga duulu qiyaas bileedka xukkumado qiratay sannadka 2005 ee ah bishiiba 12,903,361,831 ina uu dakhliga 2006 noqonaayu 154,840,341,981 oo aanu noqonaheyn 164,669,033,000 sida xukuumada u sheegtay (bogga 3).

Qalad kale ayaa isna ku jira. Xukuumado waxa aay tidhi:

a) Dakhliga 2006 waa 164,669,033,000

b) iyada oo ka duuleysa qiyaas bileedka dakhilga sannadka 2006 waxa aay ku sheegtay 13,772,419, 417/$2,754,438

c) Taasina waa qalad. Ka saxda ihina waa 13,722,419,417.

d) Haddii miisaaniyada 2006 kana lagu saleeyo qiyaas bileedka ah 13,772,419,417 ee xukuumada sheegtay miisaniyada 2006 waxa ay ahaan laheyd 165,269,033,004/$33,053,806.

Miisaaniyada 2006 meel kalana way ka khaldantahey:

a) Dahkliga soo xerooday 2005 waa ina uu ahaada sida kor ku sharaxan 154, 840,341,981

b) kharashka aay dabooshayna waa ku talagalkii 2005 oo ah 148,252,211,709

c) Halka waxa ka soo baxay dakhli dheeraad ah (154,840,341,981 148,252,211,709 = 6,588,138,272).

d) Dakligaa dheeradka ihi meelna miisaniyada 2006 kagama jiro.

e) Mida kale dakhilga lagu talagaly 2006 waxa uu kordhay 6.34% in ku dhadhaw marka aad ka duusho dakhliga xukummado qirtay 2005 oo ah ( 154,840,341,981-164,669,033,000) ee ma kordhin 11.07% sida xukuumado qortay (148,252,211,709 164,669,033,000).

f) Haddi aad meel kalana ka eegto miisaniyada 2006 waxa aay noqoneysa 171,257,163,272/$34,251,432 marka aad ku darto dakhligee 2005 dheeraadka noqoday oo ahaa 6,588,130,272 dakhliga xukuumada ku tala gashay ina uu soo baxo 2006 oo yahay 164,669,033,000 (6,588,130,272 + 164,669,033,000 =171,257,163,272 )

g) Bogga sadaxaadna (3) waxa ku qoran in miisaniyada qadarkeedu dhan yahay Sl. Sh. 181,752,538,188. Waxa la yaab leh bog kasta miisaaniyado waay is bedeleysa.

Qaladka ku jira Shaqaalaha Dawlada

Tirada Shaqalaha ee miisaaniyadii 2005 lagu sar jaray waxa aay aheyd 26,047 (miisaniyaddi 2005/bogga 7). Shaqaalaha sanadkan 2006 kordhayna waa 808 (miisaaniyada 2006/bogga 5). Marka waxa aay aheyd ina shaqaalaha 2006 uu noqdo 26,855 oo qof. Hadana sida ku cad (bogga 7) tirada shaqaalaha ee miisaniyada lagu sarjaray 2006 waa 26,652 qof. Halka qalad cad ayaa ku jira. Waxa se ka sii daran shaqaalaha meesha ku qorani waa inta bada mid laga been abuuraayo oo aan jirin.

Talo Ku socota Golaha Wakiilada

Shaqada uugu weyn ee la idiin soo doortay waa ina aa ilaalisaan sidii cashuurta shacbiga laga soo ururiyo u daryeele laheydeen ee aa u hubin laheydeen ina aay ku baxdo baahida aay uugu haboon tahey. Miisaaniyada maanta idin hortaalaa waa mid aan ka turjumeyn himilada shacbiga. Sida aawgeed waxa la idiinka baahan yahey ina si xawli ah u bedeshaan dabeetana ansixisaan.

GEBOGEBO

Waxa hubaal ah in dadka qar kood udhan doonan dawlada waa la ceebeynayaa ee malaha Madaxweynaha Somaliland oo aduunka uugu faqrisani kama mushahar badna Madaxweynaha Mareykanka kuwa Afrika iska dhaafoo. Dadka ceynkaa u fakirayaa sidee hagaagsaneyd ayaay u fakirayaan waxa se aay iloobeen ina SL dib loogu soo celiyay Xukunkii degdega ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, waxa aay ilaabeen inta maanta SL ka talisaa ina aay tahay intii uu ku qadhaaban jiray xukunkii faqashta aha. Waxa aay ilaabeen ina aan xukuumada Riyaale sanad qudhana xisaab xidh keenin. Waxa kale oo aay ilaabeen in Dekeda, Haamaha Total, Bangiga iyo Hay’adaha kalaba Madaxweynaha wada hoos yimaadan oo dakhligooda aan miisaaniyada lagu darin. Isku soo wada xoori sidii kuwii horeba Miisaaniyadani waaxa ka maqan caqli. Waxa aan ku khatimayaa caqliyada aaminsan in aqoonsiga SL uu ku xidhan yahey muruq milatari waa caqliyad dabiib u baahan.

Ali Gulaid, San Jose, CA


Qeybta Lixaad ( VI )

Jaan-Gooyenta Xukuumada

SHAXDA – I
Description SL.Sh %
Fulinta
1 W/Madaxtooyada (Ilaalda madaxweynaha iyo Sirdoonka) 12,568,119,958 7.63%
2 Qasriga -Mushaharka Madaxweynaha 2,600,419,200 1.58%
3 Mushaharka – Madaxweyne Ku-xigeenka 1,151,200,000 0.70%
Sub-Total 16,319,739,158 9.91%
Qeynoon Dejinta
1 Golaha Wakiilada 5,990,586,000 3.64%
2 Golaha Guurtida 3,967,818,000 2.41%
Sub-Total 9,958,404,000 6.05%
Wasaarado
1 Maaliyada 9,553,544,800 5.80%
2 Waxbarashada 8,729,334,000 5.30%
3 Gaashandige 8,512,082,000 5.17%
4 Arrimaha Guddaha 8,389,456,000 5.09%
5 Hawlaha Guud 5,696,521,000 3.46%
6 Caafimaadka 5,458,624,000 3.31%
7 Arimaha Dibada 2,106,980,000 1.28%
8 Wafaafinta 1,666,678,000 1.01%
9 Duulista & Gaadidka Cirta 1,644,887,200 1.00%
10 Xannanada Xoolaha 1,337,504,000 0.81%
11 Kaluumiysikga 1,259,332,800 0.76%
12 Beeraha 1,224,483,000 0.74%
13 Ganacsiga iyo Warshadaha 1,087,693,000 0.66%
14 Horumarinta reer Miyiga 1,087,138,000 0.66%
15 Macdanta iyu Biyaha 797,792,000 0.48%
16 Qorshaynta 718,300,000 0.44%
17 Boosaha & Isgaagsiinta 710,297,760 0.43%
18 Dalxiiska 704,352,000 0.43%
19 Diinta iyu awqaafta 642,392,000 0.39%
20 Dhallinyarard & Ciyaaraha 630,224,000 0.38%
21 Caddalada 445,500,000 0.27%
22 W/Qoyska 425,672,000 0.26%
23 Dib-u-dejinta 422,895,000 0.26%
24 Xidhiidka Golayaasha 225,050,000 0.14%
Sub-total 63,476,732,560 38.55%
Kuwa ka Madaxbanaan Wasaarado (Hay’addo )
1 Ciidanka Qaranka 41,824,431,618.00 25.40%
2 Ciidanka boliiska 16,139,365,872.00 9.80%
3 Ciidanka Asluubta 6,722,322,976.00 4.08%
4 Maxkamada Hoose 3,025,764,000.00 1.84%
5 Ciidanka Xeebaha 1,791,611,816.00 1.09%
6 Hanti-Dhawrka 1,015,030,000.00 0.62%
7 Xeer Ilaaliyaha 640,530,000.00 0.39%
8 Maxkamada Sare 624,746,000.00 0.38%
9 Gudida Doorashada 616,825,000.00 0.37%
10 National TV 533,910,000.00 0.32%
11 Hay’ada Shaqaalaha 450,772,000.00 0.27%
12 Aidhiska (AIDS/HIV) 348,460,000.00 0.21%
13 National Deployment Commission (N.D.C) 337,449,000.00 0.20%
14 Gudida Qandaraska 323,104,000.00 0.20%
15 NERAD (Aafada dabiiciga ah) 280,309,000.00 0.17%
16 Hay’ada Miina Saarka 239,526,000.00 0.15%
Sub-Total 74,914,157,282 45.49%
Grant Total 164,669,033,000
Qeybta Toddobaad ( VII )

Jaan Gooynta Ali Gulaid

SHAXDA -II
Description Sl. Sh %
FULINTA ( Note 1)
1 Madaxtooyada (Ilaalda Madaxweynaha iyo Sirdoonka) 6,284,059,979 3.82%
2 Qasriga (Mushaharaka Madaxeynaha) 400,000,000 0.24%
3 Mushaharka – Madaxweyne Ku-xigeenka 375,000,000 0.23%
Sub-Total 7,059,059,979 4.29%
Qaynoon-De-Jinta
1 Golaha Wakiilada 6,586,761,320 4.00%
2 Golaha Guurtida 3,967,818,000 2.41%
Sub-Total 10,554,579,320 6.41%
WASARADAHA
1 Guddaha 22,592,591,328 13.72%
2 Gaashaandhiga 22,581,373,648 13.71%
3 Waxbarashada 16,466,903,300 10.00%
4 Caafimaadka 16,466,903,300 10.00%
5 Caddalada 16,466,903,300 10.00%
6 Dib-U-Dhiska 16,466,903,300 10.00%
7 Maaliyada 6,410,106,485 3.89%
8 Arimaha Dibada 4,881,959,053 2.96%
9 Xoolaha & Reer Miyiga 4,083,590,243 2.48%
10 Beeraha 3,339,719,737 2.03%
11 Hawlaha Guud 1,164,798,857 0.71%
12 Dawladaha hoose 250,000,000 0.15%
Sub-Total 131,171,752,551.00 79.66%
Hay’adaha
1 Hanti-dhowrka Guud (Note 2) 3,045,090,000 1.85%
3 Dabagalka Dakhliga (Note 3) 1,152,683,231 0.70%
4 Warfaafinta 1,100,294,000 0.67%
5 Guddiga Doorashooyinka 801,872,500 0.49%
6 Hay’ada Miina Saarka 576,975,000 0.35%
7 Guddida Qandarasyada 323,104,000 0.20%
8 NERAD (Aafada Dabeeciga ah) 280,309,000 0.17%
Sub-Total 7,280,327,731.00 4.42%
Kharash Kale
Emergencies (Note 4) 4,940,070,990 3.00%
Reserve (Note 5) 3,663,242,429 2.22%
Sub-Total 8,603,313,419.00 5.22%
Grand Total 164,669,033,000.00 100.00%

Note (1): Mushaharka Madaxweynaha/Madaweyne Ku-xigenka iyo Madaxtooydo

waxa aay wada hoos imanayan Wasaarada Maaliyda

Note (2 ): Hanti-dhawku waxa uu hoos imanayaa Baarlamanka

Note (3 ): Dabaglka Dakhligu waxa uu hoos imanayaa baarlamanka

Note (4): Kharaska walaxa degdega ah waxa aay hoos imanayaan wasaarada Daakhliga

Note (5): Kaydku waxa uu hoos imanayaan wasaarada Maaliyada

This entry was posted in Editorial and tagged . Bookmark the permalink.

Comments are closed.