Feedh, Dhirbaaxo, Buuq Iyo Qallaase Saameeyey Maanta Kal Fadhigii 1-Aad Ee Golaha Wakiiladda Iyo Jawiga Guud

Hargeisa ( Somaliland.org) Saaka Subaxnimadii hore ayaan u jarmaaday inaan ka hawl galo Xarunta Golaha Guurtida oo ahayd halkii uu ka qabsoomaaayey maanta Kal-fadhiga 1-aad ee Golaha Wakiiladda, abaaro 8:00 Subaxnimo ayaan soo gaadhay Guriga uu shirku ka qabsoomaayey oo aan sidaasi uga sii durugsanayn Xarunta Guriga Madaxtooyada, durtaba waxaa indhaygu qabanayeen Raxan Dad ah oo iyagu hurdada aroornimo uga soo kalahay inay darsaan lana socdaan Kal fadhigani oo xiisahiisa iyo xaaladiisa gaar ahaaneed huwana.

Jawiga ka muuqday waabarigii saaka barxadda
hore ee uu kal fadhigu ka qabsoomaayye

Madasha Shirka iyo Mudanayaasha Cusub ee 29 September shacabku doorteen mucaarid iyo muxaafid ayaa kooramka buuxiyey iyadoo 82-kii mudanaba abaaro 10:30 barqanimo ku soo wada dhamaadeen Madasha shirku ka qabsoomaayey oo ahayd mid si fiican oo jawi quruxsan loo agaasimay, Guddoomiyayaasha labada Xisbi KULMIYE iyo ucid ayaa iyaguna ka soo qayb gallay, durtaba waxaa loo kala baxay laba dhinac Midig iyo Bidix oo xildhibaanada Golaha Wakiiladdu u kala fadhiisteen, waxaan arkaayey oo aan ka dheehanaahey Xildhibaanada UDUB oo dareen xiisadeed uu hoosta kaga milgana wakhtigaasi maadama oo la sugaayey Madaxweynaha iyo inuu madasha soo gaadho, oxoga daqiiqado ah ka dib ayaa waxaa barxadda hore ee Guriga uu kalfadhigu ka qabsoomaayey isla dayaamay sawaxanka gawaadhida iyo askarta duub casta oo gelbinaysay Madaxweyne Rayaale oo sida caadada looga bartay gaashandhiga intaasi le’egi ku xeermaan marka uu guriga Madaxtooyada ka soo baxo.

Buuqa ka aloosmay Gudaha
kalfadhiga Maanta

dabadeed waxaa Masraxa sare ee Shir Guddoonka la wareegay sida Sharcigu dhigaayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Faarax oo isagu leh xaqqa guddoominta iyo dhaarinta kalfadhigani Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa lagu soo dhaweeyey jawi hoose waxaanu qabsaday Mikroofanka "assalamu allaikum waraxmatulahi wabarakatu, waxaa maanta inoo bilaabmaya kal fadhigii 1-aad ee golaha Cusub ee wakiiladda, waxaa hadda aynu gudo geli doona dhaarinta Xubnaha Cusub oo gobol walba xildhibaanada uga soo baxay gaar loo dhaarin doono" balse intii aanu gudo gelin dhaarinta xubnaha cusub ayaa wuxuu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ka jeediyey halkaasi khudbad aan macno siyaasadeed oo dheer samaynin, ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda sare wuxuu bilaabay inuu xaadiriyo magacyada iyadoo 5-tii xildhibaan-ba mar uu dhaariyey.

dhaarinta ka dib ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Maxkamadda sare ku wergeliyey Golaha in ay iska soo dhex doortaan Xubinta ugu da’da weyn, waxaana Xubinimadaasi ku guulaystay Ibraahim Maxamed Xuseen (ina dhaadheere) oo Xisbiga UDUB uga soo baxay Gobolka Sanaag, oo da’diisu ku qorayd C.V gii uu Koomishanka u gudbiyey noqotay 72-sanno
jir.

Ibraahim Maxamed Xuseen ayaa lagu soo dhaweeyey Shir Guddoonka Ku meel gaadhka ah, sida la filaayey inuu soo bandhigo doorashada Shir Guddoonka Golaha ayaa wuxuu istaagay mimbarka sare wuxuuna jeediyey hadal laba kelmadood ahaa "Waad mahadsantahiin, waad mahadsantahiin, iyadoo salaadii duhur ay inna hayso, jawiga maantuna aanu fiicnayn, waxaa fadhiga kan xiga la iskugu imanaya maalinta sabtida ah" ka dib si deg deg ah ayuu uga degay mimbarka wuxuuna u dhaqaaqay albaabka ama kadinka laga baxo, waxaana ka daba huladay 33-kii Xildhibaan ee Xisbiga UDUB, markii xaal halkaa marayo ayaa BUUQ, SAWAXAN, IYO MURAN badani dilaacay, Professor Maxamed Cumar Jiir ayaa si deg deg ah uga soo kacay kursigiisii wuxuuna raqabadda shaadhka laacay Ibraahim Maxamed Xuseen, wuxuu si adag ugu yidhi adeer waxaasi wax rag kala saaraya maahe wuxuu fadhigu guda galaya doorashada Shir Guddoonka dib usoo noqo,balse waxaa si cadho leh iskaga fur furay

Ciidamada SPU oo ka
baxaya xarunta kuna soo
jeeda kalfadhiga amar la
siiyey awgeed

Ibraahim dhaadheere, markii uu xaalku halkaa marayo ayaa waxaa Gudaha usoo gallay Hoolka uu kulanku ka dhacaayey Xog-hayaha Golaha Guurtida oo maanta halka shirku ka dhaacayey ahayd xaruntoodii wuxuuna cod dheer oo cay iyo aflgaado huwan ku bilaabay Xildhibaanadii mucaaridka ahaa "Waar naga dareera ciyaala suuqiinyahay, dareera" balse Axmed Weyne oo ah Xildhibaan Xisbiga KULMIYE uga soo baxay gobolka Hargeysa ayaa dhirbaaxo wajiga kaga dhuftay, isagoo ka dhiidhiyey weedhaha deelqaafka ah ee Xoghayaha afkiisa ka soo baxday, waxaana uu Xoghayaha Golaha Guurtidu si deg deg ah uga baxay Madasha, wuxuuna delbaday askarta sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano SPU, waxaa ciidaankaasi wehelinaayey Taliyaha Ciidamada

Ciidanka oo la soo dhuubay
Barxadda uu kalfadhigu ka socday

Booliiska iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, Waxaan usoo baxay dibadda si aan u darso xaaladda ciidamadani loo dalbaday Xildhibaanada Mucaaridka balse taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa kamaradii aan watay dhulka igaga tuuray, waxaa kelmadaha uu igu yidhi ka mid ahaa "xunyahow xunku dhallay dibadda usoo bax jooji waxaad duubayso", ciidamada ayaa mar keliya amar lagu siiyey inay dibadda uga saaran Xildhibaanada Mucaaridka Hoolka Golaha Guurtida waxaanay ciidamadu hore usoo galeen hoolka oo ay ku sugnaayeen xildhibaanadu waxaa bilaabmay in la is cariyo, oo xildhibaanadiina gacan u adeegsadaan booliiska, booliiskiisana isku dayaan inay xoog ku maquuniyaan oo ay dibadda usoo saaran, dabadeed ninkii wattay askarta ayaa dibadda usoo baxay, balse Wasiirka daakhliga ayaa ku yidhi waar nimanka dibadda usoo saara ayaan idin leeyahay, haddana marlabaad ayey ku noqdeen, waxaanay garaac iyo dhirbaaxo ku bilaabeen suxufiyiintii, waxay indhaygu qabanayeen weriye ka tirsan Wergeyska haatuf oo qori dabadii lagu garaacaayo, xaalku cirka ayuu maray, weligay intaa noola ma arag xaalad sidaasi u cakiranta, dabadeed iyadoo buuqaaasi iyo sawaxankaasi jiro ayaa waxaa xildhibaanada Xisbiyada Mucaaridka oo dhamma 48 Xildhibaan iska dhex doorteen Xubin guddoomisa Professor Maxamed Cumar Jiir, waxaanay si degen ugu cod qaadeen cidda noqonaysa Shir Guddoonka waxaanay u doorteen Cod aqlabiyadeed 48 Xildhibaan Shir Guddoon Cusub oo ah CABDIRAXMAAN CIRRO, CABDICASIIS SAMAALE, IYO BAASH MAXAMOUD, inay noqdaan Shir Guddoonka cusub ee golaha wakiiladda, waxaa markeliya masraxa madasha soo istaagay seddexda nin ee la doortay oo gacmaha is haysta, waxaana sidaasi ku xidhmay fadhigaasi.

Ardayda Dugsiga 26 June iyo ciidamada Booliiska ayaa inyar ka dib isku dhacay, ardaydaasi oo ka cabanaysay maamul xumo iyo musuq maasuq xukumadeed oo iskuulkooda ka dhacay, xaaladda ayaa Hargeysa cirka isku shareertay, balse inyar ka dib ayaa kumanaan qof waxay banaanbaxyo ay ugu dabaal degayaan Guusha Mucaaridka ee Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda ka dhigay goob kasta oo magaalada Hargeysa ah.

Waxaan Telephone-ka gacanta kula xidhiidhay cabdicasiis samaale oo isaga loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda Cusub, waxaanan weydiiyey bal sida dareenkiisu yahay iyo siduu u arko fadhigani maanta cabdicasiis wuxuu iigu jawaabay inuu aad ugu faraxsanyahay, umadda Somaliland-na kala ogaatay cidda fadqaladda wadda iyo cidda maslaxadda u ah.

N.B: akhristayaasha Somaliland.org waxaan usoo gudbin doona sawiradii maanta iyo kal fadhigii golaha cusub ee ku dhamaaday jahawareerka, dhawaan.

SOMALILAND.ORG , HARGEISA.
Somaliland.org@gmail.com

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.