Xisbiga Udub Iyo Musharaxa Ay Usoo Bandhigeen Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

Hargeisa ( Somaliland.org) Waxaa Shallay Shir ka dhacay Xarunta Xisbiga UDUB ahna Gurigii uu hore ugu degena Madaxweynaha hadda Tallada Somaliland Haya Daahir Rayaale Kaahin waagii uu Madaxweyne ku xigeenka ahaa, lagu soo bandhigay Shakhsiyad ay Xisbigaasi usoo bandhigeen inuu u tartamo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Xisbiga UDUB, 33 Xildhibaan ee Xisbiga UDUB uga soo baxay Golaha Wakiiladda afar ka tirsan ayaa waxay u tartansanaayeen Guddoomiyaha halka Shan kalana ay u tartamayeen Labada Guddoomiye Ku xigeen.

Haddaba Shirkaasi oo aan shallay markii uu dhacaayey Goob joog ka ahaa ayaa waxaa markeliya Tanaasulaad sameeyey afartii nin ee tartanka ku jiray 3 ka mid ah oo kala ahaa C/Qaadir Xaaji Ismaciil Jirde, C/kariim Aw Cali Shabeel, iyo Cali Xaaji Muuse, balse waxaa tartankaasi ku sii negaaday ama ku hadhay Xuseen Ismaciil Yuusuf oo Xisbiga UDUB looga soo doortay Gobolka Togdheer, Magaalada Odweyne inuu noqdo Musharaxooga Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.

Balse markii Afarta nin ee u tartamaayey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda Mataan Maxamed Hoori, Aadan Tarabi Oogle, iyo Saleebaan Maxamed Cali Koore, ayaa iyaga waxaa gooni ula baxay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mr. Axmed Yuusuf Yaasiin, balse lama garan waxaa kelifay in gooni loola faqo, mar aan wax ka weydiiyey sababta keliftay inaanay UDUB usoo bandhigin musharaxyo u tartama Ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha ayaa la ii sheegay inay u daayeen waa sida ay hadalka u dhigeene Xisbiyada Mucaaridka.

SOMALILAND.ORG . HARGEISA.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.