War-saxafadeed Ay Si Wada Jir Ah Usoo Saareen KULMIYE Iyo Ucid

Hargeisa ( Somaliland.org) Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa waxay dhawaan soo saareen Nuxur War-saxaafadeed oo ay ku kala saxeexanaayeen Labada Afhayeen ee labada Xisbi, Mujaahid Maxamed Kaahin oo ah Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, iyo Xasan Xuseen Maxamed oo ah Afhayeenka Xisbiga UCID, waxay Bayaankani si weyn ugu dhaliileen Siyaasadda Madaxweyne Rayaale ee ku sallaysan ayey yidhaahdeen Keli talisnimada ruugawday.

Warsaxafadeedkaasi oo dhawr bog ka koobna wuxuu u qorna sida tani:

Nuxurka hoggaaminta dawladnimo ee Xukuumada iyo Xisbiga UDUB waxay astaan ka dhigteen wax ka sheegga Hoggaanka labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE iyo Mudanayaasha labada xisbi ee ku guulaystay aqlabiyada Golaha Wakiilada, taasina waa aragti siyaasadeed oo ka soo horjeeda hadafkii iyo ujeedooyinkii maraaxil kala duwan ay u soo martay geedi socodka dib-u-dhiska, Nabadgelyada iyo hannaanka Diimoqraadiyada Somaliland,

Daadihinta Geedi-socodkani waxay suurtogelisay in ay Somaliland ka qabsoonto Doorashooyinkii kala duwanaa, waxaana inoo qabsoomay Doorashooyinkii Aftida Distuurka, Golayaasha Degaanada, Madaxtooyada, iyo tan u dambeysay ee Golaha Wakiilada., oo ay bulsho-weynta caalamkuna si buuxda ugu taageereen Somaliland, una soo direen Goob-joogayaal Caalami ah.

"Yididiilada iyo dhabar-adayga Bulshada Somaliland waxay ahayd in ay u noqoto, dariiqa ay kaga raadinayaan Bulshada Caalamka (International Community) ICTIRAAFKII kaga lumay midnimadii 1960. si mar labaad Somaliland uga mid noqoto Dawlada la aqoonsan yahay, Bulshada Caalamkana ka mid ah.

"Sidaas darteed, Hawsha ugu mudan ee ina hor-yaala marxaladan cusub , waxaa ka mid ah:

v Dib u dhiska iyo adkaynta Hay’adaha Dawladnimo.

v Dhamaystirka Distoorka Qaranka.

v Tirtirida Sharciga deg-dega ah, kaas oo ka soo horjeeda Mabaadii’da xuquuqul Iinsaanka ( Universal Declaration of Human Rights).

v Horumarinta Shaqaalaha Dalka.

v La dagaalanka Musuqmaasuqa oo ah Aafada kaliya ee naafeeya Dawladnimada.

v Dib u habaynta Cadaalada ( Judicery Reform ).

v Suuq raadinta dhoofinta Xoolaha oo Laf-dhabar u ah dhaqaalaha Dalka.

v Wax ka qabashada Dekeda Berbera, ee ay adeegeeda Ganacsatadu ka qaylinayso.

v Kor u qaadida adeegyada Bulshada ee ragaadsan, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Biyaha, Wadooyinka iyo Daryeelka Deegaanka dabar go’a ku dhaw.

v Horumarinta xeebaha iyo wax ka qabashada Xaalifinta Badda iyo Bilil-iqada Kaluunka Dawladu fasaxday.

v Xal u helida [Mushkiladda] Gobolka Sool, Degmooyinka Sanaag bari iyo Degmada Buhoodle, ee ilaa hadda ka maqan maamulka Dawlada.

v In la soo dhiso Dawlad kooban oo tayo leh.

v Arrimahan iyo qaar kale oo badani, waxay fure u yihiin qaabka ay Somaliland Bulshada Caalamka uga heli lahayd ICTIRAAF, waana Waajib Qaran oo Distoori ah, loona igmaday Xukuumada.

Arrintani waxaa keliya ee ay daah furaysaa in Xukuumadu baal marayso Distoorka Shuruucda Dalka, ilaa iyo hadana ku adag tahay ku dhaqankeedu.

"Labada Xisbi Qaran UCID iyo KULMIYE, waxay mudo dheer ku dedaalayeen inay Xukuumada, si buuxda ugu soo jeediyaan talooyin wax ku ool ah, oo wada jir ahaan labada Xisbi ay qoraal ahaan ugu gudbiyeen Xukuumada iyo qaar xisbi Waliba goonidiisa ugu gudbiyey.

Iskaashiga labada Xisbi UCID iyo KULMIYE, waa barnaamij siyaasadeed oo qeexan oo ay Xisbiyadu u soo bandhigeen waana arrin si weyn wax uga taraysa adkaynta Distoorka Qaranka , taaba-galinta Barlamanka Qaranka, horumarinta Dalka, iyo nidaamka Dawladnimo.

"Waxa kale oo labada Xisbi ku cadeeyeen mawqifkooda wada shaqaynta ee Xukuumada, in ay diyaar u yihiin inay si fiican ula shaqaynayaan.

Balse, waxa la yaab leh, in Md. Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu war-saxaafadeedkiisii u dembeeyey ku cadeeyey inaanuu la shaqaynayn Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE. Waxaa keliya ee Madaxweynuhu u soo jeediyey cay iyo af-lagaado, waxaa isweydiin mudan wada shaqaynta labada Xisbi u soo jeediyeen Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa, muxuu u soo dhaweyn waayey? Jawaabtu waxay ku eeg tahay, siyaasada Madaxweyne Daahir Rayaale, oo marna aan diyaar u ahayn Midnimo Qaran, mar kastana kala qaybinaaya Qaranka.

Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE, waxay ku talinayaan uguna baaqayaan Xukuumada:-

Inay joojiso fikradaha Siyaasadeed ee dhaawacaaya Midnimada Qaranka.

2. In xukuumadu u soo jeesato, muujisana hogaamin mug leh oo ku wajahan horumarintadhaqaale,

3. la dagaaladanka musuqmaasuqa iyo horumarinta adeegyada Bulsho.

4. Tir-tirida Xukunka deg-dega ah.

5. Ku dhaqanka hano-qaadka iyo meel marinta Dimuqraadiyadda.

"Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE, waxay ugu baaqayaan Xukuumada iyo Xisbigeeda talada haya, in ay la jaan qaadaan, geedi socodka marxaladan aynu galnay iyo inay soo bandhigaan Barnaamijyada, qorsheyaasha Siyaasadeed iyo dhaqaaleed ee Xukuumadu Dalku ku hogaaminayso marxaladan cusub ee Somaliland gashay. "

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.