Qodobadii Ay Saxeexeen Xildhibaanada Mucaaridku Shallay

QODOBADII AY SAXEEXEEN XILDHIBAANADA MUCAARIDKU SHALLAY

Hargeisa (Somaliland.org) Waxaa Maalintii Shallaytoole ahayd lagu qabtay Hotelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa Kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen 45 Xildhibaan oo ka kala socday labada Xisbi ee Mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID, iyo Guddoomiyayaasha labada Xisbi KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd in axsaabta mucaaridka Xildhibaanada usoo baxay ay qallinka ku duugaan heshiis laba geesood ahaa oo ka koobna 13 Qodob oo kala ahaa:

1-Waxay labada Xisbi ee Mucaaridka ahi (KULMIYE iyo UCID) isla garteen inay meel mariyaan siyaasadda labada xisbi ee ku wajahan Qarannimada, Nabad gelyada iyo Horumarka Somaliland kana hortagaan wax allaala iyo wixii wayeelo iyo dibu dhac u keeni kara dalka.

2-Waa in Wakiiladda labada Xisbi ee Mucaaridka ahi ku wada shaqeeyaan Siyaasadda iyo Mabadi’da (Party policy) labada Xisbi

3-Xildhibaanada ka kala yimid Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID waa inay soo dhistaan Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda sidii labada Xisbi ay hore u wada gaadheen in intaan Shir Guddoonka la dooran ay labada Xisbi Isla waafaqaan Qaabka (Procedure) Doorashada Shir Guddoonka loo marayo, Maalin qudhana doorashadaasi lagu dhamays tiro Mabdi’iyan Hogaaminta Golaha Wakiiladdu waxay noqon doonta Qaab dimuqraadiya, Tallo wadaag ah loona wada dhanyahay ka qayb galkeeda (participatory Decision-Making)

4-Waxay wada samayn doonaan Guddi Muus danbeed (Gate Keeper) oo hawshoodu noqon doonto shaandhaynta soo jeedimaha iyo fikradaha Xildhibaanada

5-Waxay ku heshiiyeen in dibu eegis, wax ka bedelid iyo kabid lagu sameeyo qodobadani iyo heshiisyada xisbiyada.

6-Sannad marka laga joogaba guddida u xil saaran labada Xisbi waxay samayn doonaan warbixino ay usoo gudbinayaan shir guddoonka xisbiyada.

7-Soo jeedin kasta oo la soo hor dhigayo Golaha baarlamaanka intaan la ansaxin waa in labada Xisbi ka soo wada tashadaan marka hore

8-Arrimaha ay ku kala afkaar duwanaadaan labada Xisbi waa in dibadda lagaga soo wada xaajooda laguna soo jilciya.

9-Heshiiska labada Xisbi isla gaadheen dib ayaa loo eegi kara marka labada dhinac isla gartaan.

10-Is bahaysigan ciddii aan labada Xisbi ahayn ee ku soo biiraysa waa u furanyahay waana la soo dhawaynaya haddii ay la siyaasad iyo afkaar noqonayaan.

SOMALILAND.ORG REPORTER, HARGEISA.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.