Xildhibaanada Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaridka Oo Maanta Saxeexay Heshiiskii Labada Xisbi Mucaaridka Ahi Ku Wada Gaadheen Wadaaga Shir Gud

Hargeisa ( Somaliland.org) Waxaa Maanta Hotelka Ambassador lagu qabtay Shir weyne balaadhan oo ay ka soo qayb galeen badiba Xildhibaanada Labada Xisbi ee Mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID uga soo baxay Doorashadii dalka ka qabsoontay 29 September iyo Hogaamiyayaasha Labada Xisbi Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Ujeedada rasmiga ah ee Kulankani balaadhan oo ahayd in Xildhibaanada usoo baxay labada Xisbi ay qallinka ku duugaan ama ay saxeexaan Heshiiskii Labada Xisbi ay bishii hore isla gaadheen ee ahaa in ay wadaagaan Shir Guddoonka Cusub ee uu yeelan Doono Golaha Wakiiladda Cusub, Shirkani waxaa ka soo qayb gallay 44 Xildhibaan oo ka kala socday Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxaanay dhammaantood saxeexeen inay waafaqsanyahiin Heshiiskii Labada Xisbi ee ay u sharaxeen Seddexda Xildhibaan ee kala ah:

1. C/raxmaan Cirro Musharax Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda kana soo jeeda Xisbiga UCID

2.Professor Sh. Cabdi Casiis Maxamed Samaale Musharax Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiiladda, kana soo jeeda Xisbiga KULMIYE

3. Baashe Maxamuud Musharax Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda kana soo jeeda Xisbiga KULMIYE.

Heshiiskani oo labada xisbi ay bishii hore mar ay iskugu yimaadeen xaflad ka dhacday Hotelka Ambassador ku kala saxeexdeen ayaa waxay tani tahay xoojin ay labada xisbi ku sii xooninayaan kalsoonida ay ka qabaan Xildhibaanadooda iyo inay kaga shaki saaraan wararka kutiri kuteenka ah maalmahii ugu danbeeyey suuqa ku jiray ee sheegaayey in Xukuumaddu ay waddo nidaam ay ku kala fur furayso isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka.

Dhinaca kale wararka laga helayo Xisbiga UDUB ayaa sheegaya in ay usoo sharaxayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Xisbiga UDUB C/kariim Aw Cali Shabeel oo ah Xildhibaan Xisbiga UDUB uga soo baxay Gobolka Hargeysa.

Somaliland.org Reporter Hargeisa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.