Maxkamadda Sare Oo Dhawaan La Filayo Inay Ku Dhawaaqdo Natiijada Doorashadii Golaha Wakiiladda

Hargeisa (Somaliland.org) 48-ka saacadood ee soo socda ayaa la filaya inay Maxkamadda sare ee Somaliland ku dhawaaqdo Natiijada Doorashadii Golaha Wakiiladda ee dalka ka qabsoontay 29 September, Koomiishanka Dooraashooyinka qarrankuna ay hore ugu dhawaaqeen Natiijadii Horu dhaca ahayd.

Masuul sare oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa khadka telephone-ka mar aan kula xidhiidhay wuxuu ii xaqiijiyey badiba in la xaliyey muranadii xagga dacwadaha ahaa, haddana lagu gudo jiro sidii loo dhamaystiri lahaa Magacyada Xildhibaanada Seddexda Xisbi Qarran ee ku guulaystay tartankii Golaha Wakiiladdda.

Mar aan la xidhiidhay Masuuliyiinta Seddexda Xisbi qarran oo iyagu hore u caddeeyey inay ugu qanacsanyahiin natiijadii horu dhaca ahayd ee Koomiishanka Doorashooyinka qarranku shaaciyeen ayaa ii sheegay inaanay rajaynayn wax isbedel ah oo ku yimaadda Natiijadii hore ay koomiishanku shaaca uga qaadeen, balse illo lagu kalsoonyahay ayaa ii sheegaya in Xafiiska xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sanaag uu Maxkamadda usoo gudbiyey dacwad ku tacaluqda Musharaxiintii ku soo baxaysay Codka
Fawska oo labadii musharax ee ka soo baxaayey gobolka Sanaag halkii laga filaayey inay labaduba ka soo baxaan Xisbiga KULMIYE uu Mid ahaan ka soo baxo ka kalana Xisbiga UDUB la siiyey, taasi oo ah dacawadda rasmiga ah ee ilaa hadda la ogyahay.

waxaa hadda la sugaya dhawaaqitaanka natiijadda rasmig ah ee ay Maxkamadda sare shaacin doonto.

Somaliland.Org

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.