Labada Xisbi Ee Mucaaridka Ah KULMIYE Iyo Ucid Oo Ku Heshiiyey Wadaaga Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda

LABADA XISBI EE MUCAARIDKA AH KULMIYE IYO UCID OO KU HESHIIYEY WADAAGA SHIR GUDDOONKA GOLAHA WAKIILADDA

Waxaa Xallay abbaaro Saacadda Beriga Afrika Markay tilmaamaysay 8:00 fiidnimo, xaflad balaadhan ku qabtay Hotelka Maansoor Labada Xisbi ee Mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID, Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Labada Guddoomiye ee labada Xisbi Mudane Axmed Maxamed Maxamoud (Siilaanyo) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe, Badiba Xildhibaanadii ku guulaystay tartankii Golaha Wakiiladda ee Labada Xisbi iyo taageerayaasha labada Xisbi , ayaa waxay gun dhigeedu ahayd Heshiis Laba Geesood ah oo Labada Xisbi ee Mucaaridka ahi KULMIYE iyo UCID ay ku wada gaadheen wadaagga Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda ee dhawaanta la soo doortay.

Mudane Maxamed Kaahin oo ku hadlaayey Afka Lix Xubnood oo loo xil saaray heshiiskani ay labada Xisbi wada gaadheen ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay wuxuuna xaqiijiyey Maxamed Kaahin Xubnaha labada Xisbi ee Mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID ay usoo sharaxayaan Shir Guddoonka Golaha Wakiiladda oo kala ah ayuu yidhi:

Cabdiraxmaan Cirro Xisbiga UCID u sharaxan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

Cabdicasiis Maxamed Samaale Xisbiga KULMIYE oo loo sharaxay Guddoomiyaha 1-aad ee Golaha Wakiiladda,

Baashe Maxamoud Xisbiga KULMIYE oo loo sharaxay Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda.

Markii uu Maxamed Kaahin halkaasi kaga dhawaaqay Xubnahaasi oo Xubinta Koobaad tahay Xisbiga UCID Cabdiraxmaan Cirro lagana soo doortay gobolka Saaxil, Xubinta Labaad Xisbiga KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale lagana soo doortay Gobolka Hargeysa, iyo Baashe Maxamoud oo Xisbiga KULMIYE ah lagana soo doortay Gobolka Sool, ayaa waxaa sacab iyo masraxad isku biiriyey taageerayasha labada Xisbi oo goobtaasi iyagu joogay.

Labada Guddoomiye ee Labada Xisbi Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Axmed Siilaanyo ayaa iyaguna halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyey ugu horayn, Guddoomiyaha Xisbiga UCID faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyey in xubnahani ay labad Xisbi ee mucaaridka ahi soo sharaxeen ay noqon doonaan udub dhexaadka dheelitirka Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe, oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Siyaasaddu waxay ku hir geli karta Seddex dhari oo isle’eg oo haddii midkood la waayo aanay suuro gal ahayn nidaam shaqayn kara Seddexdaasi dhari oo kala ah, Golaha Xukuumadda, Golaha Sharci Dejinta iyo Caddaalad, Madaxweyne Riyaale haddii uu moodayo in Xukunka lagu haysto maaha taasi ee waxaa Somaliland maanta looga baahanyahay waa dheeli tir siyaasadeed oo dalka iyo dadkaba u dan ah”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa isaguna halkaasi ka hadlay wuxuuna sheegay in Wadaagga iyo wax wada Qabsiga Labada Xisbi aanay mudnayn in laga dido isagoo ka jawaabaya Shirkii Jaraa’id ee Madaxweyne Riyaale qabtay dorraad ayuu guddoomiyahu wuxuu si weyn ugu dhaliilay Madaxweynaha waxaana Axmed Siilaanyo hadaladiisa ka mid ahaa “Madaxweynahu malaha weli ma yaqiinsana inuu Madaxweynaha Somaliland yahay, markasta wuxuu sheegta wixii umaddu qabsatay, Madaxweynow umaddu adigay ku dooratay cid hogaanka kugu haysataana ma jirto ee waxa laguu sheegaya keliya waa hagaajinta Qarankani”

Ugu dambayntii waxaa halkaasi iskugu tegay dhammaan Xildhibaanadii ku guulaystay tartankii golaha wakiiladda ee labada Xisbi Ucid iyo KULMIYE oo sawir taariikheed wadar ah la gallay Labadooda Guddoomiye.

( M.O.H. )

Somaliland.org Reporter Hargeisa.

This entry was posted in News. Bookmark the permalink.

Comments are closed.