Komishanka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashooyinka Wakiilada

Komishanka Doorashooyinka Ayaa Saaka Si Ku-meel-gaadh ah Ugu Dhawaaqay Natiijadii Tartanka Golaha Wakiilada Somaliland ee Dalka Ka Dhacday 29-kii September, 2005

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 15 October, 2005

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa saaka 7:30 subaxnimo ee wakhtiga Hargeysa ku dhawaaqay natiijada Gobolka Hargeysa iyo guud ahaan natiijada hordhaca ah ee doorashada Golaha Wakiillada dalka oo dhan; kadib markii ilaa xalay saqdii dhex la sugayey, dhawr jeerna ay dib u dhacday.

Natiijada Gobolka Hargeysa oo iyadu ah tii ugu dambeysey dalka oo dhan, waxa lagaga dhawaaqay saaka xafiiska Guddoomiyaha Komishanka, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Wakiillada Saddexda xisbi.

Sida Loo Kala Helay 82-ka Kursi Ee Baarlamaanka

Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxu ku dhawaaqay Tirada Guud ee Saddexda xisbi ay ka kala heleen 82ka kursi ee Golaha Wakiillada ee loo tartamayey; taas oo Komishanku u gudbindoonno Maxkamadda Sare ee Qaranka si uu u soo saaro natiijada kama dambaysta ah ee Doorashada Golaha Wakiillada. Waana sidan sida loo kala helay:

Xisbiga Kuraasta Saamiga
UCID 21 26%
KULMIYE 28 34%
UDUB 33 40%
Mucaaridka Kuraasta Saamiga Mucaaridka
KULMIYE + UCID 49 60%

Natiijada Gobolka Hargeysa

Waxayna Saddexda xisbi ugu kala guuleysteen kuraasta loo tartamayey Gobolka Hargeysa oo ah 20 Kursi, sidan: Xisbiga KULMIYE oo ku guuleystey 8 kursi, halka labada xisbi ee UCID iyo UDUB-na ay heleen midkiiba 6 kursi.

Tirada Guud ee ka codaysay Hargeysa waxay tahay 256,341; waxa xumaaday 2750, waxana ansaxay 253,591 cod, taas oo uu xisbiga KULMIYE ka helay 95,854 cod, xisbiga UDUBna 81,847 cod, halka xisbiga UCID-na uu helay 75,890.

20Ka Musharrax ee ku guuleystey kuraasta Baarlamaanka ee Gobolka Hargeysa waxay kala yihiih:

XISBIGA UCID:

Kaalinta Xildhibaanka Codadka
1 Khadar Aadan Xuseen 9251
2 Ibraahim Mahdi Buubaa 7680
3 Cabdiraxmaan Cismaan Cali Shirwac 6937
4 Bashiir Sh. Xuseen Tukaale 6818
5 Xaashi Xuseen Caabi Xaashi 6306
6 Maxamed Baaruud Shire Qamac 6015

XISBIGA KULMIYE:

Kaalinta Xildhibaanka Codadka
1 Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne) 8584
2 Dr. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) 7412
3 Cabdulcasiis Maxamed Samaale 6330
4 Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe 6171
5 Ibraahim Axmed Haybe Sh. Muuse 6023
6 Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi 5108
7 Maxamuud Axmed Obsiiye Gaboobe 5095
8 Dr. Cali Yuusuf Axmed Jaamac 4951

XISBIGA UDUB:

Kaalinta Xildhibaanka Codadka
1 Xasan Cawaale Caynaan 7854
2 Cabdikariim Aw Cali Shabeel 6237
3 Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gebiley) 5680
4 Cabdulqaadir X. Ismaaciil Jirde 5139
5 Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac 5058
6 Aadan Muxumad Hoorri (Mataan) 44

Natiijada Gobolka Hargeysa oo ahayd tii ugu dambaysay ee Komishanku ku dhawaaqo waxay soo gebagebaynaysaa Doorashada Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday 29-kii bisha September.

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

This entry was posted in News and tagged , , . Bookmark the permalink.

Comments are closed.